SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Rayaale Ayaa Kala Taliya Arimaha Awdal Ku saabsan

    Posted by Sawnews.tk on December 20, 2009

    Waxa laga joogaa mudo todobo sano ah wakhtigii Madaxwyne Rayaale loo soo doortay madaxtinimada Somaliland , ilamaa mudadaana dadwaynaha reer Awdal waxay Rayaale la garab joogeen taageero ho iyo hiilbale.

    Tageeradaa oo iskugu jrtay mid af iyo adinba ah ayaa la odhankaraa waxay ahay mid Rayaale aanu warba u hayn, amaba aanu kala jeclaynba wa,ayo? Hadii uu in uun mudane Rayaale dareensanyahay in qayba kamida dadwaynaha reer AWDAL taageero bilaa hagrasha ah u hayaan amaba uu in uun aaminsanyahay in taageerada reer Awdal wax u soo kordhinayso wuxu isku dayi lahaa in uu mar marka qaarkood dhagaysto cabashooyinkooda oo uu isku dayo in uu sharfo, laakiin waxay  arintu u muuqataa in uu xaalku taaganyahay  ninkii amaantaad u hayso og ama waxtarkaad u leedahay aaminsan ayaa cabshadaada dhago u leh .

    Way jiraan waxayaalo badan oo ah cabashooyin aanay waxaba kajirin oo ay dadka qaarkood kula dulkufi jireen madaxwayne Rayaale laakiin waxa iydna jirta in ay bulshada reer Awdal waxyaala badan oo aanay u qalmayn, dhuuntana aan u mareen hadii uu ninkale kursiga ku fadhiyi lahaa ay ku liqeen Madaxwayna nimadiisa.

    Waxan kamid ahay dadka aadka u aaminsan madaxwaynaha ee taageera, sobota aniga iyo dad badanoo kalaba ay mudane  Rayaale u taageeraanina ma, aha in aan lacag iyo dana gaara ku qabno laakiin maadaaba uu yahay madaxweyne ka soo baxay gobolka Awdal waxan dareensanaa walina aan aaminasanahay in uu helo taageerada reer Awdal . Taasina maaha mid aniga iyo cidkasta oo tageertaayi ku qaldantahay wa,ayo, madaxwayne kasta  oo wadan maamula waxa taageerada ugu badan siiya gobolka uu ka soo jeedo.

    Laakiin taasi macnaheedu maaha in wixii aan ku tageeraynay oo ah Awdalnimada uu isaguna umada reer Awdal ku dulmo, oo isaga oo isku halaynaya oo aan dareensanay sharaf darada, bahdilaada iyo cawaaqib xumada uu usoo hoynayo dadkaa aan cidna dulmay  uu siduu doono ka yeelo.

    Waxa kale oo in la ogaado ah in taageera kasta oo shaqsi bini’aadama la siiyaayina leedahay xad, taageerada dadka badan ee reer Awdal siiyaan ama siinjireena madaxwayne Rayaalana ma,aha mid bilaa shuruuda ee waxa jira waxyaalo wiiqi kara waxana ugu horaya waxyaalaha wiiqi kara tageerada reer Awdal siiyaan Mr Rayaale in ay madaxtinimadiisu galiso katar jiritaanka bulshada iyo sharafta dadka ku dhaqan Awdal oo ah dad leh wax ay ku faanaan iyo sumcad ay jecelyihiin in ay dhawrtaan.

    Hadaba waxa muuqata iyada oo uu mudane Rayaale marka laga hadlayo waxqabasho aanu aaminsanaynba in ay dhulka Awdal ka mid yahay meelaha uu maamulo uu hadana  marka uu rabo in uu adeegsado dhulka iyo dadka reer Awdalba  uu Rayaale u dhaqamayo macno kaligii taliye oo isaga oo aan xil iska saarayn xaqa dadka reer Awdal ku leeyihiina  uu si badheedha u qaato amaba uu dawladiisa ugu fasaxaa  go’aano aan lagaba fiirsan.

    Tusaale ahaan gobolo badan oo uu Rayaale iska dhiidhiib waa dhexdiiya waxa kamid ahaa gobol laga gooyay gobolka Awdal oo markaad u fiirsato aan ahaynba dhul kala qoqobmi kara.  Gobolkaasi oo loola baxay  Selel ayaa ah mid aan macno u samaynayn horumarka dadka reer Awdal ee laga gooyay laakiin wuxu usoo jiiday uun gobolkani caqabado marka hore ka hurday iyo colaado laga yaabo in mustaqbalka ka dhacaan dhulkaa

    Inkasta oo dad badani si ka fiirsansha la’aana ay sacabada ugu tumeen markii la magacaabay gobolkan ayaan anigu waxan ka mid ahaa dadkii tirade yaraa ee gobolka Awdal u dhashay ee maalitkii la magacaabay wixii loogu yeedhay Selel sida xun uga naxay wa’ayo waxyaala badan ayaan markaa ka fikirayay imikana waxyaalihii aan markaa anigu ifafaalaynayay waxyaalo kaba sii daran ayaaba soo baxay oo  qobadaa Selel loola baxay ee laga gooyay Awdal ee sida xeeladaysan uu ismaaciil cumar geeli u goostay.waxay u muuqataa mid awood dadka reer Awdal ka wayni mustaqbalka ka amar kutaaglayn doonto.

    Fadlan: Akhri Maqaalkii Wakhtigaa aan Ka Qoray Magacaabistii Gobolka loo bxiyay Se (Awdalnews No more Awdal – Articles&Opinions )

    Hadaba bal hadii aan ku noqono su,aasha aan ciwaanka uga dhigay fikradaydanyar ee shaqsiyadees, Rayaale ayaa kala taliya arimaa Awdal kusaabsan? Jawaabta su’ashaas waxan raadinayay ilaa mudadii duufanadu ku dheceen xeebaha Awdal iyo wakhtigii uu geeriyooday Allaha unaxariistee Abwaan Hassan Sheekh Muumin aniga oo labadaa jeerrba aad u saluugay Mudane Rayaale inkasta oo aanan shaacin fikradayda hadana waxay ahayeen labadaa jeerba waqtiyadii iigu horaysay ee aan Rayaale jidhdiido sobobo aanan hada wakhti u hayn amaba la soo dhaafay ayaana igu keenay in aan ka jidhiidhyacoodo rayaale dhaqankiisa wakhtigaa.

    Hadaba badhitaankaa aan ilaa mudadaa ku jiray ee ku saabsanayd cida Rayaale kala talisa arimaha Awdal ayaan waxan ku ogaaday in aanu Rayaale kaba fikirin in uu Awdal cid kala talisa qabsado oo uu kaligii go,aankuu doono ka gaadho markuu Awdal wax ka damco, isagoo reeraga kale iyo gobolada kale mid walba u samaystay sidii wasaaradaha oo kale nin kala taliya ama wasiir ha ahaado amaba xildhibaan ha ahaado amaba oday ha dhaqameedo ha noqdaane.

    Waxa taa kuu cadaynaysa wakhtigii uu Rayaale gobolada magacaabayay in magacaabida gobolda bariga u maray nidaam ka duwan go,aankii uu ku kala gooyay gobolka awdal. Waxana jirtay in uu Rayaale intii aanu magacaabin gobolada bariga wada hadalo iyo wada xaajoodyo la yeeshay dhamaan dadkii matalayay dagaankaa laakiin waxan wada ognahay in aanu rayaale u marin sifo taa la mid ah markii uu kala goynayay gobolka Awdal ee uu isaga uuni gaadhay go’aan.

    Hadaba hadii aan u raacno sida mudane Rayaale dhawrjeer oo hore uu kaga dhawaajiyay taasi oo ah in uu dadka u simanyahay miyaanay ahayn  in uu si sinaana dadka ula dhaqmo.

    Nina ma odhankaro Rayaale kursiga waxa uu ku helay codka reer Awdal oo kaliya laakiin waxa hubaala Rayaale hadaanu reer Awdal ka dhalan in aanu maanta madaxwayne noqdeen.

    Afkaartayduna kuma wajahna in ay reer Awdal Rayaale ka doonayaan wax dheeraada waanan ogahay in uu Rayaale yahay nin bulsho u dhexeeya laakiin hadii ay jiraan dad reer Awdal ah oo Mudane Rayaale xog ogaal u ah arimihiisa iyo sida uu wax u wado, wax wanaagsan in ay wargeliyaan una sheegaan in aanu dadka karaahi ka dalban oo uuna magac xumana u soo jiidin sharaftoodana waxyeelin.

    Gaba gabadii fikirkayga wadani ahaaneed anoo muujinaya dadka reer Awdal waxa la gudboon in hadii Rayaale ka jimcin waayo oo uu ku socdo wadada uu maanta ku joogo in ayna laba xaajoon isaga ee bal ay isku dayaan in ay dadka wadanka la dagan ee ay iyagu Rayaale u geeyeen kala sheekaystaan sidii wax looga badali lahaa waxyaalaha uu murgiyay Rayaale ee aygu horeeyaan qobada galbeedka Awdal ee Djibouti loo gooyay iyo Jasiradaha la sheegayo in dadkii gobolka laga fara maroojinayo.

    Cabadale Farax Sigad

    London

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: