SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hay’adda Caalamiga ah Ee ICRC Oo Xukuumada Somaliland Ku Wareejisay Laba Nin Oo Laga Soo Daayay Xabsiga Gu’antamo.

    Posted by Sawnews.tk on December 20, 2009

    Hargeysa(SAWNEWS)  – Hay’adda Caalamiga ah ee ICRC ayaa maanta Xukuumada Somaliland ku wareejisay laba nin oo u dhashay dalkan oo laga soo daayay Xabsiga Markaykanku ku leeyahay dalka Kuuba ee Gu’antanamo bay, oo ay muddo ku xidhnaayeen markii lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Shabakada Al-Qacida.

    Labadan nin oo la kala yidhaahdo Ismaaciil Maxamed Carraale iyo Maxamed Saleebaan Barre, ayaa la sheegay in sii dayntooddu ay ka dambaysay ka dib markii wax dambi ah lagu waayay waxaana Madaarka Hargeysa oo ammaankiisa markii ay ka soo degayeen aad loo adkeeyay ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cabdilaahi Cirro), Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Bakaal iyo Haweenay Maraykan ah oo qareen ah muddo dheerna u doodaysay labadan nin in la sii daayo. Waxa kale oo madaarka Hargeysa oo loo diiday Saxaafadu inay galaan ku sugnaa qoysaska labadan nin.

    Maxamed Saleebaan Barre waxa laga qabtay dalka Pakistan bilowgii sanadkii 2002-dii, waxaanu xabsiga ku jiray muddo siddeed sanadood ah, halka Ismaaciil Maxamed Carraale laga qabtay dalka Jabuuti isla markaana uu xidhnaa muddo sadex sanadood ah, waxaanay labadooduba ka soo jeedaan Gobolka Togdheer.

    Labadan nin waxa siday diyaarad khaas ah oo ay leedahay Haayada Caalamiga ah ee ICRC.

    Dhinaca kale, waxa Hay’adda ICRC ay hore dalka u keentay Maxamed Xuseen Cabdilaahi oo isna u dhashay Somaliland oo wax dambi ah lagu waayay jeelka Gu’antamo-na ku xidhnaa muddo todoba sanadood ah, waxaanu ninkaasi markii la sii daayay uu sheegay in muddadii uu ku jiray xabsiga Maraykanka lagu sameeyay jidh dil.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: