SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Faalo: Masuuliinta Xukuumadda iyo Qaybo Ka Mid ah Dadweynaha Reer Awdal, oo Siyaabo Kala Duwan U Arka Socdaalka Salaadiinta Reer Ku Tegeen Degmada Saylac ee Gobolka Selel.

    Posted by Sawnews.tk on December 20, 2009

    Boorama (Sawnews) – Wararka ka imanaya magaalo madaxda G/selel ee Saylac, ayaa sheegeyaa in  raxan ka mid ah salaadiinta reer awdal ay xalay  gaadheen xeebaha galbeed ee Soomaaliland, gaar ahaanna magalaada Saylac. Socdaalka salaadiinta reer Awdal ee magaalada Saylac, oo in dhawaaleba qaban qaabadaooda laga dareemayey Boorama, ayaan ilaa imika si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ku saabsanyahay, isla markaana siyaabo kala duwan ay u fasireen dadyowga indha indheeya siyaasadda Gobolka Awdal. Salaadiintan oo tiradoodu gaadhayso ilaa toddoba xubnood oo ah salaadiinta caanka ah ee Awdal, ayaa iyagu maalmo ka hor qaar ka mid ah socdaalkooda dhinaca xeebaha ku tilmaameen mid la xidhiidha martiqaad lagu martiqaaday caleemosaarka suldaanka beesha ciise oo halkaa ka dhici doona, balse sida wararka kale sheegeyaan ujeedada socdaallkoooda ayaa dhinaca kale xukuumadda iyo  Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkuba safarkaasi ku tilmaamay mid baalmarsan nidaamka dawladeed.

    Inkastoo anay masuulyiinta G/awdal, ayna ka hadal sababta wakhtigan salaadintaasi u dhaqaajisay dhinaca xeebaha galbeed, hase yeeshe ilo ku dhaw xukuumadda sare iyo xukuumadda gobolka Awdal, ayaa lagu sheegay inaysan waxba kala socon ujeedada socdaalkaas, isla markaana anay salaadiintaasi socdaalkooda kala xidhiidhin masuulyiinta dawladda heer qaran iyo heer gobol. Sidaa darteedna socdaalkoodaasi ku tilmaamay inuu yahay mid shaki badan leh oo ay xukuumadda u gacan dhaafeen degaanada hoos yimaadda maamulkeeda.

    Lama oga sababaha xukuumaddu uga shakiday socdaalka salaadiinta, balse warar kale oo kasoo baxaya degaankaasi ay booqashada u joogaan, ayaa sheegeya in salaadiintaasi ay soo dhaweeyeen qaybo ka mid ah dadweynaha degaankaasi, balse maamulka degaankaasi aanu raalli ka ahayn imaatinkooda. Sidaa darteedna ay il qalloocan ku eegi doonaan slaadiintaasi inta ay joogaan degaanka Saylac.

    Socdaalka suldaanada reer Awdal, ayaa sidooa kale kusoo beegmay wakhti badhsaabka cusub ee gobolka Selel dhawaanta loo magacaabay safar ugu maqanyahay magaalada Jabuuti, halkaasoo uu tegey wax yar ka dib markii xilka  gobolka Selel loo uu la wareegay.

    Masuul sare oo ka tirsan xukuumadda soomaaliland, kana cudurdaartay in la magacaabo, oo caasimadda Hargeysa igalasoo xidhiidhay arrimaha salaadiintaasi, ayaa si cad iigu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan odaydhaqa meedyadaasi, maadaama sida uu sheegay ay ku kacayaan arrimo keeni karaya xasiloonidarro degaanadaasi ka dhacda, isagoo yidhi “loogama baahnayn inay dhul nabadgelyo ka jirto qalalaase geliyaan, waxa looga baahnaa ceelberdaale iyo samarroonka jagooyinka yaryar isku dilaya iyo inay  hagaajistaan maamulka gobolkooda. Nin tiisiiba gabay ayaa leh dad kalaan wax usoao tartayaa, waxay lahaayeen waxan u tegeynaa caleemosaarka ugaaska Ciisaha, balse waa been, ee ujeeddooyin kale ayey ka leeyihiin degaankaasi, mana soconayso inay dawladda la maamulaan dhulka, cirka iyo badaha soomaaliland.”

    Haddaba, markaad eegto dareenka xukuumadda ee ku saabsan socdaalka salaadiintaasi iyo dareenada qaybo ka mid ah dadweynuhu ka bixinayaan, ayaa iyaduna ah kaaf iyo kala dheeri.

    Warar ku dhadhaw socdaalka salaadiinta reer Awdal, ayaa iyaguna sheegeya in salaadiintu dhulkaais u tegeen arrimo door ah: Waa tan koowaade inaay soo afjaraan muran ku saabsan dhul degaankaasi ku yaalla oo xukuumaddu ku wareejisay ganacsato reer soomaaliland ah, balse kala deggen Jabuuti iyo Boorama, Sidaa darteedna ay doonayaan inay dhulkaasi oo sida la sheegay mid ka mid ah ganacsatadaasi hore ugu haystay mulkiyad dawladdu siisay, mar kale laga iibiyey ganacsatadaha kale ee reer Soomaaliland ah, balse deggen Jabuuti.

    Salaadiintani socdaalka ku tegay degmada Saylac, ayaa sida la sheegeyo ku taageerayaan madax dhaqamedyo uu ka mid yahay nin dhawaanta loo caleemosaaray “boqornimada Gobolka selel”, oo la yidhaa saleemaan Aw Cali maasheeye iyo wakiillo ka socday ganacsadaha caanka ah ee reer Boorama ee la yidhaa Idiris Muxumed Sacad, kuwaasoo sida la sheegay daba jooga dhul ay sheegeen inay degaanka Saylac ku lahaayeen oo laga iibiyey dad kale, oo ay ka mid yihiin ganacsato reer Jabuuti ah oo ay ku jiraan mulkiilayaasha Huteelada Saambesi ee magaalada Jabuuti ku yaalla. Ganacsatada reer Jabuuti ee sida la sheegay laga iibiyey gesiiradda Saylac, ayaa waxa loo malyanayaa inay kusoo daba dhuumanaya kuwa reer Soomaaliland ah, iyaga oo sida la sheegay doonaya inay iibsadaan meelo ka mid ah dhulka Soomaaliland.

    Inkastoo wasaaradda hiddaha iyo dalxiiska Soomaaliland sheegtay inaan dhul degaankaasi ku yaalla cidna laga iibin, laakiinse ay ku wareejisay ganacsatada reer Soomaaliland ah si ay u maalgashadaan, dhulkaasi dayacanna la hormariyo, balse arrinkaasi waxa beeniyey masuulyiinta xisbiyada mucaaradka qaarkood, gaar ahaanna xisbiga UCID, iyaga oo saaray warsaxaafadeed lagu baahiyey warbaahinta Soomaaliland.

    dhinacakale socdaalka salaadiinta, ayaa lagu tilmaamay mid ka tarjumaya  dareen qaar ka mid ah dadweynaha reer Awdal ka muujiyeen iib la sheegay in ganacsato reer Jabuuti ah laga iibiyey jasiiradda Saacaad -Diin, taasoo mid ka mid ah xisbiyada ucaaradka Soomaaliland, gaar ahaanna xisbiga UCID kasoo saaray warsaxaafadeed warbaahinta lagu baahiyey dhawaanta Iibka lagu sheegay jasiiradaha Sacaada-Diin iyo Ceebaad  iyo dhulka ay ku yaallaan daaraha burburray ee ka hadhay ilbanimadii reer Saylac ee qarniyaasii la soao dhaafay noqonayso taariikhdii reer Awdal oo la aasayo. Sidaa darteedna ay salaadiintaasi dadka lugta ku leh iibkaasi uga digayaan inay ka noqdaan   iibkaasi ,una sheegaan inaanay jirin cid bixin karta dhul ka mid ah soomaaliland ,hadday xukuumad tahay iyo hadday dal kale tahayba.

    Si kastaba ha ahaatee, socdaalka salaadiinta reer Awdal ay markii ugu horreysay si wadajir ah  ugu kicitimeen degaanka Saylac, iyaga ka ka duulaaya inay soo dhiciyaan “dhul” ka mid ah degaanka Samoroon oo dad shisheeye ah laga iibsay, ayaa noqonaysa mid ujeedadiisa ay ku kala tegi karaan reer Awdal iyo xukuumadda Soomaaliland, isla markaana keeni karta khilaaf siyaasadeed, mid beeleed iyo mid degaan, oo kalana kaxayn karaysa reer Awdal, reer Selel iyo xisbiga UDUB oo ay badi siin jireen taageeradooda siyaasadeed. Lamana oga waxay xukuumaddu kaga hortegi doonto socdaalka salaadiinta reer Awdal ee degaanada xeebaha Galbeedka Soomaaliland.

    Ugu dambayantiina Socdaalka salaadiinta reer awdal ee ay ugu kicitimeen degaanka Sayalac iyo dareenada xiisha leh ee ku gadaaman, ayaa loo macnaysan karaa inuu la la xidhiidho isriixriixa dhinaca degaanka ee ka dhxeeya beelaha Ciise oo salka ku haya dalka Jabuuti iyo beelaha Samaroon ee jaarka yihiin, iyadoo weligoodba beelaha Samarroon iyo beesha Ciise ku muransanayeen gacan ku haynta dhulkaasi, balse haatan loo malaynayo inay xukuumadda Jabuuti adeegsanayso beelaha Ciise ee degaankaasi si ay u hantido wixii khayraad ee laga manaafacaadsan ka degaanadaasi.

    Sidaa darteedna ay salaadinta beelaha Samarroon halkaa u tegeen inay ku war geliyaan maamulka gobolka salel inay dagtahay la’ aantood in dhulkaasi cidi kale ka taliso aayihiisa iyo iibkiisa, balse anay wax dareen ka qabin beelaha kale ee Soomaaliland dega.

    Maxamed Cumar – Hyena

    Boorama, Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: