SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Salaadiinta Gobolada AWDAL/SALAL oo goor dhawayd u anbabaxay Xarunta Gobolka SALAL ee saylac

    Posted by Sawnews.tk on December 18, 2009

    alt(Sawnews) Galabta ayaa waxaa ka ambabaxay magaalada Borama waqfti balaadhan oo salaadiin oo uu hogaaminayo suldaan C/raxmaan jaamac dhawal u kuictemeen magoolo madaxda gobolka sala ee saylac.

    waftigan ayaa waxaa ay ka kooban yihiin seddex Suldaan oo kala ah Suldaan C/raxmaan jaamac dhawal , suldaan ibraahim jaamac samatar iyo suldaan Xasan Xaddi Baade.

    Salaadiintan oo aanu khadka telephonka kula xidhiidhnay suldaanka hogaaminaya salaadiinta oo ah Suldaan C/raxmaan jaamac dhawal ayaanu ka waydiinay ujeedada ka danbaysa socdaalkan, waxa uu noo sheegay inay utagayaan bal inay waxa ka soo ogaadaan xaalada guud ee gobolka iyo tan maalmahan danbe la isku  haysto ee ah jazeeradahan la iibiyay.

    waxa kale oo uu noo sheegay inay wax ay ka soo ururiyaan ee xoga ay markaa shir saxaafadeed ay qaban doonaan medihana ay usoo bandhigi doonaan.

    Runtii waxa maalmahan danbe si xooga looga hadal hayay jazeeradaha  Saacadiin iy ceebaad oo laga iibiyay muwaadiniin ka soo jeeda jabuuti oo uu xisbiga ucid ay ku faafiyeen warbaahinta maxaliga ah iyo tan internationalka ah ee websiyda.

    iyada oo dadwaynaha ku dhaqan goboladan awdal iyo salal dareen cadho leh ku abuurtay.

    markaa hadii taasi ay dhabawdo maxaa u yaala oo talaaba ah oo looga fadhiyaa inay ku dhaqaaqaan dadyawga ku nool goboladan , su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan waxa laga jawaabi doonaa maalmahn soo socda ee fooda inagu soo haya insha allah.

    Jazeeradahan ayaa waxa ay ku yaalaan meel istiraajiyada oo bilic iyo qurux leh ayna ka gami dooniin hadii arinkaasi dhaboobo dadkan ku nool goboladan AWDAL IYO SALAL.
    alt


    alt
    Boramanews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: