SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Warfaafinta Oo Beeniyay Warar Sheegayay In Radio Hargeysa Hawada u Banaysay Idaacado Shisheeye Si Kululna u Weeraray Guddoomiyaha Wargeyska Saxansaxo.

    Posted by Sawnews.tk on December 17, 2009

    Hargaysa(Sawnews)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa maanta warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu si kulul u beeniyay war ku soo baxay Wargeyska Saxansaxo oo sheegayay in Radio Hargeysa ay hawada u banaysay idaacado shisheeye.

    Warsaxaafadeedkaasi wuxuu Wasiirku si kulul u weeraray Guddoomiyaha Wargeyska Saxansaxo, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

    “Tixraac qoraalka ku soo baxay Wargeyska Saxansaxo, Cadadkiisi 805 ee 15-kii December 2009, cinwankiisuna ahaa waxaa uu ku sheegay “Musuqmaasuq dul hoganaya Wasaaradda Warfaafinta”

    Haddaba, waxa ayaan darro ah in mas’uulka Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Saxansaxo uu baahiyay qoraal aan dheeli tirnayn oo loola jeeday oo kaliya in been iyo wax aan jirin lagu dhex-tuuro shacbiga, waayo haddii kale oo aanu u badheedhin sidaas, waxa xaq loogu lahaa, kana mid ah xeerarka Saxaafada inuu cidda uu wax ka sheegayo oo ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo uu markasta heli karo uu wax ka waydiiyo, ka hor intaanu wax jeebkiisa iyo fikirkiisa ku kooban aanu u baahin dadka.

    Horta wax lala yaabo maaha oo waa shakhsiga samaystay (Dallad) uu isagu ku sheegay in ay midayso Saxaafada Somaliland, taasoo ah mid been abuur ah isla markaana uu u abuurtay kaliya inay kaga maxaafsadaan isaga iyo Wargeysyada kale ee ku hawlan mija-xaabinta iyo jiritaanka qarannimada, iyagoo wax kaga doonaya kuwa ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland. Waxa taas ka markhaatiya dalladaas oo ah mid wax sharci ah aan ka haysan hay’adaha sharci ee dalka.

    Sidoo kale, wax la yaab kale ah in shakhsi diidan ku dhaqanka shuruucda dalka uu cid kale ku eedeeyo inay liddi ku yihiin Qarannimada iyo waxyaabo kale oo la mid ah, Iyadoo ay isaga ku cadahay in shaki wayni ku jiro xataa Somaliland-nimadiisa.

    Arrinta uu ka hadlay Wargeysku ee la xidhiidha heshiiska ay wada galeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Idaacada codka Maraykanka ee loo yaqaano (VOA) waa mid ka mid ah hawlaha Wasaaradda, gaar ahaan xidhiidhada dhexmara Warbaahimaha dawliga ah sida (VOA), waana waajibaad saaran kala xulashadoodu mas’uuliyiinta Warfaafinta, sidaa awged maaha mid looga fasax qaadanayo masuulka Saxansaxo.

    Waxa kale, oo nasiib darro ah in Mas’uulka Saxansaxo oo sheeganaya inuu ka mid yahay warbaahinta dalka horena u ahaan jiray Wasiir ku-xigeenkii Warfaafinta inaanu ogayn in VOA-du ay saddex sano ku jirtay hawada iyadoo ahayd FM ku koobnayd Hargeysa oo kaliya, imikana laga dhagaysto meelo badan oo Somaliland ah iyo deegaano kale oo afka Soomaaliga lagaga hadlo lagana dhageysto Mawjada SW-da, waxaanu wakhtigaa goob-joog ka ahaa isaga oo Wasiir-ku-xigeena heshiiskii lala galay BBC-da oo ka horaysay ta (VOA-da) oo ah mid jira illa hada.

    Waxa haddaba, iswaydiin leh sababta uu Wargeyska Saxansaxo VOA-dana ugu tilmaamay musuqmaasuq ta kale ee BBC-dana mid xalaal?

    Qodobka lacagta ee uu xusay Wargeysku waxa looga fadhiyaa in lacagtaa uu inoo keeno isagaa og halka ay taallo, isla markaana soo cadeeyo ta uu ku sheegay in la musuqmaasuqay, wixii mala-awaalana gees iska dhigo.

    Dhinaca maqaalka ee Radio Hargeysa gaar ahaan, Mawjada FM-ta ee uu sheegay inaan laga maqlin Radio—yada Baabuurta waa been cad, waxana ka markhaatiya shicibka gaadiidka wata oo markasta ka heli kara, kana dhagaysan kara Mawjada FM-ta 89.7 Mega-heytis (MHZ), taasoo awooddeedu daciifisay maqalka labada mawjadood ee FM-yada ee VOA-da iyo BBC-da, waxaanu hadalka beenta ah ee uu faafiyay Wargeysku u muuqdaa mid xin iyo xasad xambaarsan.

    Maqalka iyo dhagaysiga Radio Hargeysa adiga iyo inta kale ee Daacayadaha Raqiiska ah ka faafiya Idaacada Qaranka waxba laga waydiin maayo, waxaana kula gudboon inaad Wargeyskaaga u tudho si uu suuqa ugu sii jiro oo aad ka dayso ku maxaafsiga iyo inaad fikirkaaga gaarka ah u gudbiso dadweynaha subax walba adigoo ugu sawiraya war ahaan.

    Sidaas darteed, waxaanu kugula talinaynaa, inaad kala soocdid fikirkaaga xisbinnimo ee aad aaminsan tahay iyo waxa xaqiiqada ah ee sugan ee lagaaga baahan yahay inaad gaadhsiiso ummada, taasoo ay ku jirto dantaada iyo ta shacbiga reer Somaliland.”

    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: