SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Macadka GOLJANO ee tababarka Computerada oo maanta ay ka qalinjabiyeen 232 arday magaalada Borama + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on December 17, 2009

    alt(sawnews) Munaasabad Si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta waxaa lagu qabtay HOTEL RAYS ee magaalada Borama,  Munaasabadan ayaa waxa ay ahayd mid arday ka qalinjabisay machadka computerada Ee Goljano lagu gudoonsiinayay Shahaadooyin iyo abaalmarino, munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Mus’uuliyiin Heer gobol iyo heer degmo Wasaarada waxbarashada, waalidiin, arday iyo marti sharafkale.

    Munaasabadan ayaa waxaa lagu furay aayado quraana waxaa isla halkaa lagu soo dhaweeyay Maamulaha machadkan  GOLJANO C/qaadir Mouse  waxa uu ku dheeraaday Taarikhihii kala  Duwanaa ee uu soo maray iyo halka uu iminka maraya waxa uuna sheegay inay tahay qaybatani qaybtii tobnaad ee ka  qalin jabiso Machadkan.

    Waxa uu sheegay in arday kor u dhaafaysa kun arday in ay ilaa iminka ka qalin jabiyeen.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlya  Gudoomiye Ku xigeenka wasaarada    Waxbarashada C/raxmaan Saleebaan, Waxa uuna umahad naqay ka soo qaybgalayaasha munaasabadan iyo maamulka Machadkan waxa uuna sheegay ka wasaarad ahaan inay taageersan yihiin machadkan ayna la garab taagan yihiin hiil iyo hooba.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadly mid ka mid ah waalidiinta waxa uuna umahadnaqay ardaydii iyo mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay waxa uuna ugu dardaarmay inay waxaa ay barteen sida hagaagsan ay ugu dhaqmaan wadankooda waalidkooda iyo diintoodadana ugu adeegaan.

    Ugu danbayntii halkaa waxaa lagu gudoonsiiyay ardaydi ka qalin jabisay machadkan oo dhamaa 232arday oo isugu jiray rag iyo dumar shahaadooyin iyo abaalmarino kale.

    Runtii waxaa la odhan karaa machadkan waqtiyadii ugu danbeeyay waxa uu ka qayb qaatay Horumarinta iyo kor uqaadida da’yarta iyo dadka waawayn xaga teknoolajiga casriga ah waxaan uu buuxiyay kaalintii kaga haboonayd ee gobolkan.

    Machadkan ayaa waxaa la aasaasay mudo laga joogo 10sano waxa uuna soo saaray arday kor udhaafaysa kun kuwaas oo ka qalin jabiyay lixda program ee computerka iyo hardwaka iyo sharinka, machadkan ayaa waxaa dhiga macallimiin ku takhasusa  oo ka soo qalinjabiyay jaamacado ku yaala wadanka itoobiya.

    Machadkan ayaa waxa uu qabtaa munaasabad noocanoo kale ah sanadkiiba laba goor.

    Ardayda waa la isla sugaa markaa sidaas ayaa mar qudha loogu qabtaa xaflad noocanoo kale ah.

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt
    Reporter:Jaabir Ali Omer
    Borama(Bnn)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: