SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Fanaanka weyn ee K’naan Abdi oo kulan la yeeshay Wasiirka Dhaqanka & Dalxiiska Somaliland.

    Posted by Sawnews.tk on December 17, 2009

    Soomaaliyeed ee K’Naan Cabdi Warsame oo socdaal ku jooga Magaalada Hargeysa, ayaa kulan  la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble, waxaanu booqasho ku tegay meelo ka mid ah kuwa dalxiiska aataarta Somaliland.

    K’Naan iyo kooxda la socota oo labadii maalmood ee u dambeeyay socdaal ku joogay magaalada Hargeysa, ayaa kulankan Xarunta Wasaaradda dalxiiska iyo dhaqanka kula yeedhay Wasiirka Dhaqanka Cabdirisaaq Waaberi oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaas Maxamed Axmed Faarax iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Axmed Maxamed Xusseen, waxay hadalo ay kulankaa qaabiladaa Fanaanka ka jeediyeen ay ku soo dhaweeyeen Fanaankaan Soomaaliyeed oo degen dalka Canada.

    Wasiirka Dhaqanku waxa uu dalka ku soo dhaweeyay K’naan Cabdi Warsame, wuxuuna faahfaahin ka siiyay Somaliland.

    K’naan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo abid yimaado Hargeysa, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ammaanka ka jira Hargeysa iyo Ganacsiga.

    “Aniga Muqdisho ku dhashay kana soo jeeda, waxaan kusoo koray degmada Wardhiigleey gaar ahaan Geed-Jaceyl, balse xiligaan ammaan xumo darteed ma tagi karo Xamar, waxaa imid sidaas darteed Hargeysa” ayuu yiri K’naan.

    Fanaanka Soomaaliyeed waxuu sheegay inuu maalmahaan joogay dalka Djibouti, iskuna diyaarinayay Hees uu ka qaado furitaanka Cayaaraha adduunka 2010-ka ee dalka South Africa.

    “Heesta aan South Africa ka qaadi doono furitaanka cayaaraha FIFA ee 2010-ka waxey sharaf weyn u tahay qof kastoo Soomaaliyeed, waayo muwaadin Soomaaliyeed ayaan ahay, Caalamkana sharaf ayaan ugu soo hoyay Soomaalida” ayuu yiri K’naan.


    DAAWO HEESTA UU K’NAAN KA QAADAYO FURITAANKA CAYAARAHA ADDUUNKA 2010-KA

    K’naan waxuu sheegay inaysan Soomaaliya ka qeyb galin waligeed Cayaaraha Adduunka ee FIFA, balse heesta uu ka qaadi doono furitaanka cayaaraha ee sannadka soo socda u dhiganto inay xulka kubadda Cagta Soomaaliyeed ku guuleysteen koobkaasi.

    Ugu dambeyntii, K’naan waxuu sheegay inuu dhowr Isbuuc joogi doono Somaliland, isla markaana tagi doono magaalooyinka Burco, Borama iyo Berbera kana diyaarin doono Video ku saabsan Albun cusub oo uu soo wado oo Soomaalida dhaqankooda loogu hadlayo.

    Fanaanka K’anaan Cabdi Warsame

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: