SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ardayda Soomaaliyeed ee Pakistan oo u baroordiiqday shuhadadii Shaamoow + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on December 17, 2009

    alt, Pakistan(Sawnews): Kulan ay isugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Paksitan ayaa lagu canbaareeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay Hotel Shamow kaasoo lala beegsaday arday, dhakhaatiir, iyo waalidiin ka soo qayb galay xaflad qalin jabin ahayd oo loo qabtay arday ka baxday kuliydaha caafimaadka iyo culuumta Kombiyuutarka ee jamacada Banaadir.

    Munaasabadan oo ay soo agaasimeen ardayda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan kana soo qaybgaleen Mashaa’ikh, dhakhaatiir, Suxufiyiin iyo aqoonyahano kale ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee jamacad International Islamic University ee magaalada Islamabad.

    Dr. Sh. Maxamed Macalin oo goobta ka hadlay kana jeediyay muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Ahmiyada Aqoonta iyo aqoonyahanka” ayaa ku celceliyay doorka aqoonyahanada iyo muhimada aqoonta uleedahay xalinta dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed oo mudaba ku jira xaalad jahwareer ah. Sheekha waxa uu dawlad la’aanta iyo dhibaatooyinka daba dheeraaday u aaneeyay aqoonyarida haysata dadka Soomaaliyeed. Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dilka lagula kacay dadkii wax tarka u lahaa dalka iyo dadkaba.

    Bashiir Barre Cabdi oo ah arday wax ka barta  machadka PIDRM (Pakistan Institute of Disaster and Risk Management) ayaa ku dheeraday dhibaatooyinka waxbarasho iyo caafimaad la’aan ee haysata da’ yarta soomaaliyeed taasoo keeni karta inay qayb ka noqdaan sii hurinta dagaalada dalka ka jira. Bashiir waxaa kale oo uu soo badhigay shax ka turjumaysa heerka waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ku suganyahay.

    Dr. C/Rashiid C/laahi Jaamac oo ku hadlayay magaca Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee dalkan joogta ayaa cadeeyay sida uu uga xunyahay dilka lagu hayo Dhakhaatiirta fara ku tiriska ah ee dalka ku nagaaday si ay xirfadooda uga faa’iideeyaan dadka Soomaaliyeed dhibaatadana ula qaybsadaan.

    Cadulaahi Cali Sheekh oo ah arday Soomaaliyeed isla markaana ah Gudoomiyaha Ururka Afrikaanka ee dalka Pakistan ayaa taabtay muhimada dhalinyarada aqoonta leh ay uleedahay dalka Soomaaliya isaga oo sheegay in dhibka looga bixi karo in la helo dhalinyaro aqoon leh waxa uuna adkeeyay inay lama huraan tahay garab istaagida dadka aqoonta leh ee gumaadka lagu hayo. C/laahi waxa uu ka codsaday dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay inay ka qayb qaataan xal u raadinta mushkiladaha dalka ka jira aqoontoodana uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.

    Duraan  Xasan Yare oo ku hadlay afka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Pakistan ayaa sidoo kale xusay muhimada uu suxufiga uleeyahay bulshada Soomaaliyeed waxa uuna ka qoomameeyay dabar goynta lagu hayo Suxufiyiinta ku shaqaynaysa xaaladaha adag ee dalka ka jira.

    Ugu danbeyntii waxaa bahdii madasha isugu timid ay si wada jir ah u canbaareeyeen dadkii soo abaabulay iyo kuwii ka danbeeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay Hotel Shamow 3dii bishan kaasoo lagu laayay aqoonyahanadii waxtarka ulahaa umada Soomaaliyeed. Waxay inta aku dareen in cidii gumaadkan gaysatay aysan wadin xal Soomaaliyeed sidoo kalena waxay tacsi qaran u direen dhamaan umada Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii ay ka baxeen dadka meesha ku geeriyooday.

    alt


    alt

    alt

    alt

    alt

    Mizan khan

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: