SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dood Siyaasadeed Maanta Dhexmartay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka Ee gobolka awdal iyo Bulshada Rayidka +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on December 16, 2009

    alt(Sawnews) Dood siyaasadeed aad uxiisa badan ayaa  waxa ay dhexmartay Bulshada rayidka ah iyo  Gudoomiyayaasha xisbiyada Qaranka ee gobolka Awdal.

    Doodan ayaa waxaa soo abaabulay  Hay’ada caalamiga ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo SIRIP, Hay’adan oo markii ugu horeysay ay tahay barnaamuj noocanoo kale ah oo ay ka qabato gobolkan. Doodan ayaa waxaa ka soo qayb galay Bulshada rayidka ah noocyadooda kala duwan, taas waxaa dheeraa Bulshada ka soo qayb gashay oo ay ku jireen Dad inta badan an lagu darin talada wadanka iyo hogaamintooda , dadkaas oo ah , Dadka laga tirada badan yahay ,  curyaamiinta , dhalinyarada iyo haweenka.

    Doodan aya dhinaca kale waxaa ka qayb qaadanayay  Gudoomiyayaasha labada xisbi qaran ee mucaaradka ah ee  UCID, Mudane  Abokor  Sh/Hussein Mead (Shiine Dheere) KULMIYE  Mudane /Ibraahim Adam Qaalib.iyo Xoghaya Xisbiga  Talada wadanka haya  ee UDUB Mudane   A/rahmaan Moh’ed omar (Jacda).

    Doodan ayaa waxaa kale  oo goob jooga ka ahaa, Xidhiidhiyaha Gobolada awdal/salal ee xisbiga UCID dhinaca doorashooyinka Axmed Mu’min Seed.iyo Xildhibaan ka socday Xisbiga KUlMIYE Mudan Abbiibakar .

    Dhinaca Bulshada rayidka ah waxaa dooda matalayay

    Dhinaca  Dadka naafada ah waxaa matalayay Mudane /Maxamed Xaashi Muxumad.

    Dhinaca dhalinyarada waxaa iyagna matalayay Mudan/A/wahaab Bashiir Sh/Osman

    Dhinaca haweenka waxaa matalaysay  Foosiye Mouse A/laahi.

    Doodan ayaa waxa hagayay  Sarkaal sare oo ka socday Hay’adaas oo ah  Ahmed Yaasiin iyo  Yuusuf, Doodan ayaa waxaa lagu waydiinayay  Gudoomiyayaasha iyo Xoghaya   Suaalo la is odhan karo waxa ay ahaayeen kuwa aad loogu baahnaa in la waydiiyo Siyaasiyiintan ka soo jeeda Gobolkan.

    Su’aalaha la waydiiyay ayaa waxa ka mid ahaa

    1. Maxaa uu u qorshe ah  Seddexda Xisbi  Qaran oo ay udiyaariyeen Dadka laga tirade badan yahay, dadka naafada ah , dhaliyarada iyo Haweenka?

    2. Maxaa ay ahaayeen caqabadihii haystay  Haweenka , dhaliyarada, Dadka naafada ah iyo dadka laga tirade badan yahay  Doorashooyinka ka hor?

    3. Diyaar ma u yihiin   Haweenka, Dhaliyarada,  Dadka Naafada iyo dadka laga tirade badan yahay inay ka qayb qaataan talada dalka balse maxaa idiinka qorshe ah doorashooyinka soosocda?

    4. Seddexda Xisbi Qaran Sidee ayay u xaliyaan Caqabadah ay soo sheegeen kooxaha aan talada sida buuxda aan ugu jirinbalse maxaa la taaban karaa ee aad balan qaadaysaan doorashooyinka soo socda?

    5. Door ma ku leeyihiin nidaamka doorashadu u dhacayso?

    Su’aalahan Jawaabahooda ayaa dhamaan Seddexda Xisbi qaran Ay uga wada jawaabeen si isku mid ah taas oo aad ka dheehan kartay Faanka Siyaasiyiinta bilaa waxqabadku ka danbeeyo.

    Runtii waxa ay uga wada jawaabeen waqtiga soo socda in xisbi kastaa uu la socon doono Dakaa kor ku xusan ayna ka wada qaybgalin doonaan talada wadanka.

    Runtii waxa ay ahayd dood si heer sare ah loo soo agaasimay Cidwalbana ay uga heshay si aan caadi ahayn taas oo noqon doonta Doodii ugu horeysay oonoocanoo kale ah oo loo qabto Bulshada iyo Xisbiyada qaranka.iyada oo ay ka horeysay doodani mid uu qabtay sanadkan dhamaanayaa Xisbiga UCID una qabtay oo qudha dhalinyarada iyo mustaqbalka ay hiigsanayaan iyo ka xisbi ahaan siyaasada ku waajahan Dhalinyarada Gobolkan ama somalilandba gabi ahaan.

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    Reporter:Jaabir Ali Omer
    Borama(Bnn

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: