SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Marlay garasho waad leedihiin lagu garqaataaye!! By: Cabdale Faarax Sigad

    Posted by Sawnews.tk on December 15, 2009

    Tixdan waxa la yidhaa (GOOLAAFTAN) waxayna ku saabsantahay laba nin oo aan labadaba qadarin u hayo oo xuguf yari dhexmartay.

    (Qoodhi qardabo iskama dayso)

    Geeljire markuu guban u koco eew geela wada raacdo

    Gorof xoorleh markay wada dhamaan eew goluhu nuuraayo

    Goolaaftan koodaa batoo tamcana waysku giijaane

    Gafna kama dhexeeyoo hadana geela wada maale.

    Gadhciroolna hadii loo garnoqo midbay guushu raacdaaye

    Guurtiyo waxa dhexgala nimaan eexi garab daarin

    Garabyaaca xaajada gufayn waa laga gadaantaaye

    Mar haduu gacalku kala go’ayna gaabsigaa roone

    Gar anaa ku joogina marlay gooha way badine

    Iska giiji waxay kula gashaa meel gadood badane

    Haday gubato gacantaada midig ilayn goyni mayside

    Gafka uu walaal kugula kacana marbaa laga gurguurtaaye

    Adigoo is gaabshaa karoon intaad meelxun goynlaydee

    Hadii galka seefta laga saaro marlay gawrac baa xigiye

    Intuu hadalku gawsaha kujiro yaad gaadh ka noqotaaye

    Mar haduu gudbuu dabnaha gaadho goosay hadalkiiye

    Adigoo naftaaduun guhaadshaa karoon inad gadoodaaye

    Googaa haween baa lagu ogaa gaydha iyo guuxe

    Gujadiyo colaaduna rag way kala gadaantaaye

    Garaad laawe haduu kugu gafuu garashadii diiday

    Inaad gaabsatuunbaa kula gudboon ood geesi noqotaaye

    Afartaasi waa  gabay curkii oo gaaxday maalmahane

    imikana midbaan soo gudbinaya iyo irmaan guude

    (Waxjiraa ma jiro)

    Gartii  guban ka timid ee Oogo lagu gooyay

    Waxa galay dadkii garanjiree abidba goynaayay

    Ee markii   gogol loo dhigee guurti u cawaysay

    Go,aankii kayimid baan soo gudbinayaaye

    Goolaaftan uunbay ahayd wixii goobta ka hilaacay

    Guray iyo Cedceed wilwilay goynayeen xalaye

    Gohaad maqlayseen wuxu ahaa gabay habeenaade

    Geeraarki uunbuu dadkuba mooday guluf colaadeede

    (Canaan guud)

    Geesiyada wilwilaha goynayana hadaan erayo gaadhsiiy

    Gurxankiina gawdii ka yeedhay dhagu guuxeene

    Gaabsada dhalaan gogol hurdaad goorxun kicseene

    Gargaraaca geed camadh hurdaad gudun u qaadeene

    Gadhka baxay hadaanu goroyo iyo goodir ka hilaacin

    Marlay garasho waad leedihiin lagu garqaataaye

    Gafka jooja waayeel gado  jooga gocasho waa u ceebe

    Gadgadoonka nin wayn looga roon inuu gafmiirtaaye

    Gundhi iyo anaa goosan bay gacmo ku daalaane

    Gafka uu shisheeyuhu kaa galaa gama’a kuu diida

    Ee haduu guhaad walaal kugu ganbiyo galad ka soo qaad

    Ka gungaadhu gol daloolo uun bay furta gabi ahaanteede

    Guji iyo wargaadhsiina marlay waydin kala gayne

    Gumar ha isku daaqino walaal guurxun loo aye

    Gayigeena gob baa lagu ahaa oo garasho way taalay

    Gunse waxa u daran geesigaan garanin godabta uu gaysan

    Ee hadaad gubato daaqdaan iyo hadaad garasho diidaanba

    Goonyihiina uubaa u umaqan marhadaad garabkin hiiftaane

    Cabdale Faarax Sigad

    Sigad12345@yahoo.co.uk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: