SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasaarada Deegaanka Oo Shaaca ka qaaday In Tirada Daayeerka Goriilaha Ee Lagu Arkay Buuralayda Gobolka Saaxil Ka Badan Tahay Hal Xabo

    Posted by Sawnews.tk on December 14, 2009

    gorilla

    Berbera Dec. 14 2009 – Tirada Dayaaerka Goriilaha loo yaqaan ee ilaa hada lagu arkay Deegaanada Gobolka saaxil gaar ahaana Buuralayda silsilada Golis iyo Nawaaxiyadeeda ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii badanaysa, Isuduwaha Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta Miyiga ee Gobolka Saaxil Axmed Jaamac Cali (Jamaal) oo maalintii shalay ugaga waramay xafiiskiisa Magaalada berbera qaar kamid ah weriyayaasha ka howl gala Gobolka Saaxil ayaa sheegay in tirada Daayeerka Goriilaha ee ku sugan Deegaanada gobolka Saaxil ay ka badan tahay Hal Xabo oo keliya Isla markaana ay maalinba Maalinta ka danbaysa sii badanayso Tirada Daayeerkan Goriilahu “waxaanu samaynay wasaarad ahaan howgalo aanu ku raadinayno xaqiiqada tirada Daayeerka Goriilaha ee Dhawaanahan Dalka soo Galay tirada ilaa hada la sugayna way ka badan tahay hal xabo sida ay noo xaqiijiyeen Odayaasha Tuulooyinka Biyoolay iyo Bahalaley waaxaa  inta badana meelaha lagu arkay GoriilaTuulooyinkaas  agagaaarkooda lagu arkay Tiro Goriilahaa kamid ah oo iyagu Wada Socda oo gaadhaya ilaa Afar Xabadood saaka (shalay Subax) waxa lagu soo arkay Meesha loo yaqaan Geed Libaax oo wax yar dhinaca koonfureed ka xigta Tuulada Laalays  waxa kaloo iyaguna jira kuwo kale oo lagu arkay Deegaanada Laaso Dacawo oo ku taal Gacanlibaax hoosteeda markaa mayara Tirada Daayeerkan Goriilaha ee Dalkeena Soo Gashay” ayuu yidhi.

    Isduwahu waxa uu intaasi ku daray in ay wasaarada gaadhsiiyeen warbixinta Goriilaha

    waaheen.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: