SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Taariikh Nololeedka Wasiirka Cusub ee Macdanta iyo Biyaha + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on December 13, 2009

    Madaxweynaha JSL MD Daarhi Rayaale Kaahin ayaa maanta magacaabay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha JSL, Jagadaas oo uu ka geeryooday Alle ha u Naxariiste Wasiirkii Hore ee Marxuum Qaasim Sh. Yuusuf.

    Madaxweyne Rayaale wuxu Jagadaas u magacaabay inuu Buuxiyo Md Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed.

    Hadaba sidaanu idin balan qaadnay Waxaanu halkan idiinku soo gudbinayna Taariikh Nololeedka Wasiirka Cusub.

    Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed wuxu ku dhashay Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal 20 Bishii June Sanadkii 1960-lii
    Cismaan wuxu waxbarashiisa hoose ka bilaabay Magaalada Borama isagoo ka Qalin jabiyey Dugsigii Boodhinka ahaa ee Camuud Sanadkii 1978.

    Sanadkii 1981 Ayuu Cismaan ka baxay Dugsiga Farsamada ee Magaalada Burco isagoo isla sanadkaas ku biiray Maxadka Sare ee Farsamada gacanta Magaalada Muqdisho.

    Afarsano kadib Sanadkii 1984 ayuu Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed ka baxay Maxadka isagoo ka qalin jabiyey wuxuna ka qaatay Shahaadada Sare ee B.SC Degree isagoo noqday Engineer Farsamada Baabuurta ah.

    Waxbarashdiisa kadib wuxu Cismaan bilaabay Shaqooyin tiro badan oo iskugu jiray qaar uu Bulshada ugu Adeegayey,

    Sanadkii 1985 ayuu noqday Macalin dhiga Farsamada Gacanta ee Baabuurta isagoo ka dhigi jiray Maxadkii Lafoole ee Muqdisho isagoo shaqada hayey muddo hal sano ah.

    Isla Sanadkii 1986 ayuu noqday Madaxa Qaybta Makaanikada Baabuurta ee Maxadkii Lafoole ee Farsamada Gacanta isagoo Madax ka ahaa muddo labo sano ah.

    Labo sano kadib ayuu firfircoonadiisa iyo Kartidiisa darteed Md Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed laga dhigay inuu noqdo Agaasimaha Maxadka Farsamada Lafoole isagoo isla wakhtigaana loo doortay inuu Caawiye Lecture ka noqdo Lafoole Qaybta  waxbarashada Beeraha
    alt
    Sanadkii 1991 ayuu noqday Sarkaalka Ururka SORRA u qaabilsan Magaalada Borama ee Gobolka Awdal isagoo muddo Seddex Sano ah hayey Xilkaas.

    Muddo kadib waxa uu noqday Xubin ka tirsan Guddida Sare ee ururka AMAL isagoo Qaabilsana Xafiiska AMAL ee Borama Sanadkii 1993 ayaana laga dhigay Xubin ka tirsan Executive Directors-ka ururka AMAL ee Borama.

    Laga soo bilaabo wakhtigaas 1993 ilaa laga soo gaadhayey 2007 wuxu ahaa Maamulaha Guud ee Ururka Wadinaga ah ee AMAL Xaruntooda Guud ee Hargeysa isagoo isla Markana ahaa Maamulaha Guud ee HOPE ee Xafiiska Hargeysa.

    Intii Wakhtiyadaas Xirfadiisa Shaqo uu ku guddo jira Md Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed Shaqooyinka kale ee uu qabtay waxa ka mid ahaa inuu noqday Kormeeraha Shirkada Dhismaha ee Amal isagoo u dalacay inuu noqdo maareeya iyo qorsheeyaha Dhismayaasha Shirkadu Fulinayso.

    2001 ayuu la taliye dhinaca Tobabarada ka noqday IRC

    Wuxuu sidoo kale Md Cismaan qayb weyn ka qaatay Turjumidii Buuga Farsamada Baabuurta oo English ku qornaa loona turjumay Afsomali.

    Laga soo Bilaabo 1987 ilaa 2005 wuxu Md Cismaan ka qayb galay Workshop-yo iyo Seminaro ku saabsan qaybaha kala duwan ee huramarinta Bulshada iyo Horumarinta Shakhsiyadeed

    wuxu sidoo kale ka qayb qaatay oo bixiyey Seminaro iyo Workshop-yo isagoo sanadkii 1996 bixiyey Seminar ku saabsana Beeraha iyo Farsamada Gacanta oo ay maalgalinaysay Hayadii IRC
    alt
    Sanadkii 2002 ayuu markale Bixiyey tobabar siminaar ku saabsan Doorka iyo Masuuliyada Dugsiyada Hoose oo ay maalgalisay hayada CARE

    Md Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed waa Xaasle dhalay Seddex Caruura oo Degan Hargeysa wuxuna si fiican ugu hadla Luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga marka  laga reebo Somaliga oo uu u dhashay

    Boramanews.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: