Shirkada Horseed oo wacyigalin Nadaafadeed u qabtay Guddida Afarta xaafadood Ee Borama + Sawiro
Posted by Sawnews.tk on December 13, 2009
(Sawnews) Companyiga Horseed ee wadaniga ah ayaa maanta soo abaabulay wacyigalin nadaafadeed, wacyigalintan ayaa waxaa ka qaybqaadanayay Gudida Afarta xaafadood ee ugu waawayn magaalada Borama kuwaas oo kala ah, Xaafada Ahmed Salaan, Xaafada Sh/Makaahiil, Xaafada, Sh/Osman, Xaafada, Sh/Ali Jawhar.
Dhamaan xaafadahan ayaa waxaa ka socday Gudida ka arimisa Xaafadahaas.
Companigan HORSEED ayaa waxaa ku bahoobay ururo wadaniya oo ay ka mid yihiin, AYODA, SAYS, HRDO, iyo dawlada Hoose, Companigan Horseed ayaa waxa uu ka shaqayn doonaa sidii uu waxa uga qaban lahaa Barnaamujka nadaafadeed ee deegaanka Degmadan Borama iyo Gobolka dhamaantii.
hadaba wacyigalintan ayaa waxaa lagaga hadlayay sidii ay bulshado uga qayb qaadan lahayd sidii uu qofwalba u nadiifin lahaa ardaaga gurigiisa, waxa kale oo laga wacyigalinayay Khatarta ka dhalan karta nadaafad darada iyo xashiishka oo la asturi waayo.
Dooda Dhaadheer ka bacdi waxaa la isla gaadhay in dhamaan wax laga qabto nadaafada oo aanan cid gooniya aan lagu halayn.
ugu danbayn halkaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan companigan wayn ee HORSEED , kuwaas oo kala ah , Saleebaan Hassan oo ka socday AYODA, Moh’med Nirig oo isna ka socday ururka SAYS, Mustafe Faarax oo ka socday HRDO iyo Moh’med A/rahmaan oo ka socday kooxda Business groupka Dhamaantood waxa ay ku dheeraadeen ahmiyada ay inoo leedahay in aan ka dhigno deegaankeena iyo degmadeena mid ka badqaba xashiish iyo wax wax udhimi kara caafimaadkeena.
Ugu danbayn halkaa waxaa kulankaa maanta soo xidhay Gudoomiye KUXIGEENKA gobolka Cabdi Nuur Sugaal oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in laga wada shaqeeyo nadaafada ka dawlad ahana ay garab taagan yihiin hiil iyo hoona ay la garab taagan yihiin ayuu sheegay.
runtii waxa ay tani tahay guul usoo hooyatay magaalada BOrama oo baryahan danbe u eekeeyd magaalo qashin quba, hadii companigani dhaqaaqo waxaa laga fili karaa in ay noqoto company sida SHABBA OO kale lagana bixi doono magaaladan u eekaaday meel gidaafada lagu soo daadiyo.
Reporter:Jaabir Ali Omer
Leave a Reply