SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Inta Ay Duruufahani Deegaankaaga Hoos Daadsan Yihiin, Darajo Sare Oo Aad Yeelato Yoolkeeda Ha Filan.!! by:Abdirasaaq Hammaal

    Posted by Sawnews.tk on December 12, 2009

    Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo la fadhiya Xal-waara oo dhari karsanaya ayey xasarad jaarkiisa ahi ii foodhidey, xadhigan jilicsan hooyoo wadhfi bey i tidhi, xurbintii iyo xiinkii iga baxayey, xujooyin iska jiifey baan ku kiciyey, xog ogaal tibaaxdey, xunbo sir ah baan heley, xulashadeedu xeerineyso, xaqiiqooyin jira, xaashiyaha ay ku dhigan tahayna, xaley waxaa ku dhex dhashey, xisaab dhoohan oo ku dhufoo ka dhaqaaq, xabadka ku sidata, xili jidhku magaagey bey aheyd, xawayaan soo ugaadhso bey naftu i tidhi, xayeysiinta abaaraha, ee ay indhaheygu arkeen, ayuu xiskeygu xishood isu gaabiyey, markiise aan garwaaqsadey noloshani iney xiiqsan tahay, oo waliba xagal daaceedu yahay xaal da,weynoo, xuub daciif ah ku dahaadhan, ayuu xiskii bukoodey, xeer beegti baa baan tidhi, xoolihii la ii xalaaleyn lahaa baa, xaasidiin iga lug horeysey, bilaash ku xaraasheen, dabadeed deegaankii buu xanuun ka dilaacey, xiisado is diidan baa duleedkii dur duriyey, waa xaal inaga weynoo xaga samada laga qorey baan, qalbigeygii ku xariiqey, xuub siibadkeygii xigeyna, xarakaadkii aan xujada ka dhigtey wuxuu noqdey, nabadaan xoojinayaa, xajiintaa aan xaada dusheeda iska mariyey, waa ayaan daro igu xeeran, oo aan xoogii la isaga rogi lahaa, xaglaheyga ka muuqan maanta, hase yeeshee hadal murti buu u dhintaayee, humaaga aan haawaasinayaa wuxuu yahay, naf yahay xarago daradu xabaasha dhigtey, xilimaad ka kortaa, xeerarkan aad adkeyneyso ilaa barisamaad ee aan adiga xeraadkaaga bisleyneyn?

    Qiiradani wey qaan gaadhey, qadhaadh kaasina wuu i jiidhey, qorashahaa aan qalibey iyo qiyaas baan arkayaa aan qaldey, qardajeexa aan qaadey iyo quwadeyda daciifeysa baa, sidii dayax afar iyo tobnaad ah u muuqata, quruxdeyda libidhey iyo qasdigeygan qufulan baan, fure qurux badan u raadinaya, quusashada iga muuqata iyo u qaadan waaga igu dhacey, Qumanow qiyaas, oo qalinka aad ku qanacsan tahay adeegso, oo waliba qalbiga arka hawsha ifka, qarnigani iftiin ka dhigo, oo qasdeygeygu wuxuu yahay iyo qusac balaadkani dhacey iyo qodobadani saddex iyo labaatanka ah qiil maxaad u haysaa?

    1- Inta ay danta gaari, danta guud hogaamineyso, harumar Gobolku gaadho hadh iyo habeen ha filan.

    2- Inta ay salaadiintaadu, sawdka ay ku hadlaan, suuqa Rays Hutel aanu dhaafeyn, sumcadaadu iney sareyso sabankaana ha filan.

    3- Inta ay culimadaadu, caamada baadiyaha, carabkooda dhibsanayaan, ciso iyo sharaf caamifaad qabta, oo aad hesho cishadaana ha filan.

    4- Inta ay dhakhaatiirtaadu, dhiig miirato yihiin, dheecaan muudsato yihiin, dhinac u kala socoto yihiin, dhuuni qaatayaal yihiin, dhowr farmasi furashayaal yihiin, dhigaadood la ficiltanto dharaartaana ha filan.

    5- Inta ay dhalinyardaadu dhawaaqooda fiican iyo ficilkoosu is gaadhey, dhaankaagu inuu fulo fiidkaaan ha filan.

    6- Inta ay haweenkaagu, hor jooga isu hiifayaan, hebla wey i tidhi, hawada isaga tuurayaan, tamar aad hesho toddobaadkaana ha filan.

    7- Inta ay magaalo maddaxdaadu (Borama) bilaa wasaarada tahay, wiilashii billo ka shaqeyn lahaana, bilaa camal wadooyinka u fadhiyaan, walaalow magac aad hesho maalinkaana ha filan.

    8- Inta uu ruux kastiba, baladkuu ku dhashey iyo buulkuu ku korey, boqol jeer ka faanayo, magaalada boramaan ku dhashiyo madheerteydaa ku aasan, maalin kasta leeyahay, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    9- Inta ay baayac mushtarkaagu, maraakiibtey soo rartaan, marso aaney xeeran, ku soo xidhanayaan, xurmo aad hesho iyo xalaal u ceesh xiskaagu yaanu filan.

    10- Inta ay dadkaagu, degaanada xeebta daadsan ee dalagoodu wanaagsan yahay, durbo soo cidleynayaan, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    11- Inta ay aqoonyahankaagu, dibad wareegto yihiin, dalkii ay u dhasheena, durba ka yiq- yiqsoonayaan darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    12- Inta uu afkaagu aaminsan yahay, afar degmo oo AWDAL ah baan degaa, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    13- Inta uu ruux dibada kaaga dhoofaa, diba aanu kuugu soo dhoofeyn, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    14- Inta ay ciyaartoygaagu, daarad ay ku ciyaaraan heysan, hal garoon isku dhex dilayaan, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    15- Inta ay dariiqyadaadu, daadka ka cabanayaan, durba halaq mareen yihiin, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    16- Inta uu helyey kaa dhashey, taariikhdiisu duug tahay, dadkaaga danbana aanad barin, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    17- Inta ay Saylac oo u da,weyn, barbara ay ku dumaalan tahayna, darajo aad yeelato, yoolkeeda ha filan.

    18- Inta ay dekada Lughaya, diiftu ka muuqatee, danba aanad ka laheyn, darajo aad yeelato, yoolkeeda ha filan.

    19- Inta Abwaan kaa dhashey, alif aanad u quudheyn, abwaanada kale dhamaantoodna, albaqra ugu duceysid, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    20- Inta Xaajiyaal kaa tagtey, tahriib xaramka sharafta mudan lagu geynayo, xurmo darajo oo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    21- Inta dilaal kaa dhashey, bartii uu istaagaba, qaab qabiil iyo qurus beel wax ku qeybinayo, darajo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    22- Inta aad qabiil isu kala qaadideed, qaxwaha aad isu qaraabo miiseysid, qawl is khilaaf iyo qool qool aad u kala degan tahay, darajo quwadeed oo aad yeelato yoolkeeda ha filan.

    23- Inta ay Siyaarada sheekhaad ka tafiirantey, tafaraaruqa tahay, dan iyo muraad toona aanad ka laheyn maqaamkiisa dumey, da,da cabdi muruud iyo duqeydii hore uun xusayaan xurmo sharafeed oo aad hesho yoolkeeda ha filan.

    Curiyaha Sheekadan
    Abdirasaaq Hammaal
    E-mail:rasiiqi07@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: