SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xujaajtii ugu Horeysay oo kusoo Noqday Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on December 11, 2009

    Borama(Sawnews) Xujaajtii ugu horaysay  ee gobolkan ka xajiyay ayaa maanta ka soo degey garoonka  Caalamiga ah ee Adam Isak Airport ee magaalada Borama.

    Xujaajtan ayaa waxaa  ay soo caga dhigteen 12:00 Pm Ee duhurnimo.

    Xujaajtan ayaa waxaa siday  Diyaarada qadarinta iyo Xushmada Ka mudan Dadka ku nool goboladan oo la yidhaahdo JUBA AIRWAYS.

    Diyaaradan ayaa  sanadwalba dadka raacaa ay  ka qaadaa kuna soo dajisaa garoonkan caalamiga ah ee Adam Isak Airport.

    Diyaaradan ayaa maanta xujaajtii la socotay kor udhaafayeen 100xujaaja, waxaan hor kacayay  Xaaji ka mid ah Salaadiinta ka soo jeeda Goboladan oo la yidhaahdo  Suldaan X/C/raxmaan Jaamac Dhawal.

    Dhamaan Dadkan Xujaajta ah ayaa waxaa ka hortagay eheladii iyo qaraabadii ay dadkani ka soo jeedeen iyada oo garoonkii gabi aahntii uu maanta aad u camirnaa waxaana usuuro gashay in uu camirmo garoonku iyada oo u fududayd dadka soo dhawaynayay oo  nin walba gaadhi kaxaystay dadna soo qaatay.

    Maanta ayaa garoonku waxa uu u eekaa mid sidii uu baryo ahaan jiray waqtiyadii 1994 sidii uu shaqayn jiray oo kale.

    Runtii waxa ay ahayd mid ay aad ufarxsanaayeeen Xujaydu maadaama ay ka soo degeen Garoonka mid Ah Garoonada Dalka hadan udhaw magaaladii ay ka xajiyeen.

    Sidoo kale waxa ay aad ugu mahadnaqayeen Shirkadan JUBA AIRWAYS oo had iyo jeeraale u taagan sidii ay sanad walba u raali galin lahayd Xujayda ka tagaysa Goboladan.

    Xujaydan ayaa waxaa ka horeeyay Xujay aad utira yar oo Shirkada Kale Ee DAALLO.

    Xujaydan ayaa ayna helin Fursadan ay heleen xujaydan maanta ka soo degtay  Borama.

    Taas oo ahayd Xujaydii Daallo keentay waxa lagu soo qaaday  buses iyaga oo la soo mariayay wado rafa iyo masaafo Dheer, waxaa la odhan karaa Waa laba shirkadood oo kala tagay.

    Hadaba marka aan eegno shucuurta dadwaynihii maanta waxa ay amaan aad u wayn usoo jeedinayaan Shirkadan  JUBA AIRWAYS iyaga oo qaarkood ay ku leeyihiin waxa ay u madan yihiin in la siiyo shahaado Sharaf maadaama ay dadkayagii Xujaajta ahayd ku soo dajinayaan Garoonkii ku yaalay Xaafadooda.

    Maalmahan soo socda ayaa waxa iyagna la sugayaa qaybihii kale ee hadhay waxaana la rajaynayaa in ay shirkadani ka soo dajiso Garoonkan Caalamiga ah ee Adam Isak Airport.

    CUDUR DAAR WAXAAN IDINKA CUDUR DAARAYNAA BAHDA LA SOCOTA WARARKA SHEBEKADAN IN SAWIRADII MAANTA XUJAAJTU AY NOO SUUROOBI WAYDO QAYBAHA KALE AYAAN IDINKA DHARJIN DOONAA.

    INSHA ALLAH

    Reporter:Jaabir Ali Omer
    Borama: Bnn


    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: