SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War-Saxafadeed: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

    Posted by Sawnews.tk on December 2, 2009

    “Hadaladaa Deel qaafka iyo Meelka dhaca ah ee uu soo qoray Wargayska Jamhuuriya dhawr jeerna lagu celceliyay in ay yihiin warar been abuura ah oo aan sal iyo raatoona lahayn, ujeedadooduna ay tahay in lagu Wasakheeyo laguna ceebeeyo hawlihii wax ku ool ka ahaa ee Dawlada Somaliland ay ku guulaysatay in xoolaheena loo furo Suuqyada Boqortooyadda Sucuudi Arabiya iyo kaalinta wax ku ool ka ah ee Wasaarada Xanaanada Xooluhu ka qaadatay,

     

    Taas oo sida lagawada warqabo oon cidna ka qorsoonayn in Xoolaheenii maanta ay si toos ah ugu dhoofayaan Sayladaha Dalka Sucuudi Arrabiya iyada oo boqoolaal kun oo ka mid ah xoolaheena ay u dhoofeen Sayladaha Dalkaasi wakhtigii Xajka ka dib markii laga qaaday cuna qabataynii Saarnayd mudada Sagaalka sanadood ah.

     

    Wasaaradda Xanaanada Xooluhu waxay umada Somaliland gudo iyo dibadba ay u sheegaysa in qoraalada noocaas ah ee meel ka dhaca ah ee lagu baahiyay Wargayska Jamhuuriya in ay ka danbeeyaan dad mucaarid ah oo mar warba ka soo hor jeeda guusha Xukumada Somaliland ay u soo hoysay shacbiga Somaliland, waxana marag ma doon ah in Wargayskaas Jamhuuriya uu noqday mid Xisbiyaaysan oo ka fogaaday dhexdhexaadnimadii warbaahinta looga baahnaa.

     

     

    Waxa kale oo aan ummada reer Somaliland u sheegayaa:-

     

    <!–[if !supportLists]–>Ø Waxan ummada Somaliland u sheegaynaa una bayaaminaynaa in cida qortay maqaalka Jamhuuriya ee arintaa ku saabsan aanay fahansanayn Shaqda Wasaarada Xanaanada Xoolaha, taas oo aanay jirin wax wada shaqayn ah oo ka dhexeeya Wasaaradaasi iyo hay’aada UNCF<!–[endif]–>

     

    <!–[if !supportLists]–>Ø Waxa kale oo aan ummada Somaliland aan u sheegaynaa in dhoofku Xooluhu yahay mihnad ganacsiya isla markaana aanu heli Karin caawimo lacag la aan ah, hadii ay tahay mid daawo iyo mid talaalba.<!–[endif]–>

     

    <!–[if !supportLists]–>Ø Takale waxa kale oo aan halkan ku cadaynaynaa in nidaamka talaalka Lo”da u dhoofta Dalka Yeman uu yahay mid ay isla garteen heshiisna ku yihiin Xukuumada Somaliland iyo ganacsatada dhoofisa Lo”da.<!–[endif]–>

     

    Ugu danbayntiina waxaan ku soo gabagabaynayaa in hadaladaas been abuurka ah ee Wargaysaka Jamhuuriya soo qoray ee walibana aniga si gaar ah (personal attack) la iigu weeraray,waxaan u gudbiyay Xeer ilaalinta Qaranka”. 

     

     

     

    Allaa Mahadleh

     

     

    Dr. Idiris Ibraahim Cabdi,

    (W/Xanaanadda Xoolaha

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: