SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Somaliland oo Xidhay Xildhibaan ka Tirsan Barlamaanka Dowlada Shariifka

    Posted by Sawnews.tk on November 30, 2009

    Hargeysa(Sawnews) -Xukuumada Somaliland ayaa habeen hore qabatay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sheekh Shariif, oo ay hore uga masaafurisay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn xubinimadiisa xilkaas.

    Ma jiro war rasmi ah  laga soo saaray xadhiga ninkan, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in ninkaas la qabtay uu yahay Maxamed Maxamuud Faarax (Indhabuur) oo isagoo badhasaab ku xigeenka gobalka Sool ah Djibouti kaga qayb galay shirkii madaxweynaha loogu doortay Shariif Sheekh Axmed, markaas oo uu si rasmi ah ugu biiray baarlamaanka.

     

    Waxa ay ciidamada aammaanku ka qabteen magaalada Laascaanood oo uu muddooyinkii u dambeeyay joogay, isagoo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho. Waxa jira warar sheegaya in xukuumadda Somaliland iyo hay’adaheeda ammaanku ku tuhunsanyihiin ku lug lahaanshaha qaraxii horaantii bishan ka dhacay magaalada Laascaanood ee lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland.

    Mr. Indhabuur, ayay xukuumadda Somaliland Hargeysa ka masaafurisay dhawr bilood ka hor ka dib markii lagu qabtay madaarka Hargeysa, waxaana xilligaas loo masaafuriyay Muqdisho ka dib markii uu diiday inuu ka tanaasulo xilka dawlada dalkaas, maadaama oo ay Somaliland kala soo noqotay xorriyadeeda sannadii 1991-kii. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu Laascaanood ku soo galay cafis uu dalbaday, haddana ma jirto cid warkaas xaqiijinaysaa.

    Wargeyska Geeska Afrika

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: