SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Qaadhaan-bixiyayaasha oo Komishanka ku Wareejiyeen Awoodihii ay hore Gacanta ugu hayeen

    Posted by Sawnews.tk on November 29, 2009

     Hargeysa (Sawnews) Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo muddo toddobaad ah tababar iyo kulamo muhiim ah ugu maqnaa Magaaladda Addis-Ababa ee dalka itoobiya ayaa shalay galab dalka dib ugu soo laabtay

    Komishanka iyo wakiilo ka socda axsaabta oo maalmihii u danbeeyay ku wehelinayay tababarka ayaa la sheegay inay kulamadii ay qaadhaan bixiyayaasha la yeesheen kala kulmeen soo dhaweyn balaadhan isla markaana loo balanqaaday in taageero dhinac walba leh ay ula diyaar yihiin si ay qabsoonto Doorashada Madaxtooyadu.

    Qaadhaan bixiyayaashu waxa ay komishanka ku wareejiyeen dhamaan awoodihii ay hore gacanta ugu hayeen oo dhan, waxaanay sheegeen inay uga danbaynayaan fulinta iyo go’aan gaadhista hawlaha Doorashooyinka halkii ay komishankii hore iyagu ay gacanta ugu hayeen wax kasta oo loo baahdo.

    Balse waxa la sheegay inay ka dalbadeen Komishanku inuu xilkiisa u guto si wadajir ah, oo ay isku kalsoonaadaan isla markaana ay u maamulaan hawsha hortaala si taxadir leh.

    Xubnaha komishanka ayaa muddadii ay tababarka ku jireen waxa ay la kulmeen Diblamaasiyiin iyo aqoon yahano ku xeel dheer arrimaha Doorashooyinka gaar ahaana waxa ay si weyn uga faa’iideysteen Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee dalka Ghana oo casharada siinayay kaasoo waayo aragnimo iyo aqoon dheer u leh hawalaha Doorashooyinka iyo siyaasadaba, waxaana dhakhso loo filayaa inuu dalka yimaado kambaniga qandaraaska lagu siiyey inuu saxo Server-ka.

    Sidoo kale waxa ay heshiisyo iyo si afgaradba la soo yeesheen Hay’addo muhiim ah oo dalka ka taageeri doona mashaariic kale Xubnaha komishanka ayaa filayaa inay isla maanta faahfaahin ka bixiyaan safarkooda iyo waxyaabaha ay soo qabteen iyaga oo shir-jaraa’id ku qabanaya Hargeysa.

    Source  waaheen

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: