SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xujaaj Gaadhaysa Saddex Milyan oo Maanta Istaagaya Buurta Carafa

    Posted by Sawnews.tk on November 26, 2009

    Maka:(Sawnews) Muslimiinta sanadkan xajka gudaneysa oo tiradoodu udhaxeyso laba ilaa sadex milyan ayaa shalay bilaabay camalkii ugu horeeyay acmaasha Xajka, kadib markii saaka ay u kalaheen dhankaas iyo MINA si ay halkaa ugu qaataan maalinka sideedaad ee Dilxija oo looyaqaano YAWMO TARWIYA. 

    Xujaajta ayaa halkaa waxay ku sameyn doonaan Allabari intaaney bari u kalahin dhankaas iyo CARAFA  oo ah tiirka asaasiga u ah acmaasha xajka,halkaas oo ay ku sugnaan doonan maalinkii oo dhan Illaahayna kubaryi doonan, iyaga oo kor ugu dhawaaqaya (Labayka Laahu Maa labayk) xujaajta ayaa halkaa kasoo caraabi doona marka ay cadceedu godka kasho maalinka sagaaloodka, waxaanay habeenkaa ku dhixi doonan MUZDALIFA, iyaga oo waagu marka uu baryona kabaha u ilan doona dhankaasi iyo MINA, oo ay ka dhacayso maalinka jicmaha ee CIID A L ADXA acmaasha hadyi gawraca iyo dhagaxtuurka haaraha loo yaqaan JAMRADA YAR iyo JAMRATU CAQBADA weyn. 

    Dawlada sacuudiga ayaa hawlgalisey 20 kun oo askari si ay u  usugaan badbaadada xujaajta laxaadka leh ee malinka Jimcaha kusoo fool leh MINA.

    Kadib Maanta oo Khamiis ayay Xujaajtu ay ku waabariisteen buurta Carafa, oo ah tiirka ugu muhimsan inta waajibaadka xajka la gudanayo.
    Xilliyada noocan oo kale ah ayaa waxa xujey badani ay ku nafwaayaan goobtaasi iyadoo inta badan lagu dur-duriyo, waxaana sanadkii 2006 xilligan oo kale ku dhintay xajka 364 oo ruux kuwaasoo u badnaa dad da`ah iyo kuwo tabar daran.
    Laakiin sanadaha danbe waxa ay xukuumada Sucuudigu mudnaanta koowaad siineysay ka hortaga cidhiidhiga oo ah culeyska ugu weyn ee ay xujeydu ku dhibaatoodaan iyadoo sidoo kalena dhinaca nabadgelyadana xooga la saaray.
    Dawladda Sucuudiga ayaa sanadan wel-wel weyn ka qabta isku imaatinka xajka in ay ka dhashaan faafida cudurka loo yaqaan Hargabka Doofaarka oo mudooyinkan dambe faro ba`an ku hayay aduunka islamarkaana ay dad badan u geeriyoodeen qaarna ay cisbitaalada u jiifaan.
    Saciid Cutaybi oo ka tirsan wasaarada caafimaadka dalkaasi Sucuudiga ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in ay diyaar u yihiin dhacdo kasta oo cudurkan ah oo laga helo xujeyda dhexdooda inta lagu jiro munaasabada Xajka.
    Xajka ayaa ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana ruux kasta oo Muslim ah ku waajib ah noloshiisa in uu Xajka tago halmar, waa hadii uu awoodo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: