SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga KULMIYE oo Dacwad ka Dhan ah Cismaan Hindi u Gudbiyey Xeer Ilaalinta guud

    Posted by Sawnews.tk on November 26, 2009

    Kayse Xasan Cigge

    Kulmiye wuxuu  sheegay inaanay wax wada shaqeyna oo dambe la yeelan doonin  Cismaan Hindi oo ka Cadhaysiiyey .                                             Hargeysa (Sawnews) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shalay jawaab kullul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Kaambaynka doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB, Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ku eedeeyay in qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE ay xidhiidh iyo gacan saar la leeyihiin kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ka dagaalama dalka Somaaliya, waxaanay sheegeen inay dacwad ka dhan ah Cismaan Hindi u gudbiyeen xeer Ilaalinta.

    War-saxaafadeed dheer oo xisbiga KULMIYE ugu Jawaabayo hadalkaasi oo uu shalay soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE Md. Kayse Xasan Cigge ayaa u qornaa sidan:-

    “Waxaa arrin lala yaabo ku noqotay  Xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan shacabka Somaliland warka kasoo yeedhay mas’uulka Xisbiga Udub, Cisman Cabdillaahi Cigaal (Hindi) ee lagu aflagaadeeyey Xisbiga Kulmiye. Waxaa dhawaaqan kasoo yeedhey mas’uulka Udub uu ku noqoday fajiciso iyo filanwaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Xisbiga Kulmiye, waxaana  aad loola yaabay weedhahan beenta ah ee lasoo macmalay, isla markaana aan nuxurka badan laheyn. Warsaxaafadeedkaasi kasoo yeeday Udub wuxuu sheegey inuu  Xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisu ay mar walba carqaladeeyaan tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca taageerada xukuumada iyo waliba ictiraaf raadinta.

    Waxaa kaloo warsaxaafadeedku sheegay inuu Xisbiga Kulmiye u muujinayo dunida inay Somaliland tahay goob aan xasilooneyn oo fadqalalo ka jirto, iyo wailba  iyadoo  ay  xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay kamid yihiin kooxaha xag-jirka ah sida Al-Shabaab. Waxaa iyana kamid ahaa aflagaadada kasoo yeedhey Udub inuu Kulmiye carqaladeeyey  arrimaha diiwaangelinta gaar ahaan kuwii laga qabtay gobolada Beriga.

    Hadaba waxaa isweyndiin leh maxaa ku kallifay  mas’uuliyiinta Xisbiga Udub inay  maanta hadallada noocaniya ku dhawaaqaan. Jawaabtu way cadday oo waxaa weeye in hadda la gaadhay waqtigii  Xukuumada Riyaale ay bilaabi laheyd  jiho wareerinta iyo soo nooleynta khilaafka siyaasadeed  ee Xisbiyada Qaranka iyo is-hortaaga   qorshaha iyo hawlaha  u diyaargarowga  iyo dhammaystirka  barnaamijka doorashada Madaxtooyada iyo iyagoo doonaya inay dhaawacaan fulinta iyo meelmerinta heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee wadamada aynu saaxiibkana nahay iyo beesha caalamku u soo jeediyeen seddex Xisbi qaran kuwaasoo ay wada saxeexeen dhammaantood.

     Dacaayadaha noocan oo kale ahi waxay bulshada Somaliland tusayaan  ku xadgudubka    heshiisyada ay  seddexda Xisbi wada galeen iyo waliba heshiisyadii  hore loo gaadhay ee ahaa in la joojiyo  dacaayadaha iyo aflagaadooyinka aan salka iyo raadka toona laheyn.

    Hadaba  dhawaaqa kasoo yeedhay mas’uulka Udub wuxuu inoo caddeynayaa oo ina tusayaa arrimahani:-

    1. in mas’uulka  hadaladani kasoo yeedheen  ay kasoo xidhmeen dhammaan albaabadii uu garaacayey kadib  markii uu ku fashilmay hawlihii uu Xisbigiisu u igmaday ee ololaha, kuna guuldaraystay ka midha dhalintooda

    2. in la gaadhay waqtigii  uu mas’uuliyiinta Xisbiga Udub caadada u lahaa inay bilaabaan qaska iyo  jahawareerinta bulshada

    3. inay  durba raadinayaan,   inay ka   dhex abuuraan Kommishanka Doorashooyinka  iyo Xisbiyada Qaranka muran iyo doodo aan waqtigani xaadirka loo baahnayn

    4. inay ku raadgataan kadib markii uu shaqeyn waayey maamulkii xukuumada oo ay fadhiisatey  shaqadii xafiisyada,  ragaadeena hawlihii  loo igmaday Wasaaradaha dawladiga ah.

    5.  inaanay rajo weyn ka qabin tartanka doorashada soo socota kadib markay ogaadeen inaanay haysanin kalsoonida dadweynaha, oo aanay helayn codka ummadda gaar ahaan goboladii ay qorshaha ku darsadeen.

    6. iyagoo doonaya inay ka jeediyaan indhaha iyo dareenka  shacabka maamul –xumida iyo musuqmaasuqa ku baahay  Hay’adaha Xukuumada ee faraha ka baxay

    Hadaba Xisbiga Kulmiye wuxuu la socodsiinayaa shacabweynaha Somaliland, wadamada aynu dariska nahay  iyo  beesha caalamkaba  inuu Xisbiga talada haya ee Udub u durba bilaabay murankii siyaasadeed ee hore loo soo af-jaray, doonayana  inuu soo rogaalceliyo  dacaayadihii iyo aflagaadooyinkii laga heshiiyey.

    Xisbiga Kulmiye  wuxuu dacwad kusoo oogayaa mas’uulka ka tirsan Xisbiga  Udub ee sheegey in xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay kamid yihiin kooxaha  xag-jira sida Al-shabaab, isagoon u hayn  caddaymo (qoraalo ama dokumentiyo) tilmaamaya  inay xubnahaasi  ka tirsan yihiin  kooxaha xag-jira.

    Xisbiga Kulmiye wuxuu  u sheegaya Kommishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Qaranka ee UDUB iyo UCID inaanay wax wada shaqeyna oo dambe la yeelan doonin  Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) oo ahaa mas’uulkii ku saxeexnaa warsaxaafadeedka, kana qoran yahay xaggooda “Persona  non grata” , haseyeeshee uu Kulmiye  diyaar u yahay inuu  sii wado wada- shaqeyntii uu la lahaa  masuuliyiinta kale ee ka tirsan Xisbiga Udub.

    Xisbiga Kulmiye wuxuu uga digayaa madaxda iyo mas’uuliyiinta Udub hadallada been abuurka  ee runta ka fog ee mas’uuliyiinta qaarkood caadeysteen, wuxuuna ku boorinayaa inay ka waantoobaan  wararka aan macnaha weyn ku fadhiyin ee  xaqiiqada ka fog; haseyeeshee   ay bedelkeeda u jeestaan xilka ummadu u  egmatay ee ah inay shacabka si daacadnimo ah ugu shaqeeyaan. Xisbiga Kumiye wuxuu u sheegayaa mas’uuliyiinta Xisbiga Udub in aflagaadooyinka  iyo been -abuurka noocani aanu waxba soo kordhineyn ee uu  waxyeelaynayo wada shaqeyntii iyo heshiisyadii ay Xisbiyadu Qaranku wada gaadhaan, dhaawacna u geesanayo dhowridda iyo ilaalinta  karaamada iyo maamuuska ay leeyihiin madaxda iyo mas’uuuliyiinta Xisbiyada Qaranku.

    Waxaanu ku boorinaynaa madaxda iyo mas’uuliyiinta  Xisbiga Udub inaya la jaanqaadaan qorshaha iyo meel-marinta heshiiska cusub ee Xisbiyada  iyo  Kommishanka  Doorashooyinka  Qaranku ay guda galeen; bacdamaa ay tahay waajib saaran  xukuumada  inay kaalinta ugu weyn ka qaadato fulinta iyo taabagalka hawlaha doorashooyinka, iskana dhaafaato aflagaadada, muranka iyo jahawareerinta shacabka.”

    Jawaabtan Kulmiye ayaa ka dambaysay markii uu Guddoomiyaha Kaambaynka Doorashada ee Xisbiga UDUB Cismaan Cabdilaahi Cigaal uu ku eedeeyey Xisbiga KULMIYE oo uu hore uga tirsanaan jiray inay xubno ka tirsani ay gacan saar la leeyihiin Kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

    Sidaa waxa uu Cismaan Cabbdilaahi Cigal ku sheegay Warsaxafadeed  uu ku saxeexan-yahay Waxaanu u dhignaa warsaxafadeedkii Sidan:

     “Wax kasta oo ku madax maraa ha ahaato jacayl , nacayb, cadho, farxad, siyaasad iwm waxay kaa talaabiyaan xuduudaha caadiga ah, waxaana ay dadkaasi ama qofkaasi ku dhaqmaan waxyaabo sida badan aanay bulshada caadiga ahi ku dhaqaaqin.

    Haddaba Xisbiga KULMIYE tan iyo intii uu ku hungoobay doorashadii Madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii waxa ka soo if baxayay dhaqamo aan caadi ahayn mar allaale markay soo dhawaato wakhtigii la qaban lahaa doorashada Maaxtooyada, sida iyagoo yidhaa “maalin loogu dari mayo Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa. Ajanabi dhex noo noqda mooyee cid kale kuma kalsoonaan karno, doorasho haday qabsoomi waydo Rayaale xilka ha ku wareejiyo Gudoomiyayaasha labada gole si ay doorasho u gaadhsiiyaan dalka, mar haday doorasho qabsoomi wayday waxaanu dhisaynaa xukuumad hogaamin doonta dalka” iyo mahadhooyin kaloo fara badan ayaa ka soo yeedhay xisbiga KULMIYE  iyo waayeelkiisa oo sida hadaladooda ka muuqata ay iskaba ilaaween jiritaankii dawladnimo dastuurkii iyo dhamaan shuurcdii kale ee dalka.

    Horta xisbiga KULMIYE ragga hormooda u ah waa koox ku can baxay ku jiqsiida, laguna tilmaamo inay ahaayeen kooxdii wakhtigii halganka lagu jiray laga dhaqaajin kari waayay taasoo sababtay in dhinaca maamulka iyo hogaaminta xoogaga hubaysanba ku soo galeen dalka si habqan ah oo kala daadsan.

    Arrimahaa iska hor imaadka ahaa waxay ka dhasheen ka dib markay kooxdaasi hoosta ka xariiqeen inaan guul iyo dhismo maamul midna lagu tallaabsan ilaa iyo inta uu gabi ahaanba xukunku gacantooda soo galayo siduu doono  ha ku yimaadee, taasi weli ilaa maanta ayay sidii u taagan tahay oo halkoodii ay ka sii wadaan laga soo bilaabo xukuumadii marxuum C/raxmaan Axmed Cali “Tuur” tii Marxuum Cigaal iyo tan Maanta dhisan ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo isagu doorasho xor iyo xalaal ah ku yimid, haatan xaaladda ay wadaan kooxda horseedka ka ah  xisbiga KULMIYE way ka soo gudbeen  dabarkii dhexdeena  eek u  jiqsii ahaa, waxaana la marayaa heer caalamka ay gaadhsiiyaan in Somaliland xukuumadda hadda ka jirtaa aanay u qalmin in la ictiraafo, iyagoo u sawira inay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin ta saxaafadeed, xuquuqda haweenka ee dhinaca shaqada, ta bulshada kale oo ay ku sheegaan in loo gaysto tacadiyo badan sida dad xabsiga la iskaga guro xukun la’aan  iyo nidaamka dimuqraadiyada oo aanay ku dhaqmin xukuumada Rayaale iwm.

    Bal hadaba markay sidaa qoraal iyo afba ugu gudbiyaan maxay doonayaan  iyagu hadday berri xukunka qabtaan?

    Ujeedooyinka uu ka leeyahay xisbiga KULMIYE arrimahaasi waxa ka mid ah:-

    In beesha caalamka loo tuso in Somaliland ay ka jirto fadqalalo  siyaasadeed

    In Somaliland laga cunaqabateeyo xagga kaalmooyinka , isla markaana la ragaadiyo ixtiraafkii qolqolka soo gaadhay

    In dalalka aynu dariska nahay loo muujiyo in Somaliland tahay meel aan xasilooni ka jirin

    In kooxaha xagjirka ah ee Al- Shabaab ka mid yihiin loo  muujiyo in Somaliland aanu ka jirin maamul adag, sidaas darteedna ay ka faa’iidaystaan iyadoo la tuhunsan yahay in xubno ka mid ah xisbiga KULMIYE gacan saar la leeyihiin kooxda Al-shabaab iyo xisbul islaam arrimaha aan soo xusnay oo dhan waxa ka markhaati kacaya maqaaladda xidhiidhka ah ee ku soo baxayay wargeysyada dalka ee ay xisbiyada Mucaaridku, gaar ahaan xisbiga KULMIYE ku cadeeyay inaan ixtiraaf iyo kaalmo dhaqaale midkoodna la helayn ilaa iyo inta xukunka laga wareejinayo xukuumadda hada jirta ee Madaxweyne Rayaale hogaamiyo, waxaana ugu danbeeyay maqaalkii dusha sare la dhigay  ee ku soo baxay wargeyska Saxansaxo cadadkiisii 784 ee 21 Nov. 2009.

    Geesta kale, horumar kasta oo ay dawlada Madaxweyne Rayaale hore u qaado , iyagu xummad ayay ka qaadaan, tusaale ahaan furitaankii xoolaha ee dalka Sacuudi Arabia oo uu sabab u yahay Maxjarka xoolaha ee laga sameeyay Berbera waa tii la ogaa wixii qaylo iyo kacdoon ahaa ee ay ka abuureen bulshada dhexdeeda xisbiga KULMIYE, iyadoo maanta markay runta iyo xaqiiqada dabooli kari waayeen  ay hadana iyagoo libta u diidan Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ay u nisbeeyeen guushaasi Sheekh Shariif oo laga yaabo inaanu maxjarkaba wax fikrada ka haysan.

    Diiwaan gelintii doorashada Madaxtooyada oo kulmiye  doonayay in caalamka uu u tuso in dalku kala googa’an yahay , ayaa markii xukuumaddu  ku bixisay dhaqaalihii ay diideen inay ku bixiyaan sool iyo sanaag dalalkii deeq bixiyayaashu , ayaa markiiba madaxda xisbiga KULMIYE ku dhawaaqeen inaanay caruurtooda u dirayn gobollada Bari ee Sool iyo Sanaag, taasoo inoo muujinaysa inay kula socdeen kuwii ka soo horjeeday in dalka oo dhan ay ka dhacdo diiwaan gelintu.

    Hadaan  ka hadalno doorashada soo socota, waa ilaahay mahadii  oo komishankii qaranka ee doorashooyinka waa la dhamaystiray , iyadoo ay heshiis ku  yihiin saddexda xisbi qaran , waana la dhaariyay, intaa wixii ka danbeeya sida  xeerka doorashooyinku dhigayo Komishanka ayaa leh awooda ku dhawaaqista wakhtiga doorashada iyo maamulkeedaba cid kaloo la wadaagi kartaana ma jirto, hadana iyadoo arrimuhu sidaa u kala qeexan yihiin ayaa habeen iyo maalinba uu Xisbiga KULMIYE  u sii qiil samaynayaa, abuurtisa  ka muranka natiijada doorashada, isagoo ay kaga dhegtay doorasho xor iyo xalaal iyo inaan xukuumadu carqaladayn qabsoomida doorashada.

    Haddaba su’aashu waxay tahay yaan doorasho xor iyo xalaal ah rabin ma KULMIYE, mise UDUB? Jawaabta meel dheer laga dooni mayo oo siidhiwalaha loo xulay inuu tartanka doorashada qabashadeeda iyo xalaalnimadeeda ka garsooro ee ay u doorteen saddexda xisbi qaran, ayaa sheegi doona ee xisbiga KULMIYE sidaa ma aaminsan yahay mise wuu ka noqonayaa aqbalaadii dhismaha Komishanka? Hadduu aaminsan yahay wakhtigeeda  ha sugo, kalsoonidii uu komishanka doorashada siiyay hana iimaansado wixii ka soo baxa, Xukuumaduna iyadoo xisbul xaakimkii ah waxba uma haysee nabista iyo jahawareerka uu ku beerayo shacbiga ha ka daayo Xisbiga KULMIYE, sidoo kalena ha u tudho dalkiisa iyo dadkiisa oo hayska dhaafo weedhaha dhaawacaya mustaqbalka iyo masiirka ummada ee ah “Ictiraaf iyo dhaaale  midna la heli mayo ilaa la bedelo maamulka Rayaale”.

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: