SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Inta Aanad Garaneyn Garaadkeygu Wuxuu Rabo, Ayaa baanad Garaneyn Guushaadu Waxey Tahay.

    Posted by Sawnews.tk on November 26, 2009

    Bari baa waxaan jirey nin la odhan jirey Waayo-Arag, ninkaasi aad uu u hadal badnaa hase yeeshee tusmada hadalkiisa iyo tiraab hawraareedka uu ku hadaaqi jirey uma badneyn tawaawuc iyo tufid weedh xun, wuxuu ahaa nin wanaag badan weheliyo duhnigiisa, dabcan hoga tusaaleynta hadalkana u adeegsan jirey murti aad u macaan badan misana ku dhisan wada tashi, waano, wada jir, wacyi galin, wax isu sheeg, wadar, wada noolaansho, wanaag, wax ka fiirshado, wehel iyo weerar loo dhan yahay.
     
    Ninkii Waayo-Arag beeshii uu ka dhashey baa kor ilaa hoos karahdey hadal badnidiisii, meel uu joogaba waar aamus baa is-gaadhey, waxey sidaas ahaataba Waayo-Arag baa maalin maalmaha ka mid ah yidhi markaan aamus idhaah daba Ey laf sita ayuun baan arkayaa oo weedha hadalkeyga ugu horeysaaba WID uun baan ka bilaabaa, waxa lagu yidhi Waayo-Aragow marka aad Ey-ga lafta sita aad wid ku tidhaahdo ma dhigaa lafta? ku lahaa Ey-gu lafta wuu dhigi lahaayee dhawaaq wadareed loo wada dhan yahay buu u baahan yahay? mar waayo-arag la sii weydiiyey su,aal aheyd marka aad aragto Ey-gaa lafta sita ma wid wid wid baad ku cel celisaa? wuxuu yidhi sida runta ah mar kaliya ayuun baan wid idhaah-daa waayo? haddii aan isu dayo in ay dabnaheyga ka soo baxdo weedha ah wid wid wid dabcan midka ugu soo sokeeya beesha aan ka dhashey ee ay waaxyaha dhagihiisu maqlayaan weedha hadalka wid ayuun baa yidhaah-da waar aamus.
     
    Nasiib daro aadamaha ilaahey abuurey in badan oo ka mid ah baan aqoon u laheyn in afku la xoog yahay magliga xawda kaa jara, maqaalkii kan ka horeeyey waxaan kaga hadalney in caqligu yahay hibo garasho oo bani,aadmigu si bayaan ah ugu kala saari karo wixii faa,iido iyo khasaare u leh noloshiisa, su,aasha markan miisaanka xaqsoorka saaran baa waxey tahay garaadka ilaahey galiyey Gobolka Awdal ma mid guul u horseedey baa oo guushaa midho dhalkeedii dhulka Awdal iyo dhalaanka soo koraya dhabarkooda aan ka aragno baa? mise waa mid dhaan wadihiisii (Traditional Leaders)  duhur cad u aroorshey ceel maaxiisu dumey deyrtii kol hore oo galab carowgii dambe Awrtii oo madhan afka saarey raaskii ay reeruhu yaaleen baa? ma rabo in aan hadalka halkaas maanta dhaafiyo maxaa yeeley midkan i garab fadhiya baa faruuryihiisa ay ku soo fooleedahay weedha ah waar aamus walow aanan waayo-arag weyn aheyn, hadaba inta aanan aamusin haan hab maamuus sharaf badan, macsuumaad uuga dhigo akhristaha sharafta mudan, maanso gaaban, murti godlatey, macaan badan, macrifo huwan, micno ku fadhida, muftaax garasho rabta, Miiganow garo macnaha muujiyoo cadee, masaladan garaadkeygu rabo, Moogow garab mar, midab madow saar, masaladan ha ku daalin, garaad madhan baad sidaayee.
     
    Inta aanad garaneyn Gobanimadu waxey tahay
    Inta aanad garaneyn Gurmadkaagu wuxuu yahay
    Inta aanad garaneyn Garaadkaagu halkuu yaalo
    Inta aanad garaneyn Garabkaaga waxa jooga
    Inta aanad garaneyn Geesta aad beri u socoto
    Inta aanad garaneyn Gacmahaaga waxa ku jira
    Inta aanad garaneyn Garashadaadu halkey jiifto
    Inta aanad garaneyn Galdaloloyinka aad leedahay
    Inta aanad garaneyn Gurcudkaad gudeyso wayadan
    Inta aanad garaneyn Gayigaga gabax yidhi malmahan
    Inta aanad garaneyn Garbo raarka faalka kuu baxey
    Inta aanad garaneyn Girgiraha kugu shidan saaka
    Inta aanad garaneyn Gucundhada ku hoos wadhan
    Inta aanad garaneyn Garaa,idka birta kugu xeeran
    Inta aanad garaneyn Guhaada xarago beelka ah
    Inta aanad garaneyn Galeydhka iftiin sii dumaya
    Inta aanad garaneyn Gardarada ku guud furan
    Inta aanad garaneyn Gumaadkii laguu geystey
    Inta aanad garaneyn Geerida kugu gadaaman
    Inta aanad garaneyn Geedkii laguugu dhabarey
    Inta aanad garaneyn Goobtii lagugu gowracey
    Inta aanad garaneyn Geesiyaashii kaa baxey
    Inta aanad garaneyn Guntadey dhoola tuskaa
    Inta aanad garaneyn Garan waga diley sharaftaa
    Inta aanad garaneyn Giigsanaanta goob dagaal
    Inta aanad garaneyn Goor dambe raali la cararka
    Inta aanad garaneyn Gar loo gale gube markhaati
    Inta aanad garaneyn Gurmo’go hadal gudhey kaliil
    Inta aanad garaneyn Gudin dhaca geed Ergo laalush
    Inta aanad garaneyn Gunuunuca gefka ku xardhan
    Inta aanad garaneyn Googaaleysiga xulad shidka ah
    Inta aanad garaneyn Gawsahaa laxowgu garaacayo
    Inta aanad garaneyn Garbo duub xadhig u xidhankaa
    Inta aanad garaneyn Garsoorka jiran ee kaa sii jeeda
    Inta aanad garaneyn Guddigii gar eexo gogosha laab
    Inta aanad garaneyn Golayasha aad saqiirka ku tahay
    Inta aanad garaneyn Galad sheega fooraha sirgaxan
    Inta aanad garaneyn Garab yaal damac ugaadhsade
    Inta aanad garaneyn Gafuur taaga tuurta wabarisadey
    Inta aanad garaneyn Gobolada aad degto qiimahooda
    Inta aanad garaneyn Gayi lagu dhaxo inaad tahay
    Inta aanad garaneyn Gogol lagu gam’o inaad tahay
    Inta aanad garaneyn Gashi lagu dhargo inaad tahay
    Inta aanad garaneyn Gama’a haben waxa noo diidey
    Inta aanad garaneyn Gadhka dhiiga waxa noo darey
    Inta aanad garaneyn Gabgabada gabaygan gaaban
    Inta aanad garaneyn Garaadkeygu wuxuu Alalow rabo
    Ayaa baanad Garaneyn Guushaadu waliga waxey Tahay. 
     
     
    Curiyaha Sheekada
    Abdirasaaq Hammaal.
    E-mail: rasiiqi07@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: