SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxaafadeed ay soo saareen xisbiga UCID

    Posted by Sawnews.tk on November 25, 2009

    Hargaysa (Sawnews)- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka (UCID) Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf, ayaa jawaab ka bixiyey war uu qoray webka Qarannews oo daabacay in khilaaf ka dhexeeyo madaxda xisbiga UCID,, waxaana Gudoomiye xigeenku warkaas ku tilmaamay in uu ahaa mid  been abuur ah.Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Gudoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo digniin u soo jeediyay webkaas qarannews in aanu mar dambe war noocaas oo kale ah qorin

    War-safaaxafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu qornaa sidan:-

    “Annaga oo tixraacayna qoraalkii ku soo baxay website-ka Qarannews. Waxa Xisbiga UCID cadaynayaa in:

    1. Haba yaraatee aan waxba ka jirin qoraalkaas yahayna been abuur cad oo la doonayo lagu majaro habaabiyo dadweynaha reer Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga UCID,

    2. Waxa layaab leh in website warbaahineed siiba mid magac qaran sitaa uu been illaa xadkaas ah oo daaran ujeedooyin gaar ah uu faafiyo, taas oo ka baxsan habdhaqanka u yaala saxaafadda xorta ah,

    3. Waxa muuqata in Website-ka maamulkiisu aanu la socon warka Somaliland yaala ee ah in Xisbiga UCID maalinba maalinta ka dambaysa heerkiisa iyo sumcadiisuba kor u sii kacayaan,

    4. Xisbiga UCID madaxdisa sare dhaqan uma ah is qabqabsi waxaana hogaamisa fikrad ku dhisan dimuqraadiyada iyo wadatashi,

    5. Xisbiga UCID wuxuu uga digayaa website-ka Qarannews in aanay been abuurkaas oo kale dib u qorin

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: