SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Munaasabad Lagu Xusayey Xuquuqda Carruurta Oo Boorama Lagu Qabtay

    Posted by Sawnews.tk on November 25, 2009

    Boorama, November 25, 2009 (Haatuf) – Munaasibad lagu xusayey sannadguurada 20 aad  ee kasoo wareegtay maalinta caalamka u aqoonsaday xuquuqda carruurta, taas oo ku beegnayd 24 November ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Boorama.Munaasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen  masuuliyiinta Gobolka Awdal, kuwa degmada Boorama, masuuliyiinta waxbarashada, martisharaf iyo ku dhawaad laba boqol oo carruur  ah kana kala socotay dugsiyada Boorama ee dhegeha qaba, dugsiga dhegoolayaasha iyo carruur ka mid ah kuwa derbi jiifka ah.

    Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur  Sugaal oo ka hadlay hafaladaasi ayaa ugu horayn tibaaxay arrimaha keenay in dalalka caalamku maalintan u asteeyaan xuquuqda Ubadka, isagoo sheegay in Ubadku yahay kan ugu qiimaha badan, uguna itaalka liita, sidaa darteedna loo baahday in caalamku iskaga yimaaddo oo la ilaaliyo xaqa ay ku leeyihiin waalidiintooda iyo bulshada inteeda kaleba.

    Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidooa kale ka hadlay dhibaatooyinka ubadka ku haysta meelo kala duwan oo ka mid ah dalkii la odhan jiray Somalia iyo Somaliland-ba, sidaa darteedna bulshada looga baahan yahay in la daryeelo.

    IsmaaciilYaxye oo ku hadlayey magaca Hay’adda Save  the children Denmark oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in arrimaha la xidhiidha xuquuda carruurtu noqdeen kuwa wakhtigan u baahan in si gaar ah loo ilaaliyo kaddib markii ay sii bateen dhibaatooyinka iyo tacaddiyada loo geysto ubadka, qaarkoodna lagu shaqaysto.

    Ismaaciil Yaxye ayaa sidoo kale ka hadlay sida ubadkaasi oo burrito noqonaya mustaqbalka dalku ugu dayacan yihiin meel kasta, isla markaana ay yartayaba  ama aanay ciddi danaynayn, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Maaha oo keli ah inaan maantoo kale xaflad u samaynno ubadka, balse loo baahan yahay inaan maalin kasta ka farxino. Waxay bani aadanimada iyo naxariistu ku jirtaa inaan kuw halkan jooga  ee suuqyada ku dayacan, aan kafarxino markaan xafladda ka dareero ama qado siino, haddii kale waxay noqonaysaa inaan gebi geenuba shicib iyo dawladd been isku sheegayno, ilaahayna inagu ciqaabi doono naxariis darada aan ubadka kula dhaqmayno”.

    Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale dadweynaha reer Boorama iyo inta wanaagga jecelba ku guubaabiyey in ubadka loo naxariisto, laguna dedaalo waxbarashadooda, caafimaadkooda, diintooda iyo dadnimadeeda. Maayarka ayaa sidoo kale ka hadlay  dhibaatooyinka hadd iyo jeer soo gaadha Ubadka iyo sidda aanu maamulkiisu itaal ama taageero ka qaadda dhibaatooyinka haysta aanu ugu haynin, balse iskaashi iyo wadajir lagu daryeeli karo ubadka, si loo helo ubad maskax fiican iyo horumar dalka usoo jiidana, lagu dedaalo siddii loo dhisi lahaa noloshooda.

    Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Awdal Daahir Maxamuud Xaddi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale ka warramay sifooyinka ubadka loogu xadgudbi karo xuquuqdooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cayda lagu caayayo nolol xumada qaarkood haysata, magacayada xunxun ee loo bixinayo iyo naxdinta mar walba lagaga nixinayo wax cabsi ku abuurayo oo maskaxdooda raadxun ku reebi karaya. Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Awdal ayaa isagu dhiniciisa ballanqaaday in kumaankumka carruur ah ee ay wax ku baraan dusgiuyada gobolka ilaalin doonaan, hadda ka horna ilaalin jireen waajibaadka ka saaran sidda ciqaabta iyo usha, isagoo dhinaca kalena sheegaya inay wasaaraddiisu  kharashyada waxbarashada ka bixiso boqolaal ka mid ah ubadka qoysaskoodu aanay iska bixin Karin fee’da waxbarashada.

    Waxa kale oo iyaguna halkaasi khudbado ku beegan maalinta carrurta halkaasi ka jeediyey qaar ka tirsan xildhibeenada Golaha deegaanka Boorama, ardayda dhegoolayaasha ah iyo kuwa derbijiifka ah, dhammantoodna bulshada ka dalbanayey in la ilaaliyo xuquuqdooda shicib iyo dawladba.

    Ugu dambaystiina wax halkaasi lagu saxeexay heshiiska caalamiga ah ee lagu ilaalinayo shuruucda u degsan ama loo dejiyey ilaalinta xuquuqda ubadka, Somaliland-na ay ku biirtay ku dhawaad 150 dale ee heshiiskaasi caalamiga hore u saxeexay.

    Xuskan Boorama lagu qabtay ee ilaalinta xuquuda ubadka ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee weli lagu qabto gobolka Awdal, isagoo ay iska kaashadeen wasaaradda caddaaladda Somaliland iyo hay’adaha UNICEF, Save the children Denmark, iyo ANPACCAN

    Haatuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: