SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Rag Iska Dhaw iyo Rabi Ka Cabsi Meel Ma Wada Galaan Ee Reer Awdaloow Saylacna Ma Tacsaan u Bixinay

    Posted by Sawnews.tk on November 24, 2009

    Hadaad rag is haysaan oo ay ragaasi rabaan in ay raq iyo ruux waxaad haysato aanay  midna kaaga tagin, adiguna aanad raali ka ahayn in ay ragaasi waxaaga qaataan.   Maxaad samaynlahayd? Miyaad u xadiisi lahayd oo ILLaahay  kabaqa oo idaaya ayaad odhanlahayd adoo og in ayna ragaasi dhaga ulahayn xadiiska? Mise waad baryilahayd adoo og in aanay ragaasi baryo wax ku lahayn? Mise waad laalushi lahayd adoo og in aanay ragaasi laaluush rabin ee ay  rabaan xoolahaaga oodhan?Mise samir taagla’aaneed ayaad qaadi lahayd adoo markaad ogaato in dagaal maahee si kale aanay ragaasi kaaga joogsanayn? Mise muruq wayn iyo muruqyar Allaa isbaday ayaad odhanlahayd oo wixii ILLaahay kuu gooyaad qaadi lahayd oo waad iska dhabi lahayd ragaa?Waxan warkaa uga danleeyahay waxad moodaa markasta oo ay arimo la soo gudboonaadaan dadka reer Awdal in ay hadba dhanka u dhibyar u yacaan oo ay ku xilqarsadaan waxyaalo  aan daacad ka ahayn.Waxyaalahaana  waxa kamida erayada ah. Nabadaan dhawraynaa. Ama midnimaan ilaalinaynaa. Amaba iyaga oo nin dhiig acaba  amaba dhacaya oo dilaya kuyidhaa waar ilaahay ka baq.Waxa kale oo aan u fiirsaday hadalada iyo ficilada  aanay dadka qaarkood ka fiirsan ee ay kaga dhawaajiyaan iyaga oo moodaya in ay wax u tarayaan dad kooda.Hadaan u gudbo tusaalaha iyo sobobta aan udoortay ciwaanka maqaalka oo ah RABI KA CABSI IYO RAG  ISKA DHAW MEEL MA WADA GALAAN waxa kamida dhawr arimood oo kala hor horeeya.1)      Ta koobaad 1993kii Guurti lagu soo sameeyay Xarshin iyo Dulcad ayaa Boorama inoogu timiday waxayna inoo sheegeen in ay rabaan in ay dadka reer Somaliland si cadaalada wax ugu sameeyaan inaguna waxan isku qancinay inaga oo aan waxba ku darsan guurtidii waxanan is nidhi GUURTI-ALLAH IN LA AAMINAA HABOON dabadeedna  intii ay kasoo kala jeedeen uunbay wax u dhiseen.2)  Ta labaad  inaga oo og in aanay cadalad iyo sinaani ka jirin sida wax loo qabsaday Somaliland ayaan hadana ku samirnay inaga oo isku qancinayna nabada ilaahay ina siiyay yaynaan iska burburin3) Ta sadexaad markale 93kii dhul ayaa la isku qabsaday (Ceelbardaale) guurti reer kaliya kasoo jeeda ayaa tidhi anagaa galayna waanan ka ogolaanay oo waxan nindhi GUURTI ALLAH MA EEXATEE AAN AAMINO. Dabadeedna way eexdeen oo dalkiiba dadkii ay wada dhasheen ayay u saxeexeen.4) Ta afraad 2009Kan, aan kujirno dagaal ayaa ka dhacay Ceelbardaale marlabaad guurti aanay waxba reer Awdal ugujirin oo reer kaliyihi wato ayaa tidhi waan galaynaa waxan nidhi gala dabadeedna sidii kuwii hore ayay dalkii siiyeen dadkii ay matalayeen oo ahaa kuwii dalka ku doodaayay.5) Isla sanadkan 2009 ayaa waxa si axmaqnimo ah loo laayay dad aan waxba galabsan oo socota ahaa waxaana laayay dad ilaahay iyo malaa igtiisa caayaya inaguna waxan ugu jawaabnay in aynu u xadiisno. Waxa kale oo iinoo yimid niman sheegayay in ay guurti yihiin inaguna waxan markale isku qancinay in aynu GUURTIDA ALLAH XUSHMAYNO sidii baanan ku baa,binay dhigii raga la’laayay.6) Ta ugu dambaysa ee aan arinka uga danleeyahay waxa weeyaan gobolka lagu magacaabo Selel amaba Salal oo ah mid aanan anigu shaqsiyan horay iyo dibtoona u aaminsanayn.  Gobolkaa oo dhawaan la magacaabay lagana gooyey dhul kamida gobolka Awdal dabadeedna  uu dhulkaasi uu gacanta ugalay dad mudaba dal gooniya Awdal ka dhexraadinjiray iyo waliba wadamo shisheeye. Iyada oo  waliba dadkaasi himiladoodii in ay  ku guulaystaana ay keentay ka hadal la’aan iyo amusnaan ka timid dadka dhulka asal ahaan udega.Hadaba aamusnaantii dhulkaa laga aamusay ee sobobtay in uu dhulkaasi kabaxo gacmaha dadkii asalka u lahaa waxa kasii daran dadkii lahaa oo afkooga ku jideeyay in uu dhulkaasi kasii wareego.Waxanan ula jeedaa hadalkaa dhawaan markuu geeriyooday ninkii lagu magacaabayay in uu gobolka masuul ka yahay ayaa waxa soo baxday quusashada reer Awdal ay ka quusteen dagaankaa Saylac in ay leeyihiin, sobobtoo ah tacsida iyo baroordiiqdii ka soo burqanaysay reer Awdal waxay ahayd tii ugu saraysay ee  ku saabsanayd geerida marxuumkaa dhintay.Inkasta oo ay ka sii horaysay oo iyadna ay jirtay in marka horaba ay iska aqbaleen reer Awdal in ninkaasi iyo wadama shisheeyi ihiba ku maamulaan dhulkooda hadana tan u dambaysay waxay muujisay in geerida Marxuum Cawaale Ismaacii Xassan Allaha unaxariistee ay noqotay sadqadii ciise ku soo khatimayay xalaalaynta dagaanka saylac.Dad badan ayaa eeda u badan Daahir Rayaale dushana kasaara laakiin runta marka laga hadlo Madaxwayne Daahir uma suurta gasheen in uu ninkale u magacaabo hadii dadkii lahaa fadhigoodu muuqdo.Waxayna tani inoo hortagnaanaysaa sidii talooyinkii lixdankii, inagamana hadhayso ilaa intaan kujirno hayada fudud.Ragna kaama tooso adoo iska toosiya mooyeewaxa kale oo ay tani u cadaynaysaa  masuulkasta oo soomaliland madax ka noqda in dadkii marxuum Cawaale ka soo jeeday xaq u leeyihiin maamulka dhulkaa. Iyada oo aanay cidna isku daalin cida dhulka degan amaba dagijirtay.Rag Iska Dhaw iyo Rabi Ka Cabsi Meel Ma Wada GalaanCabdale Farah Sigad

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: