SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Agaasimaha Gobolka ee Hay’ada Interpeace Oo Sheegay Inay Madaxweyne Rayaale Isla Qaateen In Ay Dalka Dib Ugu Soo Laabtaan.

    Posted by Sawnews.tk on November 24, 2009

    “Waxaanu u sheegay Madaxweynaha sida Interpeace aad ay uga xun tahay wixii ka yimi habsami u socodkii diiwaan gelinta codbixiyayaashu oo aan gaadhin heerkii la rabay”.

    Hargeysa(Ramaas) Nov.24, 2009 – Agaasimaha Gobolka ee Hay’ada Interpeace Mr. Jerry MacCann, oo socdaal ku yimid Somaliland ayaa sheegay inay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ay isla qaateen  inay hay’adiisu dalka ku soo noqoto.

    Agaasimaha Inter Peace wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu maanta ka soo saaray Hargeysa, qoraalkaasi oo u qornaa sidan:-

    “Halkan waxaan u imi marti qaad aan ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, si loo odoroso in Interpeace looga baahan yahay in ay sii waddo shaqadeedii ay ka haysay Somaliland.

    Waxaanu u sheegay Madaxweynaha sida Interpeace aad ay uga xun tahay wixii ka yimi habsami u socodkii diiwaan gelinta codbixiyayaashu oo aan gaadhin heerkii la rabay.

    Waxaanu ka wada hadalnay doorkii wax-ku oolka ee dhexdhexaadka ahaa ee Interpeace tobankii sannadood ee u dambeeyey qaadatay si ay u taageerto nabadda ay wadaan  reer Somaliland, waxaanu isla qaadanay in Interpeace doorkaa ku soo noqoto.

    Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu aqbalay inaanu soo noqono si aanu farsamo ahaan u caawino Komishanka Doorashooyinka Qaranka si ay u taabo-geliyaan doorashada madaxweynaha oo u dhacda si xor oo xalaal ah.

    Hadda waxaan tegaynaa Addis Ababa si aan ula kulmo Komishanka Doorashooyinka Qaranka”.

    Dhinaca kale, wakiilo ka socda saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ayaa iuaguna galabta u ambo baxay dalka Itoobiya oo ay kaga qeyb galayaan siminaar la xidhiidha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka waxaanay ka dabo tageen todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka Somaliland oo sabtidii todobaadkan u kicitimay dalka Itoobiya.

     

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: