SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Sirdoonka Canada oo Raadinaya Dhalinyaro Soomaali ah oo Alshabaab lagu Tuhmayo

    Posted by Sawnews.tk on November 22, 2009

    Toronto(Sawnews)-Sirdoonka ee Dalka Canada ayaa baaritaan weyn waxay ku hayaan 6 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku noolaa Caasimada Canada ee Toronto kuwaasoo la la’yahay loogana shakisan yahay inay Soomaaliya dagaalo u aadeen iyagoo ka bar bar dagaalamaya horjeeda Ururka Al-Shabaab.

    Ehalada wiilasha la waayay ka mid ah ayaa waxaa la kulmay Ciidamada Sirdoonka Canada kuwaasoo si weyn uga shakisan inay dhalinyarada la’yahay ay sameeyeen sidii kuwii Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka ka baxay ee Soomaalida ahaa kuwaaso qaarkood ku geeriyooday dagaalada Muqdisho.

    Maamulayaasha Masaajidyada Toronto ku yaal ayaa la sheegay inay iyagu arinta maqnaashaha dhalinyarada u sheegeen Booliiska Toronto iyagoo ka cabsi qabay in hadii ay iminka sii sheegin maalin kale masaajidka ay eedeymo kaga iman karto Dowlada Canada.

    “Waxaa noogu war danbeysay Wiilkeena mar uu dhawaan ayeeyadiis ka waday Magaaladaani Toronto, wuxuu u waday Kenya oo sidoo kale uu noo sheegay inuu ku booqon doono Xaasikiisa oo cunug u haysa, halkaasna ku nool, markaasi kadib oo ayeeyadii maalmo kadib noo soo sheegtay in wiilkii ay la’yihiin kadib ilaa hada ma naqaan meel uu ku danbeeyo wiilkeena” ayay dheheen ehalada mid ka mid ah wiilashaasi aan la ogayn meesha ay aadeen.

    Sirdoonka dalka Canada ayaa  wada baaritaano ay su’aalo ku weydiinayaan dadka maqan ehaladoodii ay kaga tageen Toronto walina lama hayo wax cadeyn ah oo ku saabsan in midkoodna dagaallka Soomaaliya ka qeybgalay ama ku geeriyooday wiilashaasi.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: