SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hambalyo: Meher Wacan Boqor Maxamuud Xaaji Nuur Ducale iyo Boqorada Haboon Abdiraxman Xasan xadi

    Posted by Sawnews.tk on November 22, 2009

    Boqorka iyo Boqorada barwaaqada arooskooda
    Balad Hooyo iyo Britian iyo Baalaha Adduunkaba 
    laga wada bildhaansadey waa Boqor Maxamuud Haji
    Nuur Ducale iyo Boqorada Haboon Abdiraxman Xasan Xadi.
     
    Sideedaba markuu wiil geesi ah, damac guur la soo kaco
    Dookhiisana u sahan tago, Ma waayo Gaari dumar oo
    Naftiisa, Noloshiisa iyo Niyadiisaba u qalanta Sida qaali
    Quruxley qiimo badan Haboon Abdiraxman Hassan oo kale.
     
    Kol ahaan taana Dabeecadeheega Gaariyo
    Bal aan Dul ahaan tilmaamee Dareenkiina ii fura
    Damiir Hal Adeygnimiyo Quruxda lagu Deyrayee
    Daran dan indhihii Arkaa marnaba deymada ka daalin
    Iyo Duco qabahaa Da,da yar ee ay is doorteen
    Daliilkeedu wuxuu yahay Alahayow aduunyada
    Markaad taagtey udubkeeda, dhoobada markaad
    Aadan iyo Xaawo ka abuurtey, Awood Eebe bey aheyd
    Aayadaa Culusee, Abaqaalkii dadkiyo bey ahayd
    Beertii Aadamahee, Aroos ugu horeeyey buu ahaa
    Labadaa Adoomoodee, Asal lagu hirtiyo waa irdaha
    Lagu arooraayee, Abtirsiimo weeyaan ilaa waaga aakhiro,e
    Alxamdulilaah Ubaxaan Hambalyada u dirayniyo
    Damaashaadka Arooskoodan kheyrka Qaba.
     
    Boqorkan iyo Boqoradan dabaaldaga
    Arooskoodu Dubaaqayada wada deeqey
    Waxaan deyr xijaaban Maanta uuga dhigayaa
    Ducadii Rasuulkeena suuban C.S.W
     
    Baarakalaahu Lakumaa Wa baaraka
    Caleykumaa Wajamaca Beynakumaa
    Bil kheyr Bil kheyr  Bil kheyr ow fil Kheyr.
     
    Boqorka iyo Boqorada Bildhaanta Guurkoodu wacan yahay
    Burjiga Arooskoodan kheyrka qabaana Barakeysan yahay
    Meher aad u macaan oo mujtamaca muslimka dhamaantood
    U wada mabsuudeen misana loogu bud dhigey Hutel Rays
    Waxaan leenahay Gacal iyo sokeeyaba Guurkiina lagu farax.
     

    Haadba haad kici  haybad waxaan ku leenahay guurkena sharafta leh.
    Haadba haad kici hami kaca hambalyadeydu waa mid hagoogteedu tahay
    Labadii hodmee, hooy wada galee, hoodola noqdoo hibo iyo ducaba naga hooya.
     
    Haadba haad kici halyey baa guursadey, haween gaari dumar heley, Gobanimo ku guri galey.
    Haadba haad kici, hawraar aan tidcaayey, tusmo aan u sameeyey, taalo aan u yagleeley,
    taariikhna aan u xariiqey, taabo galna aan ka dhigey sidii hadraawi ma u tilmaamey
    misana ma ini idhi Maxamuud iyo marwo Habooney mataano sidiisii midigta is haysta.
     
    Haadba haad kici hadalkeyga nuxurkiisu waa mid la xiriira amaan afkeygu inidku leeyahay:
    Labada is adeecdee, isu uur nuglaatee , kala qaata Amarkaan alah idiinka baryey, Aamiin ku sii dara.
    Aqalkooda wacanoo, Anfac iyo udgoon leh oo, Ehelkiyo Asxaabtuba soo abaaraan, Alah idiinka baryey, Aamiin ku sii dara.
    Aafada aduunyada, kuwa laga afxidhayee, Aaney tagin agtoodaan Alah idiinka baryey, Aamiin ku sii dara.
    Abwaanada dhamaantood, Afkoodaan idinku amaanee, Aqbal iyo aroos wacan, Alah idiinka baryey, Abshir wacan ku guri gala.
     
    Hambalyadan waxaa diraya Waalidiintan, Akhyaartan iyo Asxaabtan sharafta leh
     
    Awoowo Haji Muhumed Egeh
    Haji Adan Ahmed Dirie iyo Xaaskiisa Nura Mumin Dhoolaal
    Abasador Ahmed Jama (Indho birale) iyo Xaaskiisa Sahra
    Nuur Obsiye Fariid iyo xaaskiisa Fadxiya Muumin Fariid
    Abukar Dahir obsiye iyo Xaaskiisa Nimco Haji Muhumed
    Rashiid Nuur Egeh iyo Xaaskiisa Fosiya Yusuf Ismaaciil
    Mohamed Jama Ibrahim iyo Xaaskiisa Saynab Yusuf Yonis
    Sharmake Aw-Hassan iyo Xaaskiisa Sahra Adan Yusuf
    Sharmake Dahir Abdillaahi iyo Xaaskiisa Muna Mahamud
    Abdisamad Maxamuud Badmah
    Mustafe Shide Badmah
    Momahed Hussien Buni iyo Xaaskiisa Maryan
    Sh. Abdicasiis Aden Hassan iyo Xaaskiisa
    Yusuf Ahmed Ali
    Abdillaahi Haji Nuur (Baradhe)
    Yasmin Nuux Farah
    Ruun Yuusuf Yonis iyo Seygeeda Muuse
     
     
    Dhamaan dadkani waxey Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan Boqorka iyo Boqorada Mudane Mahamud Haji Nuur iyo Marwo Haboon Abdirahman Hassan oo Meherkoodu ka dhacey Magaalada Borama Taariikhdu markey aheyd 22-11-09 waxaaney leeyihiin Guurkiinu Guur kheyr, Gurigiinu Guri Nagi, Awlaad Wacan oo aad Wanaag Ku Gardaadisaana Guulahey Idin sii Aamiin Aamiin Aamiin.
     
    Abdirasaaq Hammaal.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: