SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirkii Macdanta Iyo Biyaha Somaliland oo Ku Geeriyooday Sucuudiga

    Posted by Sawnews.tk on November 20, 2009

    Sucuudiga (Sawnews) Nov. 20, 2009 – Illaahay u ha u naxariistee waxa maanta dalka Sucuudiga ku geeriyooday Wasiirkii Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland  Marxuum- Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim.oo u tagay dalkaasi si uu u soo guto waajibaadka xajka ee sanadkan oo ay maalmo faro ku tiris ahi inaga xigaan.

    Wasiirka waxa uu u geeriyooday ka dib markii sida la sheegay uu istaagay wadnuhu, isagoo aan wali gudan waajibaadkii xajka. Waxaana la filaaya in maydkiisa loo soo duuliyo Magaalada Hargeysa oo lagu aasi doono.

    Illaahay naxariitii jano ha ka waraabiyee Marxuum- Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim waxa xilka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland loo magacaabay sanadkii 2003-dii markii Madaxweyne Rayaale ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday. Waxaana muddadii uu Wasaaradaasi madaxda ka ahaa lagu majeertaa inuu gaadhsiiyay horumar weyn oo ku soo kordhiyay dhismeyaal cusub isla markaana toosiyay nidaamkii shaqo ee wasaarada isla markaana ay wasaaradiisu fulisay mashaariic badan oo isugu jiray ceelal biyood oo ay qodeen iyo kuwo hore oo ay dayactir ku sameeyeenba.

    Wasiirku dhawaan ayuu ka soo laabtay shir lagu qabtay dalka Koonfur Afrika oo ku wajahan caqabadaha hortaagan khayraadka Afrika, oo ay ka qeyb galeen khubaro badan oo caalami ah oo aqoon u leh cilmiga Tamarta.

    Marxuum- Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim wuxuu ahaa xiligii xukuumadii Madaxweyne Cigaal Wasiirul Dawlaha Arrimaha dibada, xilkaasi oo uu muddo dheer hayay.

    Dhinaca Kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha Somaliland Marxuum-Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

     

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: