SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Taariikh Nololeedkii Wasiirka Macdankii Macdanta iyo Biyaha Somaliland Qaasim Sh.Yusuf Ibraahim

    Posted by Sawnews.tk on November 20, 2009

    Hargaysa(Sawnews) 20-Nov-Alaha u Naxariistee Qaasim Sh,yuusuf wuxuu ku dhashay deegaanka degmada Dilla sanadkii 1942kii, wuxuuna ka dhashay Qoys beeralay iyo xoolo dhaqatoah, wuxuu ku barbaaray deegaankaas Dilla, waxa uu quraanka ku bartay isla deegaankaas, waxaana dhalay Sheekh Yuusuf Ibraahim oo ahaa nin Aqoonta diinta islaamka yaqaan dhulkaasna aad looga yaqaanay, wuxuu dugsiga hoose galay sanadkii 1957kii wuxuuna ka mid ahaa Ardaydii ugu horaysay ee dugsiga Dilla 1958kii lagu furay.
     
    Intaa ka dib Qaasim wuxuu ka baxay dugsigii Sheekh, ka dibna wuxuu macalin ka noqday gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, wuxuu ka baxay Jaamacadii Lafoole 1975kii wuxuuna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Ardayda Jaamacada wakhtigii Abaraahii 1974kii, isagoo gurmadkii Abaaraha Jaamiciyiintii kaalinta libaax ka qaadatay ahaa, ka bacdi wuxuu mudo  ku shaqeeyay macalinimo Jaamici ah, intaas ka dibna wuxuu noqday sanadihii 1984 maamulkii degmada Baki, sanadkii 1991 wuxuu ka mid ahaa xubnihii ka qaby galay shirkii Burco, isla sanadkii 1992 badhtankiisii ayuu M/weynihii C/raxmaan Axmed Cali u magacaabay Wasiirka Waxbarashada, wuxuu noqday wasiiradii safarka u raacay C/raxmaan Tuur wakhtigaas oo ahaa xili la abaabulayay shirkii Boorama, wuxuuna soo noqday wakhtigaas isaga oo la socda C/raxmaan Tuur M/wenihii u horeeyay, markaas oo ay shirka ku soo biireen, mudadii u dhaxaysay dabayaaqadii 1993 ilaa 1997 wax xil ah ma qaban. shirweynihii lagu qabtay 1997 Hargaysa wuxuu isku sharaxay M/xigeen, dawladii wakhtigaas la soo dhisay ayuu ka noqday W/xigeenka Waxbarashada, mudo ka dibna wuxuu noqday Wasiiru/dawlaha Arimaha dibada, 2003 ayuu noqday Wasiirka macdanta iyo biyaha ilaa imika ay ku timid geeriduna wuu hayay xilkaas, wuxuuna safarkiisii u dambeeyay ka yimid S/Afrika intii aanu Xajka tegin maalmo horteed.
     
    Alaha u naxariistee Qaasim Sh.Yuusuf wuxuu ahaa siyaasi miisaan qarsoon leh, isla markaana Arimaha meel adag ka istaaga, waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa udub dhexeedka siyaasada M/weyne Rayaale, xidhiidhka ka dhexeeya siyaasiyiinta Somaliland iyo isaga ma ahayn mid la dareemi karayay, hadana wuxuu ahaa nin marka ay meel adag taagan tahay lala tashado, waxaa ka mid aha Arimaha lagu xasuusto ee taladeeda loo tiriyo dhawr jeer oo ay isku dhaceen M/weyne Cigaal iyo M/xigenkiisii Rayaale oo uu kula taliyay in uu halkiisa xajisto hadalna aanu dibada uga soo bixin, wuxuu inta badan ahaa nin ku dadaali jiray in Beelaha is Oodxiga la yeesho xidhiidh siyaasadeed, mana ahayn nin jecel colaada sokeeye soo noqoto, Inta badan wuxuu ahaa nin khibrad badan u lahaa siyaasada dalka ka jirta, maadaama uu ahaa ragii la bilaabay aasaaska Somaliland, wuxuu ahaa nin mabda’a Somaliland oo Aqoonyahankiisa iyo waxgaradkiisu ka soo horjeeday sanadihii 1992dii isagu la safray mabda’aas goosashada oo ka dhaadhicinayay qurbajooga reer Awdal, isagoo markaas tusayay in uu dariiq sax ah taagan yahay, marka la fiiriyo xaalada dalkii ka jirta.
    wixii intaas ka dheer qoraalo kale ayaan ku soo sheegi doonaa !

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: