SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Saylada Burco Oo Ay Buux Dhaafiyeen Xoolaha Ka Imanaya Konfurta Somaliya, Puntland, Kililka Shanaad Ee Itoobiya Iyo Soo Dhaweynta Dawlada Hoose.

    Posted by Sawnews.tk on November 20, 2009

    Images: sayl5.JPGBurco(SAWNEWS) Nov. 19, 2009 – Sayladda magaalada Burco ayaa todobaadkii u danbeeyay la ciirciiraysay Xoolaha ka kala imanaya gobolada Somaliya, Puntland, Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo kuwa ka yimaada gobolda Somaliland ee dhinaca Bari.

     

    Sayladda Burco oo ah Saylada ugu weyn sayladaha Somaliland oo suuqeedu xaami-noqoay muddadii ka dambaysay xilligii ay dawlada sucuudigu xayiraada ka qaaday xoolaha Somaliland iyo kuwa Somaliyaba, iyo bishii Arafo oo bilaabanaysa ayaa waxa buux dhaafiyay Saylada Xoolo badan oo ka kala yimi jahooyin kala duwan. Waxa sidoo kale u shaqo-tagay Kumanaan Qof, Gaadiid fara badan oo ah noocyada xoolaha qaada iyo kuwa keenay Adhiga.

    Images: sayl2.JPG

    Xoolahan tirada badan ee buuxiyay Saylada Burco oo isugu jira Wanan iyo Orgac. Wariyaha Ramaasnews ee Burco Mahad C/laahi Faarax Booqasho uu ku tagay Saylada Burco waxa uu idhihiisa ku arkay, inay adhigaas si weyn u gadanayeen  Shirkaddaha Indhadeero, Aadan Baradho, Ina Quule iyo Jeeblayaal tiro beelay, kuwaas oo dhamaantood xoolaha ka iibsanaayay noocyadooda kala duwan ,Yaryarka iyo Waawaynka, Qiimo sare oo u dhexeeya ilaa $50 Doolar ilaa $60 Doolar, kaas oo kaash lagu kala qaadanaayay.

    Dhinaca kale, dawlada Hoose ee magaalada Burco ayaa iyana maalmahan saylada Xoolaha ka wada Ololayaal balaadhan oo isugu jira wacyigalino ay dadka Ganacsatada ah iyo kuwa kale ugu sheegayaan in ay Saylada ku soo dhaweeyaan dadka ganacsatada ah ee xoolaha ka keenaya Koonfurta Somaliya iyo kuwa Puntland, isla markaana ay dhawraan nadaafada iyo Cashuur ururinta.

    Images: sayl4.JPG

    Guddoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka Burco Axmed Cabdi Falay oo hawlahan dawlada hoose ka wado Saylada Burco uga waramay Shabakadda Ramaasnews ayaa Ganacsatada Xoolaha iibsata ka codsaday Adhiga ay iibsanayaan in ay ugu horaysiiyaan kuwa ka yimi taraagyada dhaadheer, isla markaana waxa uu usoo jeediyay dadka kalena in ay soo dhaweeyaan dadka Xoolahooda usoo iibgeeyay magaalada Burco kuwaas oo uu sheegay in ay ku soo hirteen nabada ka jirta Somaliland.

    Images: sayl5.JPG

    Waxa kale oo uu Axmed Cabdi falay usoo jeediyay Ciidamada kaantaroolada laamaha dawlada ee ay qusaysoba in ay si deg-deg ah u siidaayaan xoolaha lagu soo cashuuray degmooyinka ka baxsan Degmada Burco si ay dhakhso ugu dhoofaan una tagaan magaalada Barbera.

    Images: sayl6.JPG

    Ugu dambayntii iibsigan xoolaha ku yimi mudadii ay xayiraada ka qaaday Dawalad sucuudigu iyo bishii  Arafo Oo isgalay ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga suuqyada magaalada Burco ee Caasimada gobolka Togdheer kaas oo ay hore u saamaysay xayiraadii saarnayd xoolaha wakhti laga joogo 12 Sano.

    Waxa sidoo kale isbadal wayn laga dareemay hoos u dhaca sarifka lacagaha qalaad ee suuqyadda Burco mudaddii adhigu furnaa isagoo markii horena hoos u dhaci ku yimi bilihii ina soo dhaafay.

     

     

     

    Ramaasnews  

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: