SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in wareysi uu bixiyay oo uu uga hadlay Somaliland iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca fasir qaldan laga bixiyay

    Posted by Sawnews.tk on November 20, 2009

    Mogadishho((Sawnews): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in fasir qaldan laga bixiyay wareysi uu bixiyay.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in fasirkaas qaldan laga bixiyay qeybo wareysigaas uga aaddanaa Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay in wareysigii uu bixiyay loo fasiray si aanu u dhihin.

    Waxaa uu sheegay Madaxweynaha mar uu ka hadlayay qeybta ku aaddan Ahlu Sunna in uu sheegay in ciddii qaab urur ahaan ah u abaabulan oo aan dowladda ka tirsaneyn in magaca ugu dhow ee uu siin karo uu yahay Jabhad, wuxuuse sheegay in Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo.

    “Ciidan Dowladeed wax aan ahayn oo hubeysan waxay noqon karaan Ciidan qabiil ama jabhad, waana ka xumahay in hadalkeygii si qaldan loo fasiro”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif oo sheegay in qolooyinka ay iska soo horjeedaan oo dagaalka u dhaxeeyo ay yihiin kaliya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

    HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA LAGA QEYLIYAY
    OO MUUQAAL AH
    By: Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

    Waxaa uu ka hadlay wada hadalladii fashilmay ee dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Puntland, wuxuuna sheegay in uu sidoo kale ka xun yahay in maamulka Puntland ay madaxdiisa bixiyeen hadallo aan ku saabsaneyn waxyaabihii ay labada dhinac isku khilaafeen.

    Waxaa uu sheegay Madaxweyne Shiikh Shariif in madaxweynaha Puntland ay kulamadooda ku bilowdeen jawi fiican balse gunaanadkii wada hadallada ay caqabad timid, isla markaana sida uu yiri uu madaxweynaha Puntland wada hadallada ku soo daray qodobo aaney fulintooda macquul ahayn oo Axdiga u degsan dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay waxba kama jiraan tahay in ay Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeddo horumarka Puntland.

    “Ma jirto cid aan horumarkeeda ka soo horjeedno iyo cid aan xaqireyno, Puntland-na waxay tahay meel aas-aas u noqon karta dowladda Soomaaliya, sida lala socdo xiligii C/llaahi Yuusuf, maamulka Puntland wuxuu bixin jiray taageero uu siin jiray dowladda dhexe, haddana taas oo kale ayaan ka fileynaa maamulka Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif.

    Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday qeylo-dhaan uu maamulka Somaliland ka keenay wareysigaas oo uu madaxweynaha siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, wuxuuna sheegay in uu kaliya ka hadlay in loo baahan yahay midnimo-ummad-soomaaliyeed, “Haddii ay jirto dhibaato ay tabanayaan walaalaheena Somaliland, waxaan leenahay arrintaas waxaa xal looga gaari karaa wada hadal, mana jirto sabab dadka Soomaaliyeed oo isku af, diin iyo dhaqan ah lagu kala gooyo”ayuuna yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo intaas ku daray in  umadda soomaaliyeed oo dhan ay dhibaato wada gaartay

    hiiraan

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: