SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga UCID oo Soo Bandhigay Barnaamijkooda Siyaasadeed

    Posted by Sawnews.tk on November 19, 2009

    Hargeysa (Sawnews)  Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo maanta u dabaal degayay sanad guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbigaasi ayaa ummadda Somaliland u soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed ee ay dalka ku hagi doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada ee fooda inagu soo haysa.Xafladii loo sameeyay dabaal dega sanad guurada sideedaad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga UCID oo lagu qabtay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Hoggaanka xisbiga, Xildhibaano, Salaadiin iyo dadweyne lagu soo marti qaaday xafladaasi.

    Waxa xafladaasi lagu soo bandhigay barnaamijka xisbiga UCID ee ku wajahan dhinacyada Arrimaha bulshada,dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, Arrimaha dibada iyo qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.

    Barnaamijkaasi oo loogu magac daray tobanka sanadood ee Horumarinta Somaliland wuxuu ka koobnaa lix bog.

    Murashaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka ee xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in Barnaamijkan ay soo bandhigeen aanu ahayn mid kama dambays ah, hase ahaatee laga doodi doono mar walbana wax lagu dari doono illaa laga gaadhayo doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

    “Barnaamijkan aanu dadweynaha u soo bandhignay ma aha mid UCID oo qudhi ay leedahay ee waynu wada leenahay,barnaamijkani waa hamigayaga wax qabad ee haddii illaahay nagu guuleyo doorashada,”ayuu yidhi Maxamed-rashiid Sh. Xasan.

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xayiraad ka qaadista xoolaha isla markaana uu illaahay uga mahad naqayo.

    Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in maanta shirkan ay ku soo afjareen wararkii dadka qaar odhan jireen axsaabtu ma laha barnaamij siyaasadeed, waxaanu yidhi “Waxaynu halkan maanta ku aasnay Arrintii dadkii odhan jiray sadexda xisbi midna Barnaamij ma leh.waanu lahayn xaqiiqdii oo markaynu ururada furanaynay urur kastaa wuxuu soo bandhigayay barnaamijkiisa. Ta kale waxa dadka caynkaasi yidhaahda caawisa Jaraa’idka oo balan qaadyada aanu nidhaahno qorin  ee cayda dawlada uun qora oo ka taga.barnaamijka xisbiga UCID waa barnaamij balaadhan waxaanu ka dhashay cilmi baadhisyo aanu samaynay. Waxaanu balan qaadaynaa inaanu dhisno dawlad sal balaadhan oo haweenkii iyo naafadiiba ay ku jiraan.waxaanu Xoghayaha Arrimaha dibada u magacownay gabadh Faadumo Cal Madar la yidhaahdo.”

    Guddoomiyaha UCID wuxuu ku dooday in haddii dalka ay ka dhacdo doorasho wanaagsan oo lagu wada raali yahay oo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha lagu saleeyay  ay arrintaasi soo dedejin karto ictiraafkii Somaliland.

    “Walaalayaal kaftan ma aha cadowgeenu aad buu u fir fircoon yahay, waa inaynu ka baxno qabyaaladii iyo kala qeybsanaantii oo aynu midowno oo aynu ogaano kuwii aynu shalay iska ridnay 18 sano ka hor ee illaahay inaga badbaadiyay inay  dib isu soo hubaynayaan waxay arkeen inagaa dhaqaaqi waynay oo meel fadhiisanay, culimadii iyo salaadiintii way fadhidaa ee waxaan leeyahay dadka ha la mideeyo. Dawladani isku halayn ma laha, dawlad inay dadka wax u qabato diyaar u ah ma aha,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu waxaanu intaasi ku daray “Illaalada ayaa la inaga wareejiyay oo la arkay inaynaan lahayn dawlad midaysan oo wax iska difaaci karta.waxaan walaalayaal leeyahay illaahay barnaamijkan aanu ummadda u soo bandhignay  ha ina gaadhsiiyo.”

    Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), waxaanu xukuumada tallada dalka haysa ku eedeeyay karti darro iyo musuq maasuq waxaanu tilmaamay inay soo dhisi doonaan haddii ay tallada dalka ku guulaystaan dawlad tiro yar oo tayo leh isla markaana ka caagan masuqmaasuqa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: