SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Warfafinta Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka UCID

    Posted by Sawnews.tk on November 19, 2009

    Hargeysa (Sawnews) Nov. 18, 2009 – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID Maxamed Rashiid Sh. Xasan.

    Warsaxaafadeed uu maanta Wasiirku soo saaray ayuu si adag ugu naqdiyay Murashaxa madaxweyne Ku Xigeenka UCID, waxaanu qoraalka Wasiirku u qornaa sedan:-

    “Wasiirka Warfaafinta ee JSL Mudane Axmed Xaaji Daahir ahna Afhayeenka Xukuumadda ayaa shalay soo saaray Warsaxaafadeed uu kaga jawaab celinayo wareysi uu musharaxa u tartamaya jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID Maxamed Rashiid Sheekh Xasan siiyey Wargeyska Haatuf cadadkiisii 2199 ee 17 November 2009-ka kaas oo uu ku sheegay in “Qurba-jooga iyo aqoonyahanada reer Awdal aanay aaminsanayn Somaliland oo iyagu maanta hoggaanka u hayaan.”

    Waxa kale oo uu musharaxu ku xusay Wareysigaa uu siiyey Wargeyska isagoo jooga Boorama in mar kasta oo Regime (Talis) sii socdo ee uu kubadda dhinac ka eego, ay dhacdo boob ay ku kacaan mas’uuliyiinta dawladdaasi.

    Haddaba haddaan ta hore ka jawaabo, waxaan leeyahay musharaxa ka soo jeeda gobolka Awdal ee u tartamaya jagada Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID waxaanu leenahay “Xakamta nafsak” mar haddaad ku tilmaamtay meesha aad ka soo jeeday ee aad codkooda isku halleyneysay ee madaxweynahaaga UCID-na ku tashanayey aad ka dhigtay dad aan aaminsanayn Qaranimada Somaliland, waxa kula gudboon inaad jagada u banneyso musharax kale oo xisbigaaga u soo kordhin kara cod-bixiyeyaal, maadaama aad adigu xagaaga quus ka muujisay cod-bixiyeyaasha gobolka Awdal.

    Waayo waxa hore loo yidhi “Ninkaan quusan naftiisa quus ah” oo aan uga jeedno sidaad hadalkaaga u dhigtay weliba adigoo ku sugan Boorama aad wareysi ku bixisay, in horseedka Reer Awdal gudo iyo dibeddba aanay aaminsanayn Somaliland, markaa waxa kuu soo jeedinaynaa oo aanu talo kugu siinaynaa in aad iskaga quusato, kana hadho tartankaagii aad ugu taagneyd musharaxanimada jagada ku xigeenka ee Xisbiga UCID.

    Geesta kale, hadaan wax ka yara iftiimino, sida uu muujiyey ama ka muuqda Wareysiga Maxamed Rashiid, horeba cod ugama dooneyn Reer Awdal, waana la yaqaan cida uu u raxleynayo ee uu wax kaga doonayo oo waa hay’ado la yaqaan iyo kuwa kale kaga hor-jeeda midnimada iyo Qaranimada Somaliland in ay taabo-gasho kuwaas oo uu shuraako kula yahay Maxamed Rashiid iyagoo ay hadba Neyroobi iyo meelo kale uga yeedhaan, waxaanan ku leeyahay Maxamadow “Waxaanad hureyn horaa loo yeela” ama se waxaad sheegtay waxa tilmaameysa maahmaahda tidhaa “Wixii uurkaaga ku jira ayaa afku kaa xadaa.”

    Ta kale dadweynaha Reer Awdal ee wax kasta la wadaaga walaalahooda Reer Somaliland, kheyr iyo sharba annaga ka xaalsiinayna gefka ka soo yeedhay Maxamed Rashiid, maadaama gobol kasta oo Somaliland ka mid ah ay ka jiraan Dhuuni-qaatayaal – la mid ah kooxda Maxamed Rashiid ee ku hawlan qalbi-jebin iyo marin-habaabinta shacbiga axraarta ah ee Somaliland iyagu hore uga tashaday aayahooda.

    Qodobka kale ee uu wax boob iyo dhul iibinta uu soo hadal qaaday musharaxu waa hadal aan qiil haysan, qof aqoonyahan sheegtayna looga wanaagsan inuu badka soo dhigo ceebeyn qaawan oo aan wax dhaliila aanu u hayn.

    Hase yeeshee, waxan xasuusinayaa in Qaranku soo dhaweynayo cid kastoo dalka maalgashaneysa, dhulna la siinayo ama laga iibinayo taas oo uu jideynayo Dastuurkeenu, inkastoo aanay ahaynba in adiga iyo xertaada aan aminsanayn Somaliland loo sheego waxa uu oggol yahay Dastuurku iyo wax aanu oggoleyn.

    Gebagabadii mar haddii xaal halkaa kaa taagan yahay Maxamadow waxan si nasteexanimo ah kuu leeyahay “Tani kuu la’ ee ku kale ka dayo.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: