SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guddoomiyihii Gobolka Salal Aas Qaran loogu Sameeyey Saylac

    Posted by Sawnews.tk on November 19, 2009

     

    Saylac (Jam)- Alle ha u naxariistee Badhasaabkii Gobolka Salal Marxuun Cawaale Cismaan Xasan oo habeenkii Salaasadii hore ku geeriyooday cusbitaal ku yaal magaalada Jabuuti, ayaa si heer qaran ah shalay loogu aasay magaalada Saylac.

     

    Aaska Marxuumka oo ay ka qabygaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta md. Cali Cilmi Geelle, maamulka Gobolka Salal, madaxdhaqameed iyo boqolaal qof oo dadweyne ah.

     

    Masuuliyiintaasi iyo dadkii ka qaybgalay aaska marxuunku waxay ka warameen taariikhdiisii iyo aqoontii ay u lahaayeen, waxaanay tilmaameen inuu ahaa nin kaalin muhiim ah kaga jiray dalka oo waxtar badan.

     

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa Marxuumka Illaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaannu shegay in Marxuumku mudadii ay wada shaqaynayeen uu xilka uu ummadda u hayo mar walba ku dedaali jiray.

     

    Wasiirka dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Cabdirisaaq Waabari Rooble iyo Wasiir-ku-Xigeenka Warfaafinta Md. Cali Cilmi Geelle ayaa iyaguna dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumka, waxaanay illaahay uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Jamhuuriya Online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: