SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Cusub ee Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Oo Madal Balaadhan Xilkii Kula Wareegay.

    Posted by Sawnews.tk on November 17, 2009

    “Wakhtigan Waxa Wasaaraddu ay la Kulantay Shirkadihii oo ka Horumaray oo ay Daba Gurguuranayso”
     
    Hargeysa(Sawnews) Nov.17, 2009 – Wasiirka cusub ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland  Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugala wareegay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaasi Md. Cali  Sheekh Maxamed, oo si ku meel gaadh ah u hayay muddo sanad iyo dheeraad ah.
     
    Xafladii xil wareejinta Wasiirka cusub waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka iyo masuuliyiin ka mid ah xukuumada.
      
    Agaasimaha Guud ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Xasan Nuur Faahiye, oo xafladii xil wareejinta ka hadlay ayaa ka waramay waajibaadka shaqo waxaanu yidhi “Wasaaradu heerar faro badan ayay soo martay, wakhtigan waxa wasaaraddu ay la kulantay shirkadihii oo ka horumaray oo ay daba gurguuranayso. Wali muu hirgelin sharcigii Wasaaradu wuxuu horyaalaa Golaha Wakiilada. Wax lagu shaqeeyo waxa ugu horreeya sharciga.tallaabada ugu horreysa ee aanu qaadnay waxay ahayd sidii aanu isku fahmi lahayn shirkadaha oo muran badani na dhex maray iyadoo siyaasada xukuumadu ay madax banaysay shirkadaha Ganacsiga waxaanu samaynay sidii loo wada samayn lahaa. Maanta shirkaduhu caban maayaan waxaanay nagu yidhaahdeen qalab samaysta.qalabkaasina waanu haysanaa imika.”
     
    Agaasimuhu wuxuu sheegay inay Wasiirka cusub ku soo dhawaynayaan gacmo furan.
     
    Wasiir Ku-Xigeenka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Sheekh Maxamed, oo xafaldaasi ka hadlay ayaa soo dhawaynta Wasiirka ka sokow,wuxuu yidhi “Haddii Wasaaradan Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo hawlbowle ah daryeelkeeda loo dhammaystiro waxay noqon kartaa Wasaarada ku xigta Wasaarada Maaliyada. Sharcigii Boosaha iyo Isgaadhsiinta wuxuu weli hor yaalaa oo aanay waxba ka soo bixin Golaha Wakiilada.”
      
    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahad naqay madaxda Wasaarada Boosaha sida ay u soo dhaweeyeen Wasiirka cusub oo uu ku tilmaamay sarkaal ka soo dalacay Wasaaradiisa.
     
    “Aniga farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qeyb galo, Cali Sandulle (Wasiirka cusub) oo ka tirsanaa Wasaaradayda waxa kale oo aan aad ugu faraxsan nahay in Wasaarada Arrimaha Guduhu ay noqoto Jaamacadii Wasiirada,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Cirro, waxaanu balan qaaday inuu la shaqayn doono Wasiirka cusub.
     
    Wasiirka Cusub ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaarada Boosaha, waxaanu tilmaamay inaanu isaga xiligan u oolin wax hadal ahi, balse uu darsi doono hawsha Wasaarada lana  tashan doono masuuliyiinta uu ugu yimid Wasaaradaas.
     
    Wasiirku wuxuu balan qaaday inuu xidhiidh wanaagsan la yeelan doono Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland, isla markaana uu ku dedaali doono sidii uu iskugu soo dhawayn lahaa wasaarada iyo shirkadaha.
     
    Md. Cali Sandulle wuxuu ilaahay uga baryay inuu caafiyo Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Liibaan Ducaale Casayr, oo xanuunsanaya.

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: