SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasaarada Maaliyadda Oo Degmooyinka Magaalada Hargeysa Ka Bilawday Olole Cashuur Ururin Ah

    Posted by Sawnews.tk on November 17, 2009

    “Waxaan jeclaan Lahaa in Maxamed Xaashi uu  Noo Fadhiisto Cashuurta Xoolaha iyo Haamaha shiidaalka Berbera oo uu Xisaabiyo” Wasiirka Maaliyadda.
    Hargeysa(Sawnews) Nov.17, 2009 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa maanta  shaaca ka qaaday olole cashuur ururin ah oo ay Isniintii ka bilaabeen shanta degmo ee magaalada Hargeysa oo ay ku ururinayaan cashuurihii baaqday.
    Wasiirka Maaliyadu wuxuu sidaasi kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.
    Md. Cawil oo tafaasiil ka bixinayay kaalinta cashuuruhu kaga jiraan dhismaha dawladnimada, wuxuu yidhi “Sidaad ka warqabtaan ammaanka iyo nabadgelyada aynu haysano sababta ugu weyni waa dawladnimadeena dawladi meel ay jirto ammaan baa jira. Dawladu waxba ma qaban karto haddii aanay cashuur ururin oo dawladnimada saldhigeedu waa cashuurtaas ummaddu bixinayso ee dawladnimadeena lagu wado. Ictiraaf ma haysano hal shilin oo mucaawimo ah ma helo waxaynu halkan ku soo gaadhnay dhabar adayg iyo cashuur teena oo aan dadkeena ka urursano oo dawladnimadeena ku wadno.”
    Wasiirka maaliyadu wuxuu sheegay in dawladnimada Somaliland ay balaadhatay isaguna uu kordhiyay dakhligii, waxaanu yidhi “Dawladnimadii oo balaadhatay markii 2003-dii madaxweynuhu ii magacaabay wasiirka maaliyadda miisaaniyaddeenu 79 bilyan oo shilin buu ahaa imikana 300 oo bilyan ayaanu soo gaadhsiinay, haddana dawladnimadii ayaa ka balaadhatay, ciidamaddii ayaa shan jibaar kordhay waxay noqotay in mar walba dakhliga ku soo galayaa uu dabooli waayo dawladnimada balaadhanaysa ee aan halkeedii taagnayn, taasi waxay keenaysaa in sidii caadada noo ahaan jirtay sanadka dhammaadkiisa in aanu olole samayno wixii cashuur ah ee baaqday aanu ka daba tagno oo dadka baraarujino inay cashuurta bixiyaan.
    Qofkii cashuurta bixiya lama ganaaxo laakiin kii bixin waaya sida sharcigu sheegayo ganaax buu leeyahay. Markaa ololahaasi ayaanu qaadaynaa waanu ogsoon nahay meelaha cashuurtu nagaga maqan tahay dawladaha waaweyn ee Afrikaanka ahi dawladnimada sidaynu u wadno iyo duruufaha aynu ku jirno maalin kumay jiri kareen oo ay may xamileen waayo miisaaniyadoodii ayaa 40% la kabayaa oo kaash loo siiyaa madaaro iyo wadooyin cusub ayaa inta loo dhiso furaha loo dhiibaa.”
    Md. Cawil wuxuu soo dhaweeyay tallaabada xukuumada Sucuudigu ay xayiraadii kaga qaaday xoolihii, waxaanu xusay in xoolaha nooli la mid yihiin baatroolka oo kale. Waxaanu ku dooday in nolosha shacbigu ay fududaan doonto.
    Wasiirka maaliyadu wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan haddii xildhibaanada golaha wakiiladu ay wax ka weydiiyaan wasaaradda dakhliga dalka, waxaanu yidhi “Xildhibaanada golaha wakiilada dhawr jeer oo ay dakhliga ina soo galana weydiiyeen waxaan ku idhi waxaanu idinka codsanaynaa in aad noo timaadaan oo Berbera fadhiisataan oo maalin walba dakhliga ina soo gala ogaataan ee xildhibaanada soo xusha waliba kuwiina idiinku fog, waa dakhli ummaddeed oo waa la wada leeyahay xildhibaanadii hore aan ugu casuumay inay fadhiistaan Berbera, oo ay cashuuraha xoolaha inaga soo galaya ay qoraan tii haamaha shidaalka inay sidaasi oo kale xildhibaanadu fadhiistaan.
    Waxaan jeclaan lahaa Maxamed Xaashi haddii uu iga yeelayo inuu noo fadhiisto cashuuraha xoolaha iyo haamaha shidaalka waan jeclahay oo uu xisaabiyo.
    Haddii saxaafadu tidhaahdo maalin walba waxa idin soo gala cashuure noo sheega culays naguma hayso, waxaan saxaafada ka codsanayaa inaynu wada shaqayno oo aad ummadda bixinta cashuuraha ku wacyigelisaan, saxaafadu waxaad noqoteen dawlad culus oo qarsoon waxaan jeclaan lahaa markaad war maqashaan in aad na weydiisaan oo aad tidhaahdaan waxaasi ayaanu maqalay ee maxaa ka jira.”
    Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada Axmed Daa’uud Geedi, oo shirkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay qaabka uu u socdo ololaha cashuur ururinta ee ay isniintii ka bilaabeen shanta degmo ee magaalada Hargeysa.
    Agaasimuhu wuxuu sheegay in ololahan cashuur ururinta inuu inta Hargeysa ay fulinaayaan 64 qof oo isugu jira shaqaale iyo booliis.
    Axmed Daa’uud wuxuu intaas ku daray in gobolada kale ee dalkana ay u diri doonaan laba kooxood oo ololahan ka fulin doona barriga iyo galbeedka dalka.
    Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa sheegay in cashuuraha dalku yihiin waxa dawladnimada iyo adeegyada bulshadu ku socdaan.
    Waxaanu ganacsatada iyo dadweynaha ka dalbaday inay iska xilsaaraan bixinta cashuuraha.
    Intaas ka dib waxa wasiirka la weydiiyay su’aalo u dhacay sidan:
    S: Wasiir waxa la sheegaa in aad dadka dan yarta ah sidii la rabay cashuuraha ugu qaadaan oo ay u soo xareeyaan, hase yeeshee tijaarta iyo shirkadaha waaweyn aydaan ka wada qaadin cashuurihii ku waajibay ma noo sheegi kartaa shirkadaha aad ku leedihiin cashuurta ee idin sagsaaga?
    J: Cashuurta danyarta iyo tijaarta waaweyn waanu ka qaadnaa, way dhici kartaa tijaarta waaweyn sidii aanu wax uga qaadaynay inay meelaha qaarkood naga qarsoonaato.
    Ninka dan yarta ah meel baad ugu soo hagaagaysaa laakiin ninka balaadhan kun laamood ayuu leeyahay. Tijaarta wax baanu ka qaadnaa aanaan hore uga qaadi jirin. Waxa dhici doonta in cashuuro ummaddu leedahay aanay cidna ku baaqan.
    Waxaanu leenahay waxaanu cashuur ururinta u wadnaa si aan caadi ahayn. Waxa keliya oo og siday cashuuruhu u socdaan qof subax lagu kalahay oo laga qaaday. Meelo badan oo muhiim ah oo cashuuro nagaga baaqdeen way jiraan.
    S: Shaqaalahan cashuuraha ururinaya ololahiinan ma u tababaran yihiin xirfad ahaan?
    J: Agaasimaha guud: Shaqaaluhu way u tababaran yihiin tusaale ahaan shanta degmo ee Hargeysa shaqaale ayaa hore noogu joogay kuwii hore iyo shaqaalihii xarunta wasaaradda joogay ayaanu ku xoojinay

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: