SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Badhasaabkii Gobolka Salal Oo Geeriyooyday Iyo Dhambaalada Tacsida ah Ee Xukuumada Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on November 17, 2009

     Hargeysa(Sawnews) Nov. 17, 2009 – Alle ha u naxariistee waxa xalay abaaro 3:00 habeenimo ku geeriyooday cisbitaalka Milatariga ee Jabuuti, Badhasaabkii Gobolka Cusub ee Salal, Marxuum Cawaale Cismaan xasan. oo muddo dhawr maalmood ah cisbitaalkaasi ku jiray ka dib markii loo geeyay xaalad caafimaad.

    Marxuum- Cawaale Cismaan Xasan waxa maalinta barri ee Khamiista lagu aasi doonaa magaalada Saylac ee gobolka Salal, waxaana ka qeyb geli doona masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, Goleyaasha qaranka iyo saraakiil ka socda dawlada Jamhuuriyada Jabuuti.

    Marxuumka waxa la sheegay inuu u geeriyooday xanuunka Xiiqda oo hayay muddo.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa maanta u ambo baxay Magaalada Saylac halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono aaska Badhasaabkii Gobolka Salal, waxaanu Wasiirku Dhambaal Tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay masuulkaasi.

    Dhinaca Kalena Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhambaal Tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu uga tacsiyadeeyay geerida Badhasaabkii Gobolka Salal Cawaale Cismaan Xasan, waxaanu ilaahay uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: