SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Markab Sucuudiga U Qaadi Doona Xoolo Tiradoodu Gaadhayso 213,000 Neef Oo Adhiya Ayaa Maanta Ka Shiraacan Doona Dekeda Berbera

    Posted by Sawnews.tk on November 16, 2009

    berbera

    Berbera Port

    Berbera(Sawnews) Nov. 16, 2009 – Sagaal sanadood ka dib xayiraadii uu saaray Sucuudigu xoolaha Soomaalida ayaa markabkii ugu horeeyay ee xoolo u kala qaada dekadda Berbera iyo dalka Sucuudiga la filayaa inuu maanta ka shiraacdo dekada Berbera oo xalay ay ka bilaabatay rarka xoolo tiradooda lagu qiyaasay 213000 (laba boqol iyo saddex iyo toban kun oo neef oo adhiya), markabkaas oo ah nooca qaada mubaashiga ayaa magaciisa la yidhaa Beder 3, ayaa ah markabkii ugu muga weynaa ee xoolo ka qaada dekada Berbera, iyadoo xoolaha markabkaasi qaadayo uu leeyahay ganacadaha weyne ee u dhashay dalka Sucuudiga Sulaymaan Al-jabiri ayaa la filayaa in rarkiisu u socon doono ilaa dhawr iyo labaatanka saacadood ee soo socda.

    Adhiga uu markabkani qaadi doono ayaa is haysta ilaa salaanka markabka ilaa iyo maxjarka caafimaadka xoolaha ee laga hirgeliyey magaalada Berbera ayaa Xilligan oo lagu jiro wakhtiyadii ay ugu socodka badnaayeen xoolaha ka dhoofaya dekadda Berbera ee bilaha Carafa ee xajka lagu jiro ayaa magaalada berbera ay aad u camiran tahay gaadiid sida xoolo oo ka imanaya deegaanada dalka iyo guud ahaanba Somalia.

    Sidoo kale iyaguna waxa u diyaar ah weelal kale oo sugaya xoolo ay u qaadaan wadamada khaliijka, taasoo Berbera ay dhex socdaan dadweyne farabadan oo nolol maalmeedkoodu ku xidhan yahay xoolaha oo dhaqdhaqaaq shaqo laga dareemayo.

    Waxa sidoo kale xoog loo adkeeyay amaanka dekadda ilaa Maxjarka magaalada Berbera, oo ay ciidamadu gaaf wareegayaan lug iyo gaadiidba. 

    Waxa iyaguna dekadda Berbera ku sugan wasiirka xanaanada xoolaha Dr Idiris Ibraahin Cabdi iyo maareeyaha dekadda Berbera Cali Maxamed Cumar (Cali xoor-xoor) kuwaas oo la sheegay inay ilaa xalay ku mashquulsanaayeen hawsha lagu daabulayo rarka xoolaha.

    Xoolahan ayaa dalka kaga baxaya shahaadada caafimaadka oo laga bixiyey maxjarka caafimaadka xoolaha ee ganacsade Al-jabiri ka hirgeliyay magaalada berbera oo noqnaya shahaadada caalamiga ah ee xoolahu ugu dambaysta kaga dhoofaan dekadda Berbera.

    Waxa kale oo wakhtigan xaadirka ah maxjarka caafimaadka xoolaha ku sugan xoolo uu leeyahay ganacsade Abu-Yasir iyo ganacsadayaal kale oo carbeed oo hada ku diyaara maxjarka iyo xeryaha nasiimada iyo xeryaha daaqsiinta Berbera, kuwaas oo ay hoganayaan xoolaha moosinka Xajka ee magaalada Berbera ay caanka ku ahayd bilaha Carafa ee marinka xoolaha Soomaalida.

      Waxa iyaguna afar iyo labaatanka saacadood diyaara islamarkaana heegan ah oo shaqo xawliya ay ka wadaan halkaasi ilaa 100 ka mid ah dhakhaatiirta wasaarada xanaanada xoolaha iyo kuwo ajnebi ah, kuwaas oo ku hawlan sugida iyo hubinta caafimaadka xoolaha laga dhoofinayo dekadda Berbera.

    Source: Haatuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: