SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cusbitaalka Manhal iyo Tababar Ku Saabsan Ultrasoundka oo Kulmiyey Dhakhaatiir iyo Ardayda Caafimaadka Gobollada Somaliland.

    Posted by Sawnews.tk on November 16, 2009

    Hargeysa(Sawnews) Nov.15, 2009 – Waxaa markii ugu horraysay Somaliland lagu qabtay Tababar la xidhiidha Mishiinka lagu baadho Uurku jirta (Ultrasound-ka) oo uu bixiyey mid ka mida tobanka nin ee dunida ugu sarreeya Ultrasound, ama mishiinka lagu baadho uurku-jirta. Professor Dr. Syed Gillani wuxuu u dhashay dalka Pakistan inkasta oo uu takhasusaaska PHD-da oo tira badan ka kala diyaariyey jaamacado ku kala yaal Yurub, Canada, Sudan iyo dalkiisa Pakistan, waana markii ugu horraysay ee uu yimaaddo Somaliland.

     

    Tababarkan oo socday muddo laba casho ah oo uu furay Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Somaliland Axmed Cali Shire waxaa ka soo qayb galay dhakhaatiir iyo Ardayda Kuliyadaha Caafimaadka oo tiradoodu gaadhayso 60 oo ka kala yimi gobollada iyo jaamacadaha kala geddisan ee Somaliland iyo xataa Magaalada Muqdisho. Tan iyo intii uu socday aqoon isweydaarsigan uu soo qabanqaabiyey Cusbitaalka Manhal Specialty Hospital waxaa Professor Dr. Syed Gillani u soo bandhigay ka soo qayb galayaashii aqoon korodhsigan casharo badan oo muhiima oo la xidhiidha horumarka laga gaadhay qalabka baadhista uur-ku-jirta (Ultrasound).

     

    Aqoon isweydaarsigan uu soo qabanqaabiyey Cusbitaalka Manhal Specialty Hospital ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Somaliland laga hirgeliyo. Waxaana shahaadooyin la guddoonsiiyey dhamaan dadkii ka qayb galay aqoon korodhsigan soconayey muddada labada casho ah.

     

    Professor Dr. Syed Gillani ayaa madax ka ah ururka Afro-Asian Training Centre for Medical Science, ururkan iyo Cusbitaalka Manhal ayaa kala saxiixday heshiis gundhiggiisu yahay in Ururka Afro-Asian Training Center uu Somaliland ka hirgeliyo machad lagu barto Culuumta Ultrasound. kaas oo marka uu dhammaado noqonaya kan qudha ee noociisa ah ee ku Yaalla Geeska Afrika.

     

     

     

    Source Ramaasnews

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: