SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maayarka Boorama iyo Agaasimaha Waraaradda Arrimaha Gudaha oo Maanta Furey Jidad Laga Beenayey Xaafadaha Magaalada Qaarkood

    Posted by Sawnews.tk on November 15, 2009

    Boorama (Sawnews) – Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha, Yuusf Maxamed Ducaale iyo maayarka Boorama, C/raxamaan Shide Bile, ayaa maanta tababarro u furay maamulayaasha G/degaanka Boorama. Waxa kale oo fureen jidad laga banneeyey xaafadaha magaalada magaalada qaarkood. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gudaha o maanta booqasho hawleed ku yimi magaalada, ayaa sidoo kale soo kormeeraya mashaariic dhawr ah oo la xidhiidha dhinaca adeegyada dadweynaha.

    Aagaasimaha Guud oo xarunta dawladda Hoose kula hadlayeay hawlwadenada loo furay aqoonkorodhsi ku saabsan xaallainta kahilaafaadka dhulka, ayaa sheegay in tababarkan oo kale isla maanta ka bilawday magaalooyinka Oodweyne, Sheekh iyo Burco.

    Tababaradaasi oo daba socda mashaariicda loo yaqaan JPLG ee ay dalka ka wadaan shan hay’adood oo caalami ah iyo wasaaradda arrimaha agudaha oo adeegsanaysa golayaasha degaanka ee dalka. Waxana uu agaasimuhu sheegay in mashaariicdan JPLG oo ay hay’adahaasi ku bixinayaan dhaqaale, durba ay ka faa’iideysteen golayaasha degaanka ee dalka Qaarkood, isla markaana la filyo in la gaadhsiiyo inta hadhay.

    Maayarka Boorama, C/raxmaan shide bile, oo isna la hadlay hawlwadeenada golahaasi ayaa sidoo kale ka warramnay waxa kasoo kordhay mashaariicdaasi ee dadweynaha danta u ah, isagoo sheegay in mashaariicdan oo tijaabao ahaa markii hore haatan si dhab loogu tallabsan doono.

    Maayarka iyo agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xaafadaha magaalada ka furay jidad laga banneeyey si ay dadweynaha iyo gaadiidkaba ugu fududaato adeegyada magaalada dhexdeeda.

    Waxa kale oo ay soo eegeen meesha laga dhisayo sariibadda casriga ee ku taalla degaanka Dooxa dhammuug, iyaga oo sheegaay in qandaraaskii hawshaasi lagau bilaabia lahaa durba la siiyey ganacsato iyo shirkado  dhaqaajiya dhismaha sariibaddan, oo ay ku abixi doonto ku dhawaad  boqolkun oo doolar.

    Maxamed Cumar – Hyena

     Boorama, Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: