SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudiyo Ka Kala Socday Beelaha Sacad Muuse Iyo Makaahiil, oo Ku Guuldaraystay Inay Xal Ka Gaadhaan Xiisadda Ka Taagan Ceel-Bardaale

    Posted by Sawnews.tk on November 15, 2009

    Boorama (Sawnews) – Ergooyin ka kala socdaya beelaha Sacad Muuse (Isaaq) iyo Makaahiil (Samaroon) oo dhawaanta isku dayey inay dhaqaajiyaan waanwaan la doonayey in mar kale nabad lagu soo celiyo degaanka Ceelberdaale, ayaa ku guuldarraysatay ka dib markii labada dhinacba isla  keeni waayeen sidii loo geli lahaa arrintaasi oo Soomaaliland welwel ku haysa. Sida ay sheegeyaan warar xogogaal ah oo laga helay labada dhinac, ayaa sheegeya in waanwaantani fashilantay ka dib markii la isku afgaran waayeuy qaabkii loo waajihi lahaa, isla markaana loo dhigi lahaa ajendaha lagau geli doono waanwaantaasi.

    Sida wararku sheegeyaan, labada dhinac ee isku haya degaanka Ceelberdaale oo ka maqnaa labada dhinac ama ergooyinka laga kala magacaabay Hargeysa iyo Boorama, ayaa waxa fashiliyey shruudaha ad-adag ee labada dhinac soo bandhigeen in laga wada hadlo, kuwaasoo u cuntami waayey amam labada dhinacba ku qanci waayeen.

    Dhinaca ergeda Boorama, ayaa la sheegayaa inay soo qaddimeen laba arrimood oo ay beelaha Sacad Muuse liqi waayeen, halka beesha Gebileyna laba arrimood ka saartay ajnedahaasi in laga wada hadlo.

    Waa tan koowaade sida wararku sheegeyaan waxay ergeda Makaahiil soo qaddimeen in la helo ragii  falka jidgooyada ahaa ka geystay kalabaydh, isla markaana la tixgeliyo xadayntii gumaysigii Ingiriisku u kala sameeyey Beelaha Gebilay iyo Boorama, halka beesha Gebilayna gaashaanka ku dhufteen in lasoo hadalqaado raggii falka jidgooyada ahaa geystay iyo qodobka labaad oo ahaa inaana la tixgelin xadkii gumaysigii Ingiriiska ka tegay.

    Inkastoo aanay labada dhinac (Sacad Muuse iyo Makaahiil) midkoodna ka hadal waanwaantaasi, waxase la ogyahaya in xiisadda ka taagan degaanka Ceelbardaale in ay weli sii xoogeysanayso  colaaddaasi, isla markaana maleesiyo beeleedka isku horfadhiya Ceelberdaale mid kastaaba hubka u urusanayso.

    Arrimaha dhawaanta ka dhacayey Bariga Soomaaliland iyo tan Ceelberdaale, ayaa bilowgii bishan ahaa meelaha  ay ku yaallan boogaha Soomaaliland u dhiman karaysay, balse boogta bariga ayaa waxa daawo u helay masuulyiinta xukuumadda madaxweyne Rayaale, isla markaana soo xerogeliyey wadaadadii ciidamada qaraanku u taagwaayeen soo qabashadooda.

    Maxamed Cumar – Hyena

    Harowo.com, Boorama, Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: