SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • XUKUMADA SOMALILAND WAY KARTAA DHULKA REER AWDAL INAY U QAYBISO CIISE IYO ISAAQ MASE KARTO INAY SOO QABATO KUWII HALDOORKA REER AWDAL HILIBKODA WADHAY KALABAYDHKA MIYAA??

    Posted by Sawnews.tk on November 14, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwriten Bani Aadamka hadii caqligoodu shaqayn waayo oo aay ku kala garan wayaan xaqa iyo baadilka waxay noqdaan xawayan (Nimcoolay),  waayo horaybaa waxaa loo yidhi dadka Eebahay waxuu caqliga deeqda ugu siiyay waa inay dantoodiyo gartaan dawgii nololeede,  Bani Aadamku waxuu xawayaanka kaga gadisanyahay waa caqliga iyo maskaxda caqligu waxuu saxaa adamuhu marka uu qalad ku jiro, caqligu waxuu adamaha tusaa waxa dantiisa ah iyo halista soo food sari karta haddii uu dariiqa qaldan ee uu qaaday ku sii socdo.  Caqligu waa hagaha adamaha ee uu adeegsado inta uu noolyahay ee uu ku mareeyo noloshiisa aduunka.

     Laguma arag umad aqoonleh oo hadana garanwayay inay mareeyaan danahooda bulsho maxaliyan iyo mandaqiyanba,  marka lagareebo reer Awdal oo iyaga caqligii iyo aqoontii Raxmaanku kumanaystay ee aay ku tuhmaysay bulshada Geeska Afrika uu iyaga waxba uqaban waayay,  aqoonta bulshada Awdal marka loo eego madaqada Geeska Afrika wax waybay katartay oo waxay ka fulisay mashariic wax ku ool ah,  lakiin hoygii aqoonta ee gobalka Awdal waxuu noqday mid cilmigii iyo aqoontii taalay aanay waxba u qaban,  marka laga reebo labada dayax ee hogamiya labada Jamacaddood waa Camuud University iyo Eelo American University oo iyagana dhalinyartii kasoo baxday qaybna kaluunku kucunay bada u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaniga,   qaybtii kalina ay dalalka jaarka qaxooti ku yihiin sida Itobiya Djibouti iyo inyar oo inamo yaryar oo reer Hargaysa ahi maqaawil ku qateen sida Bangaladheshka oo Hargaysa mishaaro yar kaga shaqaysa.

     Halaga iyo hadimadaa uu dalka iyo dadkuba marayaayi mahinmid la inagu galiyay cudud mulatari ee waa mid aan inagu isu horseednay oo aay inoo hogaamiyeen saladiinteena iyo siyasiyiinteena lijonerka ahi ee calooshood ushaqaysta yasha ahi.  Saladiinta iyo siyasiyinteenu waxay cagta inoo sareen dariiqa halaaga iyo dabargo’a waxay qoorta inoo sudheeg kuusha geerida dhiig madoobe rag waxla dhaafsadaa majiro saladiintenu iyo siyasiyiintenu waa kuwa inoo horseeday in lawaayo laba isla soo qaada hurmuudkii iyo aqoonyahankii gobolka (Cali Maxamud Nuur Cali bagashle ,Daauud Xaashi Jamac ,Mawliid Xasan Cumar Iyo Cali Aw Cumar Bare ,oo si badheedh ah nolosha loogu silciyay oo dawlad ku sheega Somaliland ay inoo keentay hilibkooda oo kiishash kujira inaynu kadiiri waynaa oo aaynu maanta iloownaa sidaana kaga aamusnaa oo UDUB,UCID,iyo KULMIYE kashaykaynaa samaroonow ma sharafbay iniitahay??

    Gabagabadii dawlada Somaliland way awoodaa in dhulka beesha samaroon aay uqaybiso Isaaq iyo Ciise ee ma awoodo inay gacanta kusoo dhigto gacan ku dhiiglayashii gaystay xasuuqa foosha xun ee aanan marnaba iloobi doonin aniga iyo intanala dhiiga iyo damiirka iyo dareenka ihi,  xeerka Somaliland waaka awooda u siiyay wiilka Ciise ee C/risaaq Wabari Rooble inuu u yeedho nin ay 1988 isu abtirsiin noqdeen oo uu yidhaa kalay ka qado badhkaga dhulka bilaa dadka ah ee lahelay qarniga 21 aad, waliba meesha ugu istaratijisan haddii bari aay is difaac magan si aad uga go’odoomiso xaga bada,  caqliga samaroon waa dareema cunufka dhexyaal ee madareemo cadowga ku maqan

     by Farhan Aadan Warsame

    adwarsam1@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: