SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Dalxiiska oo Sheegay Inay Ganacsato Wadani Ah Ay Maagelin Horumarineed Ku Samaynayaan Jasiirada Sacaadadiin.

    Posted by Sawnews.tk on November 14, 2009

    wasiirka-dalxiiska Hargeysa – Wasiirka wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka C/risaaq Waaberi Rooble ayaa sheegay inaanay xukuumada Somaliland cidna ka iibin lana iibin karin jasiirada Sacaadadin ee xeebta galbeed ku taala. Warsaxaafadeed ku saabsan amuurtaas oo uu wasiirka dalxiiska iyo dhaqanku shalay soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay inuu been abuur yahay warka ku soo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii 10/11/2009, kuna saabsanaa, in wasaarada dalxiiska iyo dhaqanku ay iibisay dhul ku yaala jasiirada Sacaadadiin kana iibisay dad ganacsato reer Jabuuti.

    Warkaas oo uu ku sheegay inuu yahay mid aan jirin oo been ah, iyadoo uu wasiirku warkaa ku ku tilmaamay inaanu sidaa ahayn, balse uu yahay, in jasiirada Sacaadadiin ay maalgalin ku samaysanayaan ganacasato reer Somaliland ah oo kala ah C/qaadir Xaashi Cilmi iyo Maxamed aw Siciid Geedi, iyadoo wasaarada iyo ganacsatadaasi ay beryahanba  ka wada shaqaynayeen sidii kobcin iyo horumarin loogu samayn lahaa goobaha dalxiiska ee dalka islamarkaana ay ganacsatadani maalgashi ku samaysanayaan Jasiiradaasi, isagoo si gaara carabka ugu dhuftay ganacsade Maxamed Aw Siciid inuu maalgashi ku samaysanayo jasiirada Sacaada-Diin.

    Warsaxaafdeedkuna isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

    “Tixraac maqaalka Haatuf ee cadadkiisii shalay (doraad) ee taariikhduna ahayd 10/11/2009 kuna saabsanaa in ay wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka ay iibisay dhul ku yaala Jasiirada Sacaada-Diin kana iibisay ganacsato reer Jabuuti ah.

    Hadaba waxa ay wasaarada dalxiska iyo dhaqanku cambaaraynaysaa been abuurka ay u badheedhay jariirada Haatuf waxaanu cadaynaynaa inaan waxba ka jirin iibkaas jasiirada Sacaada-Diin lana iibin Karin, balse ay wasaaraddan dalxiiska iyo dhaqanku ay beryahaaba ku hawlanayd kobcinta iyo horumarinta goobaha dalxiiska ee dalkeena Eebe ku manaystay, iyada oo sida uu qabo dastuurkeenu ay wasaaradu la yeelatay wada shaqayn maalqabeeno reer Somaliland ah in ay maalgelin ku samaystaan goobaha dalxiiska, kuwaas oo ay ka mid yihiin C/qaadir Xaashi Cilmi iyo Maxamed Aw Siciid Geedi, iyadoo waliba uu maalgashade Maxamed Aw Sicid uu nagu soo kordhiyey fikradaas ku jihaysan in si degdeg ah looga midho dhaliyo horumarinta dalxiiska ee jasiirada Sacaada-Diin.

    Sidaa awgeedna aan wasiir ahaan ku soo maray kormeer jasiirada Sacaada-Diin, islamarkaana ay qorshe isla soo meel dhigeen Maxamed Aw Siciid Geedi in uu maalgaliyo.

    Hadaba waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegaynaa in u maqaalkaas Jariirada Haatuf yahay mid been abuur ah laguna kicinayo shacbigeena, waxaan uga digayaa in ay ka foojignaadaan falalka noocaas ah.”

    Source: Haatuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: