SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • MAXAA SABABAY DIB U DHACA BULSHADA AWDAL/SALAL By:Khaalid Xasan Aloore

    Posted by Sawnews.tk on November 14, 2009

    hand writingKa hor intaanan u guda galin maqaalkaygan ayaa waxan boorrinayaa  akhristayaashayda aan ugu tala galay inay akhristaan fikradahan aan halkan ku soo taxayo  qodobadan hoos ku qoran :
     
      1- Wadaninimada afraadu  waa shayga u horreeya ee ay bulsho awood ku yeelan karto
     
      2- maslaxada shaqsiga ama qayb yar o bulshada ka mid ahi markay ka hor marto danta guud waa astaanta u wayn ee tilmaamaysa  burburka bulsho ee ay ku sugantahay bulshadaasi
     
      3- in la difaaco  dhulka , dhiigga iyo karaamada bulshadu waa waajib saaran qof kasta oo bulshada ka mid ah
     
      4- waa inaynu isku canaananaa si adag laakiin maaha inaynu quusano aynuna ogaanaa in cudur kastaayi leeyahay daawo lagaga bogsado iyo waqti  laga caafimaado  waa haddii lagu dadaalo sidii la iskaga daawayn lahaa e 
     

    Waxaa mar walba an is waydiiyaa horta hadafkeenu muxuu yahay awoodse inte leeg ayaynu u leenahay oo aynu  ku gaadhi karno hadafkeena iyo ujeedooyinkeena. Mase yahay hadafkeenu mid cad oo aan qarsoonayn. jawaabtuna waxay tahay wuu cad yahay hadafkeenu oo waxaa taas kaaga jawaabi kara qof kasta oo bulshada ka mid ah . tusaale ahaan hadaad waydiiso qof yar ama qof wayn oo u dhashay gobolada Awdal iyo Salal waxa aynu doonayno wuxu markaaba so qadimayaa:  siyaasad madax banaan iyo talada oo an miisaankayaga ku lahaano iyadoon la inagu dulmin – dhaqaale madax banaan  o an yeelano iyado lo marayo dakada Saylac oo la dhiso –  wadooyinka gobolka o la sameeyo  iwm.   hadaba hadii uu yahay kaasi hadafka guud ee – ha qornaado ama yuusan qornaan e-  uu tiigsanayo shaqsi kasta oo ree Awdal/Salal ahi maxaynu u gaadhi waynay hadafkeena maxaase inaga hor taagan inaynu gaadhno hadafkeena.
     
          Hawl kasta oo uu bani aadamku ku kaco inuu qabto ayaa waxa shuruud u ah laba shay oo kala ah inuu marka hore qofku doonayo inuu sameeyo oo ay ka go’antahay iyo awood inuu u leeyahay inuu shaygaa samayn karo. Hadaba inagu awood intee leeg ayaynu u leenahay inaynu gaadhi karno hadafkeena. waxan ku egayna jawabta inan bal horta tilmaanno maxaa bulsho ka dhigi kara mid kor u kacda amaba se hoos u ridi karta inagoo ku bilaabayna sida tan:
     
       #  In la xaqiijiyo danta guud ee bulshada oo laga dhigo hadafka ugu horreeya ee afraada bulshada ayaa waxa ay ka dhigtaa bulshada mid xoogan   waana mida aynu ku meel mari karno ama aynu meel ku gaadhi karno  hadii taasi la waayana waxa  lumaya  miisaankii iyo karaamadii aynu ku lahayn bulshooyinka kale ee aynu dariska la nahay amaba wada noolnahay.
     
      # kor u kaca bulsho wuxu ku tiirsanyahay awoodaha ilaahay siiyay ee dabiiciga ah oo ay u isticmaasho sidii ay   ugu difaaci lahayd danteeda guud. awoodahaasina waxa ka mida
     
     – awooda dabiiciga ah : sida mandaqada juquraafi ahaan ay dagto bulshadu , tirada dadka  iyo ilaha dhaqaale ee ay leedahay bulshadu sida dakadaha , beeraha , xoolaha iwm.  bulshada awdal/salal wuxu ilaahay ku deeqay mandiqo istaraatiiji ah oo u dhaxaysa sadex dal iyadoo tiro ahaana ah bulsho balaadhan oo pobulashan ahaan aad u badan.
     
     – awooda bulshada (social power) : Taasina waa awoodaha dhaqaale , milatari  iyo siyaasadeed e ay bulshadaasi leedahay. dhaqaalaha bulshada awdal/salal waxa u ku tirsanyahay khayradka dabiciga ah sida kaluunka , beeraha, iyo biyaha oo la odhan karo waa dhulka u biyo badan deegaanada soomaalidu dagto oo dhan. dhinacyada siyaasada iyo milatariga o inta badan isku xidhan ayaa la odhan karaa wa dhinacyo liita oo u baahan in la xoojiyo.
     
     –  awooda cilmiga iyo tiknolojiga : oo tilmaamaysa  cilmiga ay leyihiin afraada bulshadu iyo teknolojiyada ay haystan. waxaaban odhan karnaa  waxaynu nahay dadka ugu horeeya dhinaca cilmiga iyo horumarka caafimaadka ee bulshooyinka inagu xeeran.
     
     –  awooda nafsaaniga ah (phycological power) : waana tan ugu muhiimsan intaa awoodood ee aynu soo sheegnay oo dhan waana rabitaanka bulshada iyo sida ay  niyadda ugu hayso inay horumarto. Bulshada Awdal/Salal waa bulsho rabitaan xoogan le oo hadafkooguna yahay kan ugu sareeya bini aadamnimada oo ku dhisan waxna ha dulmiyin adigana yaan lagu dulmiyin. laakiin  dareenka dadka iyo macnawiyaadka dadka ayaad moodaa mid muujinaya inay dad badani ka taagan yihiin quus in wax la hagaajin karo taasi oo ay ugu wacantahay ku takrifalka ay ku takrifaleen masuuliyiintoodii iyo madaxdii  ay doorteen oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha haatan ee daahir rayaale kaahin. waxana loo baahanyahay sidii kor loogu qaadi lahaa nafsiyaadka shacabka miskiķnka ah ee la dulmay. 
     
          Bulsho waynta Awdal/salal waxa ay is waydiiyaan waa  halkee halka ay sartu ka qudhunsantahay  ee ay wax ka hagaagi laayihiin amaba keenay dib u dhaca. waxay ku waa bariistaan maalin kastaba war xun oo  taabanaya sharaftooda iyo karaamadooda.  maanta dad ayaa la xasuuqay.. maantana dhul ayaa la boobay…  iwm.
     
           waagii baryaba war xunbaan maqlaa
             weerar iyo colaad kii hore ka wayn
     
      isku soo wada duuduuboo aniga waxay ila tahay waxa dib inoo dhigay waa inaynu ku sifawnay astaamaha lagu garto bulsho marka ay hoos u sii socoto  oo ah :
     
      1- Marka ay ku mashquusho bulshadu khilaafaadka dhexdeeda.. taasina waxa tusaale inaga inooga ah sidan loo kala jajabay ee xisbi xisbi iyo siyaasad xummadu inoo kala firdhisay
     
      2- marka ay u kici waydo danteeda guud ee  ay u difaaci lahayd karaamadeeda ee qof kastaa ku  mashquulo  dantiisa  gaarka ah  isagoon danaynayn danta guud. taasina waa tan laf dhabarka ina jabisay ee qof walba intuu gurigiisa hoosta ka galay uun uu leeyahay maxaa sidaa loo samayn waayay isagoo eeda saaraya cid kale
     
     3- danta gaarka ah oo noqotay mid ka hor marsan danta guud taasina waxan ka tilmaami lahaa sida madaxda siyaasadeed ama dhaqameed ee aynu leenahay ay  dantooda uga hor marinayaan bulshada ay matalaan oo ah mid iska cad oon u baahnayn in la sharaxo 
     
      4- marka ay u dhiidhiyi waydo bulshadu difaaca dhiigga afraada ee xaqdarrada  ku dhimanaaya , dhulkooga la boobayo  iyo karaamadooda dhulka la jiidayo. taasina waxa tusaale u ah  haldoorkii awdal  ee musaafirka ahaa ee iyagoon waxba galawsan hilibkoogii la wadhay ee ayna laba cali is waydiin illaa maalinkaa maanta ah.iyo waliba dhulkoogan la kala qaybiyay ee madaxda looga dhigay dad ka soo haajiray wadamo kale oo aynu daris nahay oo damac dhul balaadhsi  wado 
     
      5- inay lunto wadaninimadu ayaa iyadna ka mid ah waxyaabaha dib inoo dhigay.  wadaninimadu waa mid waajib ah inaynu ilaalino  una tuurno heeryada guudkeena saaran oo dibad iyo dalba  aaminnaa dhulkeena una halgamnaa dalkeenii iyo dadkeenii
     
                 alaa mahad leh 
     

                    sweden
              
        khaalid52@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: