SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Hawlaha Guud oo Ka Hadlay Labada Wadaad ee isa soo dhiibay

    Posted by Sawnews.tk on November 13, 2009

    Burco(Sawnews)-Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Siciid Sulub Maxamed oo ay wehelinayaan guddiga nabadgelyada gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay si deg-deg ah u soo gabo-gabaynayaan baadhis ay xukuumadu ku samaynayso  laba wadaad oo ka tirsan culimada gobolka Togdheer oo maanta Duhurkii isu soo dhiibay xarunta maamulka Togdheer

    Wasiirka ayaa sheegay in haddii waxba lagu waayo baadhista lagu wado labadan wadaad oo kala ah Siciid Axmed Jaar iyo Aadan Axmed Caare  in si dhakhso ah loogu soo celinayo Sharaftooda iyo karaamadooda hadii lagu helo wax danbiyana sharciga la marin-doono.

    Wasiirka ayaa sidaasi ku sheegay shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta maamulka gobolka Togdheer, kaas oo uu kaga hadlaayay isdhiibista ay dawlada isugu soo dhiibeen labadan wadaad waxyaabaha lagu xidhiidhinayo iyo xaalada amaanka gobolka Togdheer.

    “Waanu ku faraxsanahay sida sharafta leh ee ay labadan muwaadin iyadoon awood loo adeegsan oo xor ah ay dawlada isugu soo dhiibeen una ogolaadeen in danbiyada lagu eedaynaayo lagu sameeyo baadhis qaran. Sidaa darteed nimankaa baadhistooda waanu soo gabo-gabaynaynaa haddii wax lagu waayana xoriyadooda ayaanu u soo celinaynaa hadii lagu helo danbiyada lagu eedeyanayana sharciga ayaa la marinyaa.

    Waxaanu wasiirku intaa ku daray in ay labadan wadaad ku yimaadeen wadatashi uu sheegay in odayaasha magaaladu ay la sameeyeen labadan wadaad sidaa dareedna ay ka aqbaleen Odayaasha in ay isdhiibaan oo la baadho waxa lagu eedaynayo.

    Wasiirku waxa uu sheegay in ay Togdheer kaga fiican tahay gobolada qaar wadatashiga, isla markaana waxa uu u mahad celiyay Odayaasha, culimada Burco iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay arimaha labadan wadaad sidii loo soo afjari lahaa loona horgaynlahaa dawlada.

    Guddoomiyaha Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhagalaab oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay jireen dad badan oo buun-buuniyay arimaha labadan wadaad oo sheegay in ay Burco noqotay hoy Argagixiso, sidaa darteed waxa uu u soo jeediyay cid kasta oo arintaasi aaminsan in ay maanta cadaatay in aanay Burco noqonaynin waxaas ay sheegeen labadii wadaad ee la hadal hayana ay iyagu ogolaadeen in xabsiga la geeyo oo la baadho wixii lagu haysto.

    waxa iyana halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin iyo ku-xigeenkiisa Guuleed Daahir Samatar kuwaas oo ugu baaqay dadweynaha reer Burco in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka gacana ku siiyaan hawlaha ay fulinayaan.

    Ugu danbayntii Labadan wadaad ee maanta iyagu isu dhiibay xukuumada ayaa mid ka mid ah muddo laga joogo laba todobaad hawlgal ay ciidamada booliska Burco ay ku fuliyeen masaajid uu ku tukanaayay ayay usuur toobi wayday in ay qabtaan isla markaana hawlgalkaasi laba qof oo shacab ah ayay ku dhaawaceen Boolisku

    Source-Bnn-

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: