SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ururka Xaqsoor Iyo Wacyigalinta Tahriibta Ee Dugsiyada Sare Ee Borama

    Posted by Sawnews.tk on November 13, 2009

    News-and-EventsBorama-(Sawnews)-Mudo laba maalmood ka hor ayaa wacyi galin ku wajahan dhinaca dhibaatada tahriibta loo qabtay ardayda dugsiyada sare ee Aadan Isaaq iyo Alnuur. Barnaamijkan wacyi galinta oo ay wadaan gudoonka waxbarashada gobolka Awdal iyo ururka xaqsoor ayaa waxay ku mashquulsanaayeen maal mahanba siday ardayda dugsigayada sare uga dhaadhicin lahaayeen khasaarooyinka rafaadka tahriibtu ay leedahay .
    Hadaba dugsiga sare ee Ardaale ayaa manta xarunta iskuulkaasi ardayda dhigata loogu qabtay wacyi galin waxana lagu soo bandhigay film ka sheekaynaaya khasaaraha iyo faaiido la aanta iyo inay had iyo jeer ay keento haligaad iyo dhimasho iyadoo ardayda dugsigaasi intii ay film ka daawanayeen dareenkooda shucuureed is badalay isla markaana ku abuurtay nacayb iyo diidanaan ay kaga soo horjeedaan tahribta .

    Munaasibadaasina waxaa ka hadlay Agaasimaha Qorshaynta ee ururka Xaqsoor Maxamed Xuseen Carab waxaana uu sheegay inay wanaagsantahay in qofkasta oo dhalinyaro ah ay ku fiicantahay inuu aamino dalkiisa oo khayraad badani ka buuxo waxaana uu intaasi raaciyey inay ururkoodu la shaqeeyo nabad doonada kana hawlgalo xaga nabad galyada balse maanta ay kow ururka ay u tahay inay ka shaqeeyaan barnaamijka ololaha wacyi galinta ee tahriibta taasi oo uu cadeeyey in ay ku dhalisay dhibta iyo dhimashada soo gaadhaysa dhalinyarada ay uga qayb qaadanayaa xaga wacyi galinta dhalinyarada tahriibta dhibaatadeeda ka soo gaadhaysa waxaa kale oo uu sheegay in dugsiyada sare ee Boorama iyo Burco sobobta ay ugu horaysiiyeen in lagu qabto dugsiyadaasi ay yihin goobaha ugu badan ee dhalinyaradu ka tahriibto waxaana uu sheegay in barnaamijkan dhinaca maalgalinta ay ka caawinayaan haayada IOM.

    Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Rooble Xasan Wacays oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee dagmada Boorama waxaana uu aad uugu dheeraaday khasaaraha iyo guuldarada mar kasta ka soo gaadha dhalinyarada tahriibaysa taasi oo uu carabka uu ku dhuftay inayna waalidka iyo dadka waawayni raali ka ahayn in bukshada cid ka mid ah ay qarka iskaga tuurto iagoon ogayn waxa ay heli doonaan sidaa awgeed waxaa uu ugu baaqay inay ardaydu ay ka waantoobaan tahriibta .

    Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoobiye ku xigeenga Wax barashada Gobolka Awdal C/raxmaan Saleebaan Xasan wuxuuna u sheegay dhalinyarada inay haystaan nabad galyo isla markaasina Jaamacadihii ay wax ka baranlahaayeen ay ugu yaalaan guryahooda oo uu la jeeday magaalooyinka ay ku noolyihin wuxuuna u tilmaamay in dhalinyaro badan oo qayrkooda ay waalidkood iyo noloshoodiiba u seegeen tahriibta ay u socdaalayaan meel ayna aqoon iyo fikirba ay ka haysan.

    Ardaydu markii ay ka soo dareereen filmkii la daawad siinayey oo aan waraysi la yeshay qaar ka mid ah oo aan xusin magaceeda ayaa tibaaxay in tahriibtu ay tahay dhib loo badheedhaayo, halka qaar kalena ay cadeeyeen inay wakhtigay noqoto ha ku gaadhee mar uun ay ka tahriibayaan wadankan.

    Mudo sanad ka yar ayaa laga joogaa wakhtigii fariinta dhiilada xanbaarsanayd soo gadhay waalidiin ree Borama ah oo ka soo yeedhay .

    Source-Lughayanews-

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: