SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Magaalada Boorama isbitaalka lagu daaweeyo cudurka fistula ayaa qalliin loogu sameeyay dhowaan ilaa 120 dumar ah oo aan hore saxarada iyo kaadida ceshan kareyn

    Posted by Sawnews.tk on November 12, 2009

    Dr Qaws
    Agaasimaha cisbitaalkaasi Dr Ibraahim Saciid Qaws

    Magaalada Boorama isbitaalka lagu daaweeyo cudurka fistula ayaa qalliin loogu sameeyay dhowaan ilaa 120 dumar ah oo aan hore saxarada iyo kaadida ceshan kareyn.
    Isbitaalka Boorame

    Agaasimaha cisbitaalkaasi Dr Ibraahim Saciid Qaws ayaa BBC u sheegay in isbitaalku jiray hal sano oo uu yahay ka keli ah ee ku yaalla geeska Afrika dhulka Soomaalida.Wuxuu sheegay in ilaa 420 haween ah lagu qallay isbitaalka intii uu furnaa oo 99% ay ku guuleysteen qalliinkaasi.Dr Qaws wuxuu sheegay in isbitaalka lagu sameeyay dedaal qaaraan ay sameeyeen bulshada Somaliland oo lacag la’aan lagu daaweeyo dumarka dhibaateysan.Cudurka fistulla ayuu ku tilmaamay dhakhtarku ka ugu haliseysan cudurada dumarka. Wuxuu ka takooraa gabadha da’da yar bulshadii oo saxaradii iyo kaadidii ayaa iska soconeysa.Wuxuu kaloo sheegay inay tababareen dhakhaatiir badan si ay gobollada kale cudurkan uga daweyn karaan dumarka.Haweenka lagu qallay isbitaalkan Boorama waxay ka kala yimaadeen dhulka Soomaalida ee geeska Afrika siduu Dr Qaws caddeeyay.Isbitaalka Vistullaa ee Boorama waxaa ku talagalku yahay inay sannadda soo socota ka daweeyaan cudurkaasi 700 oo haween ah.

    bbc

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: