SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Burco: Labadii Wadaad Ee Xilliyadii Ugu Dambeeyey Hadal Hayntoodu Ku Badneyd Magaalada Burco Oo loo soo gacan galiyay Xukuumadda Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on November 12, 2009

    Burco(SAWNEWS) Nov. 12, 2009 – Beesha galbeedka Burco ayaa maanta xukuumadda Somaliland iyo Maamulka gobalka ku soo wareejiyay laba wadaad oo lala xidhiidhiyay in ay gacan saar la leeyihiin kooxaha diimaha ee ka jira dalka Somaliya oo baryahan danbe ay ku daba jireen ciidamada amnigu. Labadan nin oo la kala yidhaahdo Siciid Axmed Jaar iyo Aadan Axmed Caare. Siciid Axmed Jaar Oo ah ninkii ay ciidamada amniga Burco ay ku weerareen masaajid uu ku tukanayay kuna guul daraysteen qabashadiisa halkaas oo ay laba qofku dhaawacmeen. Waxaa saaka la keenay labadan nin Xarunta Gobolka Togdheer waxaana wehelinayay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.  

    Waxa labadaas nin ku qaabilay xarunta Gobolka Togdheer Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed iyo Gudida nabad galyadda Gobolka Togdheer.  Labada nin waxaa loo qaaday dhinaca Jeelka wayn ee magaaladda Burco, halkaas oo lagu waydiin doono su’aalo.

    Soo dhiibista labadan nin ayaa ku timi wada hadal xukuumadu ay la gashay beeha galbeedka burco  iyo kulamo xidhiidh ah oo ay habeenadii ugu danbeeyay ay Culimadda iyo wax-garadka beeshu la yeelatay labadan wadaad.

     

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: