SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuumada Somaliland oo Beenisay in Jasiirada Sacadadiin lagu Wareejiyey Ganacsato Reer Jabuuti ah

    Posted by Sawnews.tk on November 11, 2009

    SACHargeysa(Sawnews)- Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland ayaa beenisay War lagu Baahiyey Wargeyska Haatuf kaas oo sheegayey inay Xukuumada Somaliland Ganacsato reer Jabuuti ah ku Wareejisay Jasiirada Sacadadiin ee Degmada Saylac.

    Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiista  Md Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo dabo socda War uu faafiyey Haatuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Warka uu baahiyey Wargeyska Haatuf uu yahay mid been abuur ah oo xaqiiqda ka fog.

    Wasiirku wuxu sheegay inaanay jirin Ganacsato reer Jabuuti ah oo Xukuumadu ku wareejisay Jasiirada Sacadadiin wuxuna wargeyska Haatuf ku tilmaamay mid caadaystay Baahinta Wararka aan Sal iyo Raadka toona lahayn ee lagaga been sheegayo Xukuumada.

    Wasiirka wuxu intaa ku daray in Xukuumadu ay u raadinaysay Maalgalin lagu sameeyo Goobaha dalxiiska iyo taariikhiga ah ee dalku leeyahay si losoo jiito dalxiisayaal caalami ah taa darteedna ay xukuumadu Ganacsato Somaliland ah ka ogolaatay inay Maalgalin ku sameeyan Deegaanada Dalxiis loo tagi karo.

    Wasiirku wuxu xusay Ganacsade Maxamed Siciid Geedi oo ah Mulkiilaha Shirkada Sigaarka ee MSG kaas oo uu sheegay inuu kormeer kusoo maray Jasiirada si uu usoo indho indheeyo, isagoo intaa ku daray inuu ina Muwaadinkaasi Maalgalin ku samayn doono.

    Wasiirku wuxu ku celiyey Dhaleecaynta uu u jeediyey Wargeyska Haatuf isagoo uga digay faafinta wararka been abuurka ah ee uu caadaystay Wargeysku waa siduu hadalka u dhigayee.

    Wargeyska Haatuf ayaa Cadadkiisii Shalay ku baahiyey in Xukuumada Somaliland Ganacsato reer Jabuuti ah heshiis kula gashay inay ku wareejiso Qaybo ka mid ah Jasiirada Sacadadiin ee Gobolka Salal, Degmada Saylac si ay maalgalin ugu sameeyaan,

    Cabdirisaaq Sh. Cilmi Mixile
    Bnn-Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: