SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dowladda Holland oo xirtay nin loo heysto in uu maalgeliyay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Soomaaliya

    Posted by Sawnews.tk on November 11, 2009

    holland (Sawnews): Dowladda Holland ayaa waxay xirtay nin ay FBI-da Mareykankan doon-dooneysay, kaasi oo ugu eedeysan in uu maalgeliyay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Soomaaliya.

    Dacwad soo oogayaal ka tirsan Dowladda Holland ayaa sheegay in ay xireen nin 43 sano jir ah, kaasi oo Dowladda Mareykanka ugu eedeysan in uu maalgeliyay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Soomaaliya.

    Dacwad soo oogayaasha waxay sheegeen in ninkan oo ku noolaan jiray Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu dalka Mareykanka ka soo tegay  bishii Nobvember 2008, uuna bil kaddib tegay dalka Holland.

    Magaca ninkan ayaa waxay u qarisay dowladda Holland sababo dhinaca sharcigeeda gaarka ah la xiriira.

    Dacwad soo oogayaasha ayaa sheegay in ninkan loo heysto in uu maalgeliyay, isla markaana uu hub u iibiyay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama Soomaaliya, sidoo kalena uu gacan ka geystay dhalinyaro Soomaali ah oo sanadihii 2007 iyo 2008 aaday Soomaaliya.

    Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa la rumeysan yahay in ay u safreen Soomaaliya, isal markaana ay ku biireen Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kala soo horjeedda Dowladada Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee gacanta siinaya.
    Hiiraan Online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: